Sign in to follow this  
Herer

26-Jir Soomaali ah Oo Isku Soo Sharxay Jagada Madaxweynanimada Ee Somalia

Recommended Posts

Herer   

CAJAA'IB – Waxaa markii ugu horeysay Jagada Madaxweynanimada Somalia ee Jahwareerka badan isku soo sharxay mid ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa.

 

Mustafa C/raxmaan Sheekh oo ku magac dheer *Mustaf Ajakis*, ayaa sheegay in ka dib markii uu arkay inuu dayacan yahay dalka Somalia, isqabqabsiga siyaasadeedna uu madax-maray kuwa xilalka Dowladnimo haya iminka ee aan u turaynin Umadda Soomaaliyeed, ayna taasi dhibaatooyin baaxad leh usii horseedayso shacabka tabaalaysan uu go’aansaday inuu Mas’uul ka noqdo dalka si uu uga shaqeeyo inay shacabka gacmaha is qabsadaan oo ay meel qura kasoo wada jeestaan.

 

Mustaf Ajakis oo 26-jir ah, ayaa mar uu ka hadlayey goorta ay ku dhalatay inuu xil ka qabto Somalia, ayaa ii sheegay in uu ku taamayey in badan inuu mansiirka talada u qabto Umadda Soomaaliyeed, maadaama buu yiri ay kuwa iminka joogo ka badin la’yihiin “Ijiid-aan ku jiido” oo uu ula jeeday is qabqabsi iyaga dhaxdooda ah ee aan loogu diir-naxaynin Shacabka ay matalaan, marka laga reebo inay maalka ay ku helaan magaca Shacabka Soomaaliyeed ay farqaha ku shubtaan.

 

Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, inuu jagada isaga dago maadaama uu kazoo bixi waayey mas’uuliyadii shacabka soomaaliyeed ka saarneyd, isalamarkaana uu xilkiisa dhamaaday, waxaana uu sheegay inuu wax badan ka bali doono xaaladda iminka murugsan haddii isaga la doonto bisha Augost ee soo socota, xilligaasi oo uu ku eg yahay waqtiga Dowladda.

 

“Bal eega Soomaaliyeey raggii Siyaasiyiinta Soomaaliyeed meesha ay iminka na dhigeen, maxaa noo diidan inaan dhallinyaradeena la marin habaabiyey isku soo ururino oo aan hal far noqono, islamarkaana aan ku shaqayno baraarujin iyo isku duubnaan nabadeed, sidii ururkii Dhaliyarada Soomaaliyeed (SYL) ee xurnimada u horseeday dalkeena hooyo, manta waxaa la joogaa xilligii aan kici laheyn oo aan kacdoon sameyn laheyn, sida shacabka Masar, waaba dhimanee si karti leh nafta hanooga baxdo walaalayaal” ayuu yiri Mustaf.

 

“Ma ahi Siyaasi, mana ahi Hantiile, laakiin waxaan ahay shaqsi u danqaday dalkiisa iyo dadkiisa abaaraha iyo colaadaha ay halakeeyeen, doonayana inuu ka wax wayn u qabto” ayuu hadalkiisa kusii daray.

 

Musharaxan da’da yar, ayaa sheegay inuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 1985-tii, islamarkaana uu kusoo barbaaray isla Caasimadda, waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay in isagoo 6-jir ah ay burburtay Xukuumaddii dhexe ee uu madaxda ka ahaa Marxuum Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

 

Mustafa C/raxmaan Sheekh oo ku magac dheer *Mustaf Ajakis*, ayaa waxaa aad loogu yaqaanaa in goobta uu soo istaago ay dhegta uwa raariciyaan dadka goobta jooga, waana shaqsi boqolaal ruux wax fahamsiin kara oo af-maal ah.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indha-Jaceyl)

indhojaceel2003@hotmail.com

 

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Feb_11/5Feb25.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

ayow ayow meesha sterio alfaghi maa vila somaali laga dhigi rabaa .....................lol

sheekada ma filinkii jeeri iyo ajakis may iskubadashey alow bayeey nacbuuf..... hhhhhhhhhhhh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this