Sign in to follow this  
Mooge

Tunisia and Egypt Protest Spread to Puntland. Demonstrations in Galkacyo supporting SSC

Recommended Posts

Mooge   

HORSEED MEDIA: ANTI-FAROOLE DEMOS SPREAD TO GAALKACYO

 

Banaanbax balaaran oo aan la sheegin cidda soo abaabushey ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Banaanbaxyaasha ayaa ka canbareeyey maamulka Puntland ee uu hormuudka ka yahay Dr.Faroole sida ay u dayaceen gobolka Mudug isla markaasna aysan u haynin wax dan ah in ay ka qabtaan arimaha amaanka ee faraha ka sii baxaya, halka maamulku isku mashquuliyey arimo siyaasadeed oo ku wajahan Dawladda Federaalka iyo in gaashaanbuur lala sameeyo maamulka Galmudug.

 

Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug oo uu kamid yahay Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa kamid ahaa dadkii la hadley shacabkii ka cabanaayey Maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay amaan darida ka taagan gobolka Mudug gaar’aahaan xaruntiisa Gaalkacyo, sidoo kale waxa uu sheegay in aysan ahayn wax la qaadan karo ahayn sida maamulku uga jawaabey dhibaatada ka dhalatay dagaalkii Kalshaale ee maamulka Somaliland ku xasuuqeen shacabka gobolka Cayn, iyo sida guud ahaanba loola dhaqmo dadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada SSC.

 

Dr.Biixi ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqey in ay aayahooda ka tashaddaan isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii ay aminigooda u soo ceshan lahaayeen.

 

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo isaguna dadka la hadley ayaa kor u qaadey qori AK-47 waxaana uu sheegay in uu qorigaas u sito in uu ku ilaashado naftiisa halkaasna ay marayso xaalka Gaalkacyo, waxaana uu hoosta ka xariiqey in maamulka Puntland ka seexdey in uu wax ka qabto gobolka Mudug. Nabadoonka ayaa maamulka hadda jira ku tilmaamey mid guuldareystey, waxaana uu sheegay in bulshada reer Mudug aysan aqbali karin heshiiska Garoowe ay ku kala saxiixdeen maamulka koonfurta Gaalkacyo iyo Dawladdii Puntland.

 

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale canbaareeyey heshiis dhawaan Dr.Faroole la galay maamulka Galmudug kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid siyaasadeed oo ku wajahan Dawladda Federaalka ee aanu ahayn mid amni wax looga qabanaayo.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa muddo 11 bilood ah aan dhaafin magaalada Garoowe in uu cirka uga duulo oo dalal dibadaha aado mooyee, waxaana ka taagan dalka Abaaro ba’an biyo la’aan ma jirto kaalin muuqata oo Dawladda Puntland ay ka geysatey Abaaraha marka laga yimaado in ay booqasho ku tageen meelaha qaarkood, Maamulka Somaliland oo ka faa’ideysanaya sida Puntland uga seexatey gar-gaarka Abaaraha ayaa la sheegaya in meelo badan oo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag ay kaalmooyin gaarsiiyeen.

 

Abdirisak Shiino

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

^Gaagaab or no Gaagaab people have the right to protest peacefully and give their opinion.

 

Gaagaab and Dr Biixi both are two bitter men who failed their responsibilties while they were in goverment and I don't think any one have apetite for their little games.

 

That said Faroole has been disappointment lately and his support is draining by the day. He needs to act on Sool & Sanaag issue and show support to the people in this regions otherwise it has a potential of destablising other regions in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting development!

 

Nonviolent march is an excellent apparatus for democratic debate. It is heartwarming to see folks out on the streets, letting their voices be heard without anybody firing at them. I urge President Faroole to exercise restraint in this matter. Violence suppression should never be an option against peaceful demonstrators.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this