Sign in to follow this  
AYOUB

Maxay ONLF Udagaalamaysaa, Dagaalkase Masii Wadi Kartaa?

Recommended Posts

AYOUB   

Talaado, 02-08-2011 (Kilil5)--Waxaana qormadan ku falanqayndoonaa xaalada nabadgalyo ee deeganka, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, hada sida xaalyahay iyo rajada mustaqbalka. Hadaba sida lawada ogsoonyahay deegaanka somalidu wuxuu ka mid yahay deegaanada ugu nasiibka daran ee ay ragaadiyeen colaadaha iyo nabadgalyo daradu, dibna uga rideen deegaanadii kale ee dalka Itoobiya. Waxaa sidookale la ogyahay in deegaanku uu soomaray xaalado kala duwan oo kusaabsan arimaha nabadgalyada. Lagasoo bilaabo bilawgii iyo bixitaankii jabhada ONLF oo xiligaas ka biyo diiday nidaamkii iyo maamulkii EPRDP kuna dhawaaqday halgan midaysan oo dhan ah dawlada Itoobiya kaas oo ay kuraadinayeen xoriyad ay rabeen in ay kaga go’aan dalka intiisa kale, ayaa deegaanku uu galay xili aad u qalafsan, gaar ahaan sanadadii ugu horaysay, wakhtigaas oo jabhada ONLF yeelatay quwad xoogan oo ciidan, taageero iyo dhaqaaleba.

 

Jabhada ayaa teegeero balaadhan ka heshay shacabka gaar ahaan dhalinyarada haba u badnaadaan ciyaal iskuulka (dugsi dhexe –ilaa- dugsi sare) iyo haweenka, halkaas oo ay ka heli jireen cudud dhaqaale, wararka iyo istaraatijiyada hawlgalka ay rabaan in ay ka fuliyaan magaalooyinka. Jabhada ayaa dagaalo badan oo isdaba jooga lagashay ciidamadii qalabka siday ee milateriga faderaalka. Sidookale, waxay falal kala duwan oo isdaba jooga ka fulinjireen gudaha magaalooyinka iyo tuulooyinka.

 

Ciidamada Milateriga Faderaalka Itoobiya, ayaa dhankooda halgan adag lagalay jabhada ONLF, halkaasna tacadiyo iyo falal fool xun kula kicijiray cidkasta oo ay ku tuhmaan taageerada jabhada. Ciidamada ayaa soo dhigi jiray magaalooyinka dhexdooda maydadka dadka ay kasoo dilaan jabhada iyaga oo amar kubixin jiray in aan la’aasin, halkaas oo ay maalmo magaalada dhex ooli jireen, cunina jireen ayda iyo xayawaanada kale. Ciidamadu maynan u ogolaan jirin qaraabada maydkaas, in ay usoo dhawaadan, ku dul ooyaan amaba aasaan. Waxaan sidookale mudan in laxuso in ciidamadu ay falal kufsi iyo jidh dil isugu jira kula kicijireen shacabka lagu soo eedeeyo in ay xidhiidh taageero laleeyihiin jabhada.

 

Jabhada ONLF, ayaa markuu dagaalku hor lahaa la dagaalamijiray ciidamada iyo cida ay ku tuhunsanyihiin mukhaabaraadka (jaajuusiinta), waxay amaan galin

jireen arimaha horumarka deegaanka sida dhisida wadooyinka kuwaas oo ay waday Ethiopian Road Authority (ERA), dadka ka shaqeeyaana ay ubadnaayeen qoomiyadaha kale ee dalka.

 

Mudo kadib, waxaa is badalay hawlgaladii iyo halgankii jabhada iyaga oo bilaabay halgan ka dhan ah cidkasta oo dawlada u shaqaysa, waxayna laayeen masuuliyiin badan, waxay laayeen dad badan oo shacaba, waxay hor istaageen horumarkii deegaanka, gaar ahaan wadadii laamiga ahayd ee laga dhisayay inta udhexaysa Jigjiga ilaa Godey iyaga oo laayey shacabkii ka shaqeynayay, gubayna baabuurtii ay kushaqeynayeen, waxay iska hor imaadyo iyo colaado dhex dhigeen qabiiladii deegaanka ee reer guuraaga ahaa.

 

Arimahaan kor ku suxan markii ay bateen waxaa iyana badatay isfashilintii iyo isjaajuusidii taageerayaashii ay ONLF kulahaayeen deegaanka. Kadib markii u xilka hogaanka nabadgalyada qabtay Cabdi Maxamud Cumar (madaxwaynaha deegaanka hada), wuxuu isaga iyo madaxwaynihii hore Da’uud Maxamed Cali aad uga shaqeeyeen sidii xididada loogu siibilahaa, loona burburin lahaa unugyada ay jabhadu ku leedahay magaalooyinka, gaar ahaan magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka, waxayna fashiliyeen dad aad u tirobadan, kuwaas oo qaarkood la xidh-xidhay, qaarna wadanka ka carareen, qaar kalana la cafiyay.

 

Aan usoo noqdo dulucda faalada. Waa maxay hadafka halganka Jabhada ONLF (garabka nabada diiday)? Haday shalay gumaysi (Ciidamada Faderaalka) la dagaalamayeen, waa ayo maanta cida ay la dagaalamayaan (Liyuu booliska)? Maxaa ka maqan oo ay raadinayaan? Waa ayo cidase ay waxyeelada gaadhsiinayaan? Rajo intee le’eg ayayse qabaan in ay ku guulaystaan yoolkooda (kadib markii ay soogaleen UWSLF iyo garabkii nabada qaatay ee ONLF)?

 

Waxaa hubaal ah, cidkastoo deegaanka timaadaana ay dareemi kartaa in deegaanka aysan jirin wax loogu yeedhi karo gumaysi. Waxa deegaanka loo madaxbaneeyay in ay ismaamulaan, madaxwaynuhu waa Somali, kuxigeenku waa Somali, dhamaan wasiirada iyo madax-xafiiseedadu waa Somali, dhamaan shaqaaluhu waa Somali kadib markii la hirgaliyay qorshaha BPR ka, Boolisku waa Somali, Ciidamada hawlgalaa waa Somali, Deegaanku wuxuu leeyahay miisaaniyad aan cidi lamaamulin, aan dhicin, meelana uga noqon. Hadaba su’aashu waxay tahay waa ayo cida wax gumaysata? Yaase lagumaystaa? Waxaan filayaa su’aashaas in aan jawaab loohayn?

 

Dhanka kale waxaa jira, oo aan qiraynaa in ay jiraan tacadiyo guud iyo falal isugu jira dil, jidh dil iyo xadhig oo ka dhaca deegaanka, falalkan caynkan ah waxaa gaysta ciidamada Liyuu Booliska iyo sirdoonka Xafiiska Nabadgalyadu. Dadka falalkan tacadiga ah loo gaysto waa dadka lagu tuhunsanyahay in ay ONLF taageeraan. Ayada oo aan ognahay in Liyuu Boolisku uu dhaqan xunyahay, sharcigana ay ku tuntaan, hadana inta badan ma dhacdo dad shacab ah oon waxba lagu tuhunsanay in waxyeelo loogaysto marka laga reebo falal mar-mar ka dhaca ciidamada Liyuu Booliska oo la xidhiidha anshax daro iyo aqoon la’aan. Arintani ma’aha in aan hoos udhigayno ama aan yareynayno gabood falka ka dhanka ah shacabka ee Liyuu Boolisku gaysto. Ciidanka Liyuu Booliska waxaa loo aasaasay in ay ONLF xididada usiibaan, gobolada nabad galyada ahna kama hawlgalaan, sabab ay uga hawlgalaana majirto, sababtoo ah waa nabad. Maadaama dadka loo xidhxidho ONLF baadtihiin, ama ONLF baad taageertaan, hadii ay ONLF soo wada xaroon lahayd, oo ay hubka wada dhigi lahayd, waxaa dhamaan lahaa marmarsiinyaha dadka lagu xidho ee ah waxay taageeraan ONLF, waxaa la’idinku tuhunsanyahay in aad taageeraan ONLF iyo wixii lamid ah.

 

Ugu dambayntii rajo intee le’eg ayay qabaan garabkan nabada diiday iyo taageerayaashoodu in ay ka gun gaadhaan yoolkooda ama hadafkooda. Sida lawada ogsoonyahay waxaa nabada qaatay qayb kamida Jabhadii ONLF, waxaa sidookale nabadii qaatay ururkii UWSLF oo kasoo horjeeday, dagaala kula jiray ONLF, dawlada dhexe iyo dawlada Kilil 5-aad. Inta kasta oo ONLF iyo UWSLF ay col ahaayeen, hadana waxay kuwada shaqeyn jireen “cadawgaaga cadawgiisu waa saxiibkaa” waxayna dhan kawada ahaayeen dawlada Itoobiya. Waxaa batahay dadka doonaya inay fashilaan qorshayaalka ONLF, waxaana taageerada kala noqday dad tirobadan, oo leh qurbajoog iyo gurijoogba. Waxaa deegaanka yimid qurbojoog badan oo horay deegaanka fikradaha ay hada aaminsanyihiin firkarado ka duwan ka amaaninsaa. Qurbajoogtan ayaa deegaanka lagu soodhaweeyay, si loo minjaxaabiyo ONLF iyo taageerayaashooda. Madaxwaynaha iyo waftidiga uu hogaaminayo ayaa shirar kaladuwan kulayeeshay qurbajoogta wadamada USA iyo Yurub.

 

Isbadalada socda ee aan kasoo sheekeynay oodhan waxay niyad jab ku noqotay ciidankii awoodiisu yarayd ee duurka ku hadhsanaa ee ONLF iyo taageerayaashooda ama qurbo hajoogeen ama deegaanka hajoogeen. Waxaa ONLF garabka nabada diiday awgood u dhibaataysan dad aad u tiro badan, qaar xabsiyo ku jira, qaar wadanka ka cararay iyo qaar aad u tabaalaysan oo mucaawinadii iyo gargaarkii la gaadhsiin kariwaayay, ama loo diiday sababtunay aytahay ONLF baa ka faa’iidaysan mucaawinada. Dadka sida gaarka ah hada udhibaataysan ayaa ah kuwa abaaruhu saameeyeen. Waxaa dhici karta in mucaawinada loogu diido ONLF baa cunidoonta, ama gacanta ku dhigi doonta mucaawinada.

 

Waxaa la odhan karaa ONLF way tabar gabtay, lakiin in dhib ku filan ayaa wali duurka kujirta. Innta ay duurka kujiraanna waxaa hubaal ah in dad badan oo rayad ah magaca ONLF lagu dhibi, lagu dili, lagu dulmiyi, lagu cuna qabatayn.

 

Waxay dowlada dhexe iyo tan deegaankuba ubaahanyihiin in dadka rayadka ah ee abaaruhu aafeeyeen aynan mucaawinada udiidna iyaga oo sabab uga dhigaya ONLF baa ka faa’iidaysan. Dawladu waa inay ogaataa in ay iyadu mas’uul katahay dadka shacabka ah ee tabaalaysan.

 

Fallo,

 

Kilil5 Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this