Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta af-soomaaliga

Recommended Posts

Positive   

Xaalkii waa is badaley cid walba birtii wey geyday, wadaadkii lagu farxi jiray hadda waa laga naxaa,odaygii wax kala xalin jiray hadda magac ma leh,martidii xushmadda badneyd hadda wey ku xadaysaa, masaafurkii miino ayuu kuu aasayaa, caruurtii xushmadda badnayd hadda wey ku tuuraysaa.

Aduunkii is badel baa ku dhacay lama filaana dhan kasta xataa cimaladii dhirtii duur joogtii………….u soo noqo dhaqankii fiicnaa,,, oo wax nooga sheeg wixii aad ka xasuusato toosiyow waa markaad soo nabad noqotid bi'idni laah.

Wax jira ayaad sheegtay Gooniyow waxaan qabaase in waqtigu wato waxan. Sida afarta xilli ee sannadku saamaynta ugu yeeshaan noolaha ayaa jiritaan dheer ee waqtiguna u leeyahay saamayntiisa. Haddaynu si kale u niraahno halkan meel raaxo ma aha ee waa meel shaqo. Taasu waxay keenaysaa in jiil kasta oo kaca dhibaato ku filan oo ay la legdamaan la hor dhigo. Sida waqtiga iyo kala duwanaanshuhu ku imaanayaa waa sidaas.

 

Soomaalida xikmadda aad ku tuhmi kartaa marka ay waqtigeenna ka hadlayaan waxay ku oranayaan “aakhiru-samaan baa lagu jiraa". Dhaqamada kale ee adduunka haddaad milicsato waxaad arkaysaa in reer galbeedku oranayaan waxaa lagu jiraa ` iron age` (xilligii birta) oo ay ku micneeyaan inuu yahay waqti xun; bariga fogna waxay yiraahdaan waqtigeennani waa` Kali Yuga`( xilligii xumaanta); Ilbaxnimadii Maya ee ka jirtay Koonfurta Amerika waxay saadaalisay in is-beddel weyni uu adduunka ku dhici doono sannadka 2012ka.

 

Sidaas darteed dhaqamada kala duwani way isla qirsan yihiin in waqtigan ay xumaantu sarreyso.

 

Haddaan u soo noqdo dhaqankii fiicnaa ee hore waxan qabaa inuu waqtigiisa la socday awoowayaasheenna ay asiibeen markay samaysteen dhaqankaas qaaliga ah. Inagana waqtigeenna ayaa ina haysta oo sugayaa inaan samaysano dhaqan wanaagsan oo ku wajahan duruufaha inoo gaarka ah. Taas micnaheedu ma aha inaan dhaqankii hore ka guuro ee waxa weeyaan inaan horumarin ku samayno oo wixii wanaagsan ee waqtigeenna la socon karana aan deysano wixii aynaan qaadan karinna aan ka tagno.

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

geellu wuxuu soo laabaa labadiisa dhagood si qumaati ahna u toosiyaa haduu dareemo libaax ama rag

inta kale shaqo kuma lahan sida waraabaha, dawacada, ama dacawada hadba sida aad u taqaan iyo waliba dumarka iwm.

 

ma iga gadatay mise waad igu diiday;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

waxba isla waayi mayno hadaba

cilmiga shinbiraha:),,,,,, maxaa farqi ah oo u dhaxeeya sedaxdaan magac shinbirood

 

1- fiin

2-gallow

3-dhabbad

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

waa sidaad iigu toosisay waana isku mid sidaad u sheegtayba.

Maxay somaalidu ula jeedaa laxow iyo lax meel ma wada galaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Waxaa nasiib dara ah in Soomaaligaas wax yari yaaqaaniin, Dhowaana uu lumi doono, Sida bur burku ugu dhacay wadankeenii baa luuqadana bur bur wayni ugu dhacay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

gooni;696723 wrote:
yaleex,yalax,yalalax.

Timo yaleex ah, timo yalax ah, iyo caws yalalax leh=kuligood jileec bay isugu biyo shubanayaan.

kuwan noo soo fiiri ina macruufow

1-mayraq

2-musonaw

3-miscilil

4-magool

5-mir iyo mahiigaan.

1-Maryaq???

2-Musanow -Qaylo, Ama Baroor, Sawaxan

3-Miscilil, Ma hubo laakin waxaan u wadaa meel ka mid ah guryaha reer Miyiga, ama Xerada

4-Magool - Waa magac hablaha loo bixiyo, waxana uu ka soo jeeda baan u wada Xili barwaaqo, ama geed quruxbadan

5-Mir iyo Mahigaan, --Mir wa xiliga roobabowga ah, oo roobku soo socdo, Mahigaan waa roob aad u wayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ana waxaan u malaynayaa in ereyaduna sidan yihiin

1-mayraq,,, waa seedda isku xirta jeegaada ama qadaadka oo dhabarka ku teedsan ilaa misikta

2-musanow baroor dareen (laa samaxalah)

3-miscilil waxaan filaayaa inuu yahay ooda kore oo xoolaha markii la xareeyo iridda hore afka laga saaro.

4-magool waa marka dhirtu ubixiso ama ubuxu wada dilaaco

5-mir iyo mahiigaan waa laba eray oo kala macnaa sidan filayo kow, mir waxaad u isticmaali kartaa labo macne,waxaana kala saara hadba santaniska ama oraahda aad u isticmaasho

 

b- miro geed ku yaala ayaan mir kaliya ka goostay (waa hal mir ).

t- tan gashay mir iyo mahiigaan waa roob xoog leh oo si is daba jooga habeenkii ku miray mudo badana da'.

 

Hadaba ereygaan mir waa macno badan yahay waxaa kaloo loo isticmaalaa marka xooluha lasoo xareeyo habeenkii qaar ka mida xooluhu wali ay sidii u sii daaqaan ama sii mirtaan.

 

Afka soomaaligu waa hodan aan laga dhargi karin waana luuqad adag barashadeeda sida ay sheegeen dadkii bartay waxaana intiisa badan lagasoo min guuriyay dhaqankii reer guuraaga, beeralayda, iyo reer xeebeedka, lagamana sal gaari karo mid ka mida.

 

Tusaale kale erayga kal-fadhi waa laba eray oo isku dhagan hal macnona sameeyay kal=masagada lagu tumo kal iyo mooye waa macno kale.

hadaba (kal fadhi) waxaa lagasoo min guuriyay marka xoolaha xiligii ay biyaha cabi jireen la gaaro ayaa la yidhaahdaa xooluhu wey kallan yihiin oo waqtigii la aroorin jiray ayaa la gaaray,,, waana tan ay kasoo aroortay kal fadhi macnaha fadhi lagu balansanaa.,,bal wax ila tootoosi adana.:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this