Sign in to follow this  
General Duke

550MPs give themselves an extension then rule out one for Sharif/Farmaajo [You got to love it]

Recommended Posts

gacantaag.jpg

Baarlamaakna DKG ee Soomaaliya oo gacantaag ku ansixiyey in ay ku darsadaan muddo seddex sanno ah

 

 

Baarlamaanka DFKG oo Isku Raacay Waqtiga La Dooranaayo Madaxweynaha Soomaaliya

 

 

11 hours ago | 2 comments Share 00

 

 

Kulan ay maalintii shalay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayey uga doodeen qodobo muhim ah kuwaas oo khuseeya Axdiga kumeelgaarka ah, iyo waqtiga la dooran doono Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

 

Fadhigii Baarlamaanka oo uu shirguddoominaayey Shairiif Xassan Shiikh Adam ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibaano gaaraya 380 xildhibaan.

 

Ugu horeynti waxaa ay ka doodeen in Axdiga kumeelgaarka ah meelo kamid ah wax laga baddalo waxaana kamid ahaa meelaha wax laga baddalay.

 

Qaabka loo ansixinaayo Raysalwasaaraha iyo xukuumaddiisa taas oo xildhibaanadu isku raaceen in ay noqoto qaabka qarsoodiga ah, si looga dheeraado muran danbe oo arintaas ka dhasha.

 

Sidoo kale waxa ay wax ka baddaleen muddada Madaxweynaha cusub ee imaandoona halkii ay ka ahayd 5 sano ayaa laga dhigey 3 sano oo keliya.

 

Xildhibaanada ayaa sidoo kale isku raacay in Madaxweynaha cusub maalinta la dooran doono ay noqoto dhamaadka bisha July ee sanadkan 2011, Xildhibaanada ayaa sidoo kale go’aamiyey in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo magacaabo guddigii fulin lahaa hawlaha waqtiga kala guurka ah.

 

Go’aamada ay gaareen xildhibaanadu ayaa dhamaantood lagu meelmariyey cod aqlabiyad ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder what those who have been against any move to address this issue by holding an all inclusive nation coneference inside Somalia will say now?

 

They hoped that Sharif and Farmaajo will be given an illegal extension to keep doing what they do best and watse time.

 

Now what will they say as they meet their new master?

Share this post


Link to post
Share on other sites

February 20, 2011 (Radfiofreesomalia.com) - Assalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Wabarakaatu, ma garanaayo goor iigu dambaysay aan wax qoro, sababtuna waa afkii oo juuqda gabay. Waxaan mar walbo ku hamminaayay in uun aan helno wax nidaan iyo kala dambayn dawla deed anigoo mar walba aaminsanaa in dawlad xun ay dhaanto dawlad laaan.

 

Waxaan qirayaa in aan ku hungoobay taageeriddii aan hore u taageeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxwaynaha Soomaaliya ee haatan.

 

Waxaan cabbiray in Dawladda Soomaaliya ay maalin walbo sii luminayso kal soonidii baaxada wayneed ee loo hayay, waxaana maalin walbo soo if baxayo maamul xumo, musuqmaasuq iyo aqoon yari xambaarsan karti darro.

 

Runtii saan filaynay iyo seey arrimi noqdeen waa kala durugsan yihiin waxaana manta la taagan yahay fool xumo iyo ceeb tii u xumayd.

 

This is from a former fan of Sharif Ahmed a lady who wrote many an article in the support of his presedency.

 

Ra'iisul Wasaarahana waxaan ka leeyahay ereyadii ay yiraahdeen isaga iyo qaar wasiiradiisa ka mid " dhalataye dhogoreysan ogidaa !" Shalay ayeey ahayd markuu amrayay in beeshiisa xamaaliga dekedda saami lahga siiyo. Waxaa is wayudiin ah ma beeshiisa kaliya ayuu u doodayaa, waa yaab intiisa la eg !.

Soomaaliyeey gudaha iyo dibedda tashada meesha Dawladi ma joogtee, nin walbo oo madax ah wuxuu nagu maaweeliyaa wakhti dhow ayaan Dalka xoraynaynaa, maalin waa Madaxwaynaha, maalin Ra'iisul wasaaraha, maalin wasiir hebeloow maalinna

Guddoomiye Tarsan. Waxaadba moodda in ay isu talaantaalinayaan si booskoda u xajistaan.

 

Taasi waa ka dheregnay waana bes; muddo kordhis aan aqbalasan nahay ma jirto ee naga hor wareega. Waxaan doonaaynaa Barlamaan cusub iyo Dawlad wax qaban karta oo lagu xulay aqoontooda, waa in aqoontu na hagtaa

 

Wa Billaahi Towfiiq

 

Waxaa qortay

 

Faduma Axmed Maxamuud Cadde ( Qoorwayne )

 

 

The chiekens have come home to roost.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;696471 wrote:
Shariif sakiin waaye dhibka waxa wada igaarka mariid waaye

loooooool. I love it how you are all confused. Now whats the response of your "government" another emergency meeting haa..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Oba, these PL dudes are desperate as you can see. Shaqo kale ma haayaan oo aan ahayn iney jago u ooyaan. U fiirso markii wax la siiyo sidey isku bedelaayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;696476 wrote:
Oba, these PL dudes are desperate as you can see. Shaqo kale ma haayaan oo aan ahayn iney jago u ooyaan. U fiirso markii wax la siiyo sidey isku bedelaayaan.

lool waa sympthom soomali lagu yaqaan, looma dhaamo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this