Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Abdi Bille Abdi Recieves Red Carpet Treatment By the PDRC and Golis. PICS

Recommended Posts

Shirkadda Golis Oo Munaasabad Marti-Sharaf Ah u Sameysey Haleey Cabdi Bille Cabdi

January 3, 2011

 

Shirkada Isgaarsiinta Golisa ayaa maanta qado marti sharaf ah u samaysay Halyeeyga caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi kaasoo Maalmahaan ku sugnaa magaalda Garoowe ee caasumda Puntland

 

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayab galya wasiirka Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Ciise Faarax Gaashaan Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta iyo Dhaqanka Cabdixakiin Axmed Guuleed Agaasimaha Shirkadda Golis Adan Shiikhdoon iyo marti kaloo badan.

 

Waxaan munaasabadda ka hadalay Wasiir Warfaafinta Puntland oo sheegay in shirkadda Golis ay tahay mid ka qayab qaadata hormarka Puntland waxaana uu mahadf gaar ah u celiyey shirkadda Golis marti sharafka ay u sameysey Halyeey Cabdi Bille Cabdi.

 

Sidoo kale goobtaas ka hadalay Halyeey Cabdi Bile Cabdi halyeeyga ayaa sheegay in uu uga mahad celinaayo shirkadda Golis marti sharafka waxaana uu sheegay in shirkadaha isgaarsiinta ay door muhim ah qaateen.

 

Cabdi Bile ayaa intaa ku daray in hadii aysan isgaarsiini jiri lahayan markii ay burburtay dowalda dhexe soomaaliya ay dadka soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan la kulmi lahaayeen tasoo ay isgaarsiinta u saha shay in ay dadku daafah dunid ku kal maqan ay is helaan

 

Halyeeyga Caanka aha ee Cabdi Bile ayaa sheegay in shirkda Golis ay tahay shirkadda ka qayab qaadta hormarka puntland taasin ay tahay wadaninimu ku jirta madaxda shirkada

 

Ugu Danbayntii ayaa waxaa goobtaa ka hadalya Wasiir Maamul Wanaaga Maxamed Ciise Faarx Gaashaan ayaa sheegay in shirkadda Golis ay Puntland ay u tahay sida ay Dahabshiil u tahay deegaanda waqooyiga oo ay shirkada Golis waxa badan oo dhinaca hormarka Puntland ay ka qayab qaadto

 

Wasiirka ayaa intaa ku daraya in shirkadda Golis ay ciyaarihii dhawaan ku soo gaba gaboobay magaalda Garoowe ay qaybwayan ka qaadatay

 

Halyeeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bille Cabdi oo isagu dhawaan soo gaarey deegaanada Puntland isaga oo ay u ahayd markii u horeysey ee dalka uu ku soo laabto tan iyo bur-burkii dawladii dhexe ee Soomaaliya, yaa maanta ka duuley garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana sii dhaweeyey madax ka tirsan Dawladda Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka Horseedmedia

Garoowe-Puntland

 

DSC06026.jpg

 

DSC05983.jpg

 

DSC05986.jpg

 

DSC05988.jpg

 

DSC05990.jpg

 

DSC05991.jpg

 

DSC05995.jpg

 

DSC06000.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe Oo Shahaado Sharaf Ku Doonsiisay Halyeey Cabdi Bile Cabdi(Sawiro)

 

Munaasabad shahaado gudoonsiin ah ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe,taasi oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka soctay maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayn ayaa munaasabada waxaa ka hadlay Agaasimaha Jaamacada PSU Maxamuud Shiikh Xaamud kaasi oo sheegay in munaasabada ay kusoo dhaweynayaan halyeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi uuna uga mahadcelinayo sida uu uga soo qaybgalay munaasabada.

 

Faadumo Ibraahim Adan oo ka mid ah ardeyda Jaamacada PSU oo ka hadashay munaasabada ayaa sheegtay in Cabdi Bile Cabdi uu tusaale wanaagsan u noqon karo dhilinyarada Soomaaliyeed si ay guulo ugu soo hoyaan Ummadooda Soomaaliyeed.

 

….”Qof waliba waxaa wanaagsan in uu yeesho hadaf si uu u noqdo mustaqbalka mid hadafkiisa lagu daydo..”ayey tiri.

 

Sidoo kale ayey hoosta ka xariiqday in ciyaaruhu aysan ku koobnayn kubada cagta oo kaliya balse ay jiraan ciyaara kale oo kala gedisan loona baahan yahay in la buuxiyo.

 

Halyeeyga Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Makarafoonka ayaa sheegay in u jeedada kaliya ee la isugu yimi munaasabada ay tahay marka hore in aanu ogaano in isbedalka aduunku uu ku yimaado arday iyo jaamacad balse aysan jirin hurumar iska yimaada.

 

Cabdi Bile Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in qofku leeyahay hadaf kaliya si horumar wanaagsan u gaaro mustaqbalka.

 

….”Aniga Cabdi Bile Cabdi ah waxaa igu dhaliyey in aan ordo laba arrimood oo kala ah in maalin nin uu igu yiri waxaan daawaday ciyaaraha Olympicada iyo nin kale oo igu yiri orodkaagu wuu fiicanyahay,waxaana laga yabaa in mustaqbalka meel wanaagsan gaarto anigana si dareen leh ayaan uga helay,waana jeclaystay in aan ordo….”ayuu yir.

 

Halyeey Cabdi Bile ayaa ardayda Jaamacada PSU u sheegay in xiligaasi aan go’aansaday in aan noqdo ninka aduunka ugu dheereeya,waxaana u sheegay arrinkaasi ardeydii xiligaasi aan wax wada baran jirnay in aan wada bilowno Orod ayey ardeydii oo dhan igu qosleyn balse anigu sidii aan go’aansaday ayaan bilaabay in aan ordo maantana waan gaaray hadafkii aan lahaa in aan gaaro.

 

Gabagabadii ayey ardeyda Jaamacada PSU su’aalo weydiiyeen Cabdi Bile Cabdi kuwaasi oo u si wanaagsan uga wada jawaabay ka dibna maamulka Jaamacada ayaa gudoonsiiyey Shahaado sharaf.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

 

DSCF22261.jpg

 

DSCF2203.jpg

 

DSCF2228.jpg

 

DSCF2185.jpg

 

DSCF2188.jpg

 

DSCF2245.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this