Sign in to follow this  
General Duke

Hargeysa, (Haatuf): Spokesman for agent Atam exposes truth.. Somaliland link with Al Shabaab

Recommended Posts

Afhayeenka Atam Oo Sheegay Inay Diyaar U Yihiin Wada Hadal Dhexmara Xukuumada, Qirayna In SomalilandAy Waajib Ku Tahay Difaacida Sanaag Bari

 

Hargeysa, January 4, 2010 (Haatuf) – Afhayeenka kooxda Atam ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee Bariga Sanaag Faarax Isaaciil Sardheeye ayaa sheegay inay danaynayaan wada hadal ay la galaan xukuumada Somaliland, isagoo qirayna in deegaanada Bariga Sanaag ay ka tirsan yihiin Somaliland, isla markaana ay waajib ku tahay Somaliland inay ka difaacdo deegaanadaasi Sanaag bari maamulka Puntland ee damacsan inuu deegaanadaasi ka baadho Macdan iyo khayraadka ku duugan, isla markaana waxa uu Puntland ku eedeeyey in ay xasuuq kula kaceen dadkii u dhashay deegaanada Sanaag bari.

 

Mr. Faarax Sardheeye waxa uu dhinac iska leexiyey eedayn sheegaysay in ay kooxdoodu ay ka tirsan tahay Al-Shabaab, waxaanu tibaaxay in maamul goboleedka Puntland uu eedayntaas ka danbeeyo.

 

Afhayeenka Dagaalyahanka Sh. Atam Faarax Ismaaciil Sardheeye waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan deegaanka “Madar-shoon” oo ka mid ah dhulkii dhawaan ay ku dagaalameen maamulka Puntland oo uu sheegay in uu tirsan yahay buuralayda Sanaag bari, ugu horayna isaga oo ka hadlaya deegaanka Sanaag bari iyo cida masuuliyadeedu saaran tahayba, waxa uu yidhi “Somaliland waxaan u sheegaynaa dhulkan la isku haysto ee ay Puntland rabto in ay kala baxdo khayraadkiisa waa dhul Somaliland ka tirsan adinka ayaanay masuuliyadi idinka saaran tahay, deegaanka Sanaag barina waxa uu maanta u baahan yahay dawlada wax ka dhicisa oo horjoogsata damac Faroole”

 

S: Waxaad ka warantaa Xaalada Guud ee deegaanka buuralayda Gal-Gala?

 

J: Deegaankani hada waa dhul iska cidlo ah, tan iyo intii ay meeshan ka dhaceen dagaaladii gardarada ahaa ee maamul goboleedka Puntland ku soo qaadeen dadka dhulka asal ahaan iska leh, kaas oo loo adeegsaday ******** iyo dad kale oo aan la garanayn meel laga keenay.

 

S: Waxa la idinku eedeeyaa in aad ka tirsan tihiin kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, arintaas maxaad ka odhan lahayd?

 

J:Waxaas waxba kama jiraan, anagu Al-Shabaab wax xidhiidh ah oo aanu la leenahay ma jirto, eedeynta noocaas ahna maamulka Garoowe ayaa gaalada wax kaga qaata oo waa mashruuc, arimahaasina waxa ay ka mid yihiin dagaalada lagula jiro dadka ka soo jeeda deegaanka bariga Sanaag.

 

S: Maxaad ku cadayn kartaa in xidhiidh aydaan la lahayn kooxda Al-Shabaab?

 

J: Taasi way iska cadahay, anaguna xidhiidh aanu la leenahay Shabaab habayaraatee ma jirto.

 

S: Maamul goboleedka Puntland ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah ee uu ku tababaray Boosaaso, sideed u aragtaan?

 

J: Calooshood u shaqaytayaashaasi waxa ay ka mid yihiin kuwa raba in dhulkan xoog ay kaga kiciyaan dadka u dhashay, waxaananu diyaar u nahay in aanu dagaal kala hortagno,ciimadana waxay ay u tababaranayaan in ay xoog wax ku qabsadaan.

 

S: Mawqifka aad Somaliland ka taagan tihiin ma ii sheegi kartaa?

 

J: Somaliland waxa aanu u aragnaa dawlad aan wax dhib ah noo geysan oo danaha shacabkeeda ku mashquulsan, dawladaas Hargeysa joogtaana waa dad Somaliyeed oo aanu ka dhib laanahay.

 

S: Xukuumada Somaliland wax wada hadal ah wali ma la yeelateen, ama ma danaynaysaan in aad la yeelataan?

 

J: Hadii ay suurta gal tahay waanu danaynaynaa, cid Alla cidii wax na tari kartaba diyaar ayaanu u nahay in aanu la hadalno.

 

S: Warar dhawaan soo baxayey ayaa sheegaya in aad garab ka heshaan kooxda Al-shabaab oo la sheego in aad deegaanaas u qaabilsan tihiin arintaasi ma jirtaa?

 

J: Waxaa waxba kama jiraan, waa been abuur cad oo nalagu shaanbadaynayo, halka aanu ku suganahayna waa xadkii u dhaxeeyey Puntland iyo Somaliland markaa anaga Shabaab iyo waxaas waa nalagu shaanbadaynayaa.

 

S: Hogaamiyihiinii Atam xagee ayuu ku danbeeyey oo uu ku sugan yahay wakhtigan?

 

J: Wuu joogaa, waanu nala joogaa isaga oo bad qaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Atom is a Terrorist,' Says Somaliland After Puntland Allegations

 

Authorities in Somalia's separatist republic of Somaliland have rejected accusations that Somaliland soldiers fought alongside Al Shabaab militants at war with Puntland's government, Radio Garowe reports.

 

Somaliland Information Minister Abdullahi Osman Geljire told a press conference Tuesday in the capital Hargeisa that Somaliland does not support Al Shabaab insurgents.

 

"We share a border with Puntland there is neighborliness and brotherhood between us and our communities [Puntland and Somaliland]," Somaliland's information minister told reporters.

 

He rejected accusations from Puntland President Abdirahman Farole and Puntland Livestock Minister Said Hassan Shire that Somaliland soldiers "fought alongside Al Shabaab" in Galgala area of Puntland.

 

In early August, Puntland troops launched a massive military offensive in Galgala, a mountaineous area roughy 60km southwest of Bossaso, Puntland's bustling port city and commercial capital.

 

Puntland leaders say they have seized all of the militants' training camps and strongholds in the Galgala mountainous area. President Farole said the insurgents, led by Mohamed Said Atom, had fled to regions west of Puntland, under the control of Somaliland government.

 

"We consider Atom to be a terrorist and we will hunt him down if he sets foot inside Somaliland," said Mr. Abdullahi Geljire, the information minister of Somaliland, in the strongest language from Somaliland government regarding the Galgala conflict.

 

The mountainous regions around Galgala stretches deep into Somaliland regions, considered geographically as part of the Golis mountain range. The anti-Puntland rebels linked to Al Shabaab are hiding out in those mountains, Puntland officials believe.

 

But Somaliland Information Minister Geljire said he wants to "reiterate" Somaliland's calls for security cooperation with Puntland, which President Farole welcomed during a recent interview with BBC.

 

Somaliland and Puntland have clashed several times over an unmarked border since 2002, with both administrations claiming ownership of Sool and Sanaag regions. That 'border dispute' has been resolved yet but both administrations have expressed peace overtures in recent months.

 

Last month, the U.S. government announced the two-track approach for its Somalia policy which would see U.S. direct support to Somaliland and Puntland, whilst continuing to back UN-recognized Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu under African Union protection.

 

In Oct. 2008, Al Shabaab suicide bombers launched five simultaneous in Hargeisa and Bossaso, including a suicide bombing at the Somaliland presidential palace in Hargeisa.

 

Somaliland unilaterally declared independence from the rest of Somalia in 1991 but has not been recognized yet, while Puntland supports the establishment of a future federal Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Last month, the U.S. government announced the two-track approach for its Somalia policy which would see U.S. direct support to Somaliland and Puntland, whilst continuing to back UN-recognized Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu under African Union protection."

 

It will be interesting to see how this will affect the USA's new policy

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the US understands the importance of Puntland. The largest Somali Diaspora in America are those who hail and have deep ties to Puntland. Thus how can the secessionist inflaunce US policy, when they are but a minority here.

 

Now their open support for terror groups has come to the fore, we shall see how it turns out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SL oo lagu eedeeyey xiriir Al Shabaab

1 Jan 1, 2011 - 11:36:37 AM

 

 

 

NB: War saxafadeedkaan waxaa u akhriyay saxaafada gudaha iyo caalamiga ah Wasiir xigeenka Amniga ee Dowladda Puntland, Md. Cumar-Jamal Cisman Maxamad

 

---------------------

 

WAR-SAXAFADEED (Dowladda Puntland ee Soomaaliya)

1 Janaayo 2011

 

Puntland oo ka Welwelsan Xiriirka Somaliland iyo Al Shabaab

 

Waayahaan waxaa si isdaba joog ah uga soo yeerayay Maamulka Somaliland hadalo aan munaasab ahayn oo ku aadan wax ka sheega Dowladda Puntland iyo adkaynta amaankeeda. Marka hore waxaan rabnaa inaan cid walba u cadayno in ciidamada Dowladda Puntland ay yihiin kuwo ay kula dagaalamayso Argagaxisada, Burcad-badeeda, Tahriibta iyo cid kasta oo ku howlan dambiyada abaabulan, kuna adkaynayso amnigeeda iyo xasiloonida gudaha, waxaana la yaab in ay Somaliland arrintaasi khatar u aragto.

 

Waxaa xusid mudan in ugu yaraan dhowr jeer ay Dowladda Puntland fulisay ayna ciidamo uga dhinteen howlgalo Burcad-badeeda ka dhan ah oo lagu badbaadiyay gadiid iyo badeecad u raran Somaliland. Waxaa kale oo wararka isdaba joogga ah ee Saraakiisha Hargaysa ka soo yeerayay, uuna ugu danbeeyey waraysigii uu BBC-da siiyay Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE 30 Dec 2010, ee kicinta, tumida durbaan-colaadeedka, iyo ka hadalka macdantu ayna kala mid yihiin afhayeenkii kooxda Al Shabaab ee Maxamad Siciid Atam ay hoosta ka xariiqayso sida ay weli gabaad iyo abaabul u siinayaan haragii kooxda Al Shabaab ee dhowaan lagu jabiyay Buuraleyda Galgala.

 

Puntland waxay diyaar u tahay Soomaalinimo, deris-wanaag, iyo wax-wada-qabsi cidnana cadow iyo duulaan kuma aha. Waxay kaloo Puntland ku howlan tahay isu-keenid ku salaysan dib-u-heshiisiinta qeybaha kala gedisan ee Bulshada Soomaaliyeed, sidii ay isugu keentay shirweynihii Culumaa’udiinka, Shirkii Haweenka Soomaaliyeed iyo Ciyaarihii 18aad ee Gobollada Soomaaliyeed oo markii ugu horaysay lagu qabtay Garowe tan iyo 1987kii. Dowladda Puntland waxay ku howlan tahay adkeynta amnigeeda si loo xaqiijiyo hor’umarka dadka iyo dalka loona abuuro jawi saamaxaya maalgelin sokeeye iyo mid shisheeye. Cid kasta oo Soomaali ah oo sidaa oo kale samaysa kama xumin oo waanu taageeraynaa.

 

Waa Somaliland midda dal iyo dad aysan lahayn ku soo duushay oo gardarro ku joogta, waana Somaliland midda hadda ku howlan abaabul-colaadeed jabhadaysan iyo dib-u-nooleyn haraagii kooxda Al Shabaab ee u fakaday buuraleyda galbeed ee Gobolka Sanaag. Waxaan kula talin lahayn Maamulka Somaliland inay durbaan-coladeedka ay garaacayaan iyo malahooda been-awaalka ah ku bedelaan horumarinta dadkooda iyo degaankooda, tixnagaliyaan deris-wanaaga.

 

Waxaan Beesha Caalamka ka codsanaynaa inay si taxadar leh ula socdaan xaalad-abuurka beenta ah ee ka soo yeeraya Maamulka Somaliland. Waxaanu mar kale ku celinaynaa in ciidamada Dowladda Puntland ay u taagan yihiin qaybna ka yihiin sugida amniga guud ee mandaqada Geeska Afrika.

 

Ugu danbayn, Puntland waxay mar kasta diyaar u tahay in khilaaf kasta oo Soomaalida dhexdeeda ah lagu xaliyo nabad iyo wada-hadal.

 

Xigasho: Dowladda Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Blah Blah. You should be more worried about the al shabab terror cells in North Galckayo murdering the traditional elders daily. If there is any terror cells it's non other then puntland soil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^ No adeer. It's your own kins who are united to continue the war in the South. Does Sheikh Dahiir Aweys, Cali Dheere, and the other numerous well known thugs who are bloodthirsty for more conflicts ring a bell? don't you ever think its ok to blame the problems in the South on Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;685618 wrote:
I think the US understands the importance of Puntland. The largest Somali Diaspora in America are those who hail and have deep ties to Puntland. Thus how can the secessionist inflaunce US policy, when they are but a minority here.

 

Now their open support for terror groups has come to the fore, we shall see how it turns out.

Do you have data to back up your claim that the largest Somali diaspora in America hail from PL, yaa Dukey?

Waqooyi Bari or PL is a region in Somalia, laakiin I think you forget that malaha.

Waan fahmi karaa karbaashin the qowdhans, but you are going too far walaalow ee is qabo bal.

 

Wadan kale inaad ka hadleyso ayaa u maleeya sometimes. Waa maxay heesahaan dee? how old is your flag and your new "country "again? ;)

Soomali ayaa iska ba'dey wallee...war xishoo waryaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahh my wonderful Somalina comes in guns blazing. Pardon me, but you are wrong in this case, and your anti Puntland BS is clouding your judgment, go drink some Cofe and calm down.

 

Yes the largest Somali Diaspora are those who hail from the state of Puntland. Thats a fact.

 

The secessionist link with Al Shabaab will be exposed and they can cry and deny all they like, we know how they benefit from the mayhem and murder.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;685620 wrote:
Blah Blah. You should be more worried about the al shabab terror cells in North Galckayo murdering the traditional elders daily. If there is any terror cells it's non other then puntland soil.

Basically...

 

 

The crooks are trying to spin the news. We know what the United Nations Security Council report said about their leaders :). The albshab nonesense is coming from their bitter media outlets.

 

They are by far the single thing holding Somalia back today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;685628 wrote:
Ahh my wonderful Somalina comes in guns blazing. Pardon me, but you are wrong in this case, and your anti Puntland BS is couding your judgment, go drink some Cofe and calm down.

 

Yes the largest Somali Diaspora are those who hail from the state of Puntland. Thats a fact.

 

The secessionist link with Al Shabaab will be exposed and they can cry and deny all they like, we know how they benefit from the mayhem and murder.

:D :D

Dee goormaa la tiro koobey qabiilada degan America?

 

Walaalow, bring me some numbers, fact or fiction waan kala saari karnaa markaas ma garatey.

 

I like Waqooyi Bari, because Somaliya ayey ku taalaa dadkeedana waa Somali. PL iyo hebalow Land adiga ku duko haddey meel ku geyneyso...lol...aniga Soomaliya uun baan aqaan maxaa yeeley waan ku dhashay, calankeygana waa kii qurxoonaa ee baluuga ahaa, you know the one Abdi Bile uu babiyo mar walba...lol...

 

Bax smoothie cab, vitamin-ka ayaa kugu yar. As a matter of fact, I recommend a 3-day fruit diet to cleanse your clannish system..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this