Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Garaad cabdirashid garaad ismacil vists Hargeysa

Recommended Posts

Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Oo Hargaysa u Yimi Hawlo Nabadeed

January 13th, 2011 Comments Off

 

Hargaysa (Somaliland.Org)- Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah Isimada Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, ayaa shalay socdaal nabadeed ku yimi magaalada Hargaysa, iyada oo si diirran loogu soo dhaweeyay duleedka bari ee Caasimadda.

 

Garaad Cabdirashiid oo ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu saldhigiisu yahay, waxa uu safarkiisa ku soo maray magaalada Burco, halkaas oo uu wada hadallo iyo kulamo qaatay muddo laba maalmood ah kula yeeshay Madaxdhaqameedka, Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer.

 

“Aad iyo aad ayaan u salaamayaa bulshada, aniga oo uga mahad naqaya sida qaaliga ah ee heerkeedu sareeyo ee ay ii soo dhaweeyeen. Imaatinkan aan imi magaalada Hargaysa ee Caasimadda Somaliland, maaha markii ugu horaysay. Wadanka intii aan joogay waa markii afraad ee aan imaado, inkasta oo muddo badan aan ka maqnaa. Qorshahaygu waxa uu ahaa in aan mar hore imaado, hase yeeshee hawlo iyo arrimo dhulal kala duwan ka jiray awgeed ayaan dib ugu dhacay. Halkanna waxa aan u imi hawlo nabadeed iyo kuwo kaleba. Umadda waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaam qaaliya.” Sidaa waxa yidhi Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo u waramayay Somaliland.Org, markii uu soo gaadhay Magaalada Hargaysa.

 

Garaadka oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaa ku daray “Safarkaygan hadda waxaan ka imi magaalada Laascaanood oo fadhigaygu yahay, laba habeenna waxaan joogay magaalada Burco, halkaas oo aanu ku kulanay Salaadiin, Madaxdhaqameed iyo mushtamacyo kala duwan. Safarkaygu sidaas ayuu ahaa, waxaanu la xidhiidhaa arrimo nabadeed.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Taleexi;687294 wrote:
Ma kii fa-qa-sh-ta ahaa baa?
:)
thanks Xaaji he is not the legit Garaad for the JS though... just for your kindly info.

lol, to Xundhuf ma waxaan fa-qash ahayn baa LA degan, beleive me he knows, laakiin waxay ku socdaan jidkii aabe Siyaad inay reer walba i sameeyaan Garaad amd Isim u nacamleeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Bilan & Malika: Xaajiga ha igu dirina waan saxayey uune, Allow alle :) mar haddaan ka gabyey oo go'aygiina ka qaatay, maxaa iiga gidhiish ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji, Taleexi sharaf waxba kama oga. waa ninka ku leh qabiil baa nagu soo dhuulay oo qabiilkeyga guumeysta, oo magaladii iyo gobolkii ka heysta. sharaftii reerka oo dhan ayuu hoos u dhigay. reer dhan oo tariikh geesinimo iyo dagaalyahan leh ah ayuu leeyahay reer kale ayaa gumeeysta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this