Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Madaxweyne Shariif oo kullan xasaasi ah la-yeeshay saraakiishii hore ee Maxamed Siyaad Barre

Recommended Posts

Waxaa maalmo kahor magaaladda Muqdisho soo gaaray saraakiil fara-badan oo ka tirsaneyd saraakiishii dowladdii kacaanka ee Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre” kuwaa oo kullan xasaasi ah la-yeeshay qaar ka tirsan madaxda sar sare ee dowladda.

 

Kullankaan oo si-weyn loo-soo agaasimay, misana ilbaabadu u xirnaa ayaa waxaa yeeshay madaxweynaha dowladda Somaliya Shariif Sheekh Axmed, Wasiirka Gaanshaandiga ee dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamed Fiqi iyo 12 kamid ah saraakiishii sar sare ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

 

Kullankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, sidii dalka looga saari lahaa Xarakada Al Shabaab oo ka talisa inta badan dalka Soomaaliya iyo sidii dalka dib u dhis loogu sameyn lahaa.

 

Saraakiishii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ee madaxweyne Shariif la-kulantay ayaa waxaa hogaaminaayay sarkaal sare oo lagu magacaabo Janaraal Caare, isla-markaana waxay isla lafaha gureen in si deg deg ah dalka wax looga qabto.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu saraakiishani u sheegay in dowladda ay gacanta ku heyso hub iyo ciidamo ku fillan, balse loo-baahan yahay saraakiil si weyn u haggi kareysa ciidamadda dowladda, kuwaa oo awoodi karaaya in’ay dalka ka saaraan maamulka Xarakada Al Shabaab.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in afhayeen u hadlay saraakiishani uu sheegay in’ay iyagu haggi doonaan ciidamadda dowladda, dhawaana ay bilaabi doonaan hawl-galaddii ay kula dagaalami lahaayeen Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay gacanta ku dhigi doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba ha-ahataee kullankaan oo kullan culus ahaa ayaa waxaa la-filaayaa in’ay kasoo bixi doonaan talaabo ay dowladda ku qaadeyso dagaalo ka dhan maamulka Xarakada Al Shabaab oo diidan joogitaanka dowladda kmg ee Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

 

http://www.dhacdo.com/news.php?readmore=3611

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Qodax Qorax;687690 wrote:
By saraakishe MSB I assume they mean soldiers from Gedo. These men who destroyed the country wont make any diffrence today.

Both your assumption and shallow analysis of the Somali x military oficers' origins stink . !!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this