Sign in to follow this  
Qodax Qorax

Somali-Ethiopian Diaspora returning and developing their region.

Recommended Posts

Waftiigii Qurbajoogta oo Uu Horkacayo Wasiirka Qurbajoogta Oo Maanta Booqday Godey.‏

Sunday, 26 December 2010

 

Goday (CakaaraNews) Sida Qorshaha Loogu Talogalay Ahaa In Qurbajoogta Ku Sugan Magaalada Jigjiga Ee Ka Kala Timid Yurub,Ameerika Iyo South-africa Lagu Soo Wareejiyo Dhamaanba Gobolada uu Ka Kooban yahay DDS,Si Ay Indhahooda Ugu Soo Arkaan Xaqiiqda Dhabta Ah ee Ka Jirta.

 

Hadaba Iyadoo Laga sii Ambaqaadayo Qorshaha indha-indhaynta iyo Xaqiijinta Waayaha Iyo Wadciga Nololeed Ee ka Jira Deegaanka, Ayay Qurbajoog Dhan 40 Qof Oo uu Hogaaminayo Wasiirka Qurbajoogta Ee DDS Mudane Cabdi Maxamed Gamaadiid Oo ay wehelinayaan Masuuliyiin Kale Iyo Saxaafadiiba Ay Saaka Abaarihii 10:00 Subaxnimo Ka Duuleen Garoonka Diyaaradaha Jigjiga Iyagoo Ku Sii Jeeday Gobolka Godey, Saacad Wax Ka Yarna Ay Diyaaradii Siday caga-Dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee godey.

 

Garoonka Diyaaradaha ayaa Waxaa Si aan La Xadidi Karin Ugu Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Mudane Cabdi Xuseen Cabdi (Sonkor) Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka,Taliyaha Ciidanka Liyuu-booliska Gobolka Madaxda Xafiisyada Gobolka Iyo Shacab Tiro Badan oo Ruxayay Caleemo Qoyan Kuna Dhawaaqayay Ereyo Iyo Mashxarado Loogu Talo-galay Soo Dhawaynta Waftiga Qurbajoogta.

 

 

 

Dhanka Kale Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Federaalka Iyo Booliska Gobolka Ayaa Waftiga Qurbajoogta Ku Siiyay Garoonka Dhexdiisa Salaan Sharaf Ay Ka Maqsuudeen Qurbajoogtii, Ka Dib Ayaa La Raacay Baabuur Aad U Tiro-Badnayd oo Loo Sii Diyaariyay Iyadoona Uu Gudoomiyaha goblku U Sii Gadh-qaaday Machadka Cilmi-Baadhista Godey.

 

Machadka Cilmi-baadhista oo Diyaar Ku Sii Ahaayeen Hawl-Wadeenadiisa Ayaana Isla-markiiba majaraha u Qabtay Hagida Qurbajoogta Iyagoona Warbi xin-Dheer Ka Siiyay dalagyada Beeraha Iyo Calafka Xoolaha ee Kala Duduwan Ee Lagu Abqaalay Si Loogu Tijaabiyo Habka La Qabsiga Cimilada Iyo Koritaankoodaba.

 

Beerta Tijaabada ee Dalagyada Beeraha Iyo Calafka Xolaha Ayaa Waxaa Ka Baxay Oo si fiican loogu Guulaystay bariiska Oo Noocyo Kala Duduwan Ilaa 20 Nooc,Midhaha Kala Duduwan Ee Laga Sameeyo Saliidda Sida,Sisinta iyo Xabaasuuda, Calafka Xoolaha Noocyada Loo Yaqaan Alva-Alva,Sudani-grass Iyo elephant-Grass Iyo Kuwo kaleba.

 

Iyadoona halkii hectar Uu Ka Soo Baxo Karo Bariis Dhan 60 Kiintaal,Calafka xoolaha Iyo Noocyada Khudaartaba.

 

Waxaa Xusid Mudan Gobolkan Oo Caan Ku Ah Qodaalka iyo Beerista Noocyada Kala Duduwan ee Khudaarta Isticmaalka iyo Iibka Gobolada DDS Ka Sokow Loo Iibgeeyo Basasha Addis-Ababa Iyo Wixii Ka Sareeyaba Halka Waagii Hore Looga Keeni Jiray Deegaankeena Oromiya.

 

Waxaa Kaloo Ay Waftiga Iyo masuuliyiinta gobolku Booqdeen tuulada xididale oo Ku Taala Agagaarka wabiga Una Jirta Magaalada Godey Masaafo Dhan 18km kana Xigta Dhanka koonfur, Tuuladan Ayay Ku Nool Yihiin Mid Ka Mida Iskaashatooyinka dalagyada Beeraha Mida ugu wayn Kana Baxdo basasha Ugu Badan ee La iibgeeyo.

 

Iyadoona Ay Qurbajoogtii oo Ka Dagtay Baabuurtii Ay Saarnaayeen ay Dul-tageen Basashii oo La Jaray Loona Diyaarinayo Hanaankii Iibka Oo Jawaano Lagu Miisaamayo.

 

Ka Dib Ayaa Loo Sii Dhaafay Dhanka Tuulada Dabo-Feyd Oo Ay Ku taalo Xarunta Cilmi-Baadhista Oo Ay Ka Baxaan Calafyada kaladuduwan ee Xoolaha,Dalagyada Beeraha Sida,Muuska,Babayga,Sisinta,Xabaasuuda,Saytuunka Iyo Noocyada Khudaarta Kala Duduwan.

 

Dhanka Kale xaruntan Ayaa Ah Meel tijaabo Ahaan Lagu Xanaaneeyo Geela Iyadoona Tijaabo ahaan Looga Soo Kala Qaaday 3 Nooc oo Kala Duduwan Taasoo Micnaheedu Yahay In La Tijaabiyo Tayada,Badnaanshaha Caanaha,Adkaysiga Iyo Habka Ku Carbinta ama Ku dhaqashada maagooliyinka iyo Tuulooyinka Degan

 

 

 

Ujeedada Ugu Wayn ee Geela Ayaa Ah in noocyada Hoorka,Aydin Iyo Geel-Lab.

 

Waxaase Wax Lala Yaabo Ahayd In geelaan Ay Ku Nool Yihiin Calafyo Loo Abuuray,Hal Walbana Leedahay Guri Dhagax Ah Lehna albaab Silig Ah Oo Ayna Halna Hasha Kale Aynan Ku Khaldamayn Gurigeeda Toosna U Galayso Keeda Iyadoon Cidi Wadin,Geelan Oo Da’doodu Yar Tahay Ayaa Si Aan La Qiyaasi Karin U Naaxsan.

 

Ujeedadii Socdaalkan Gaaban Iyadoo Ay U Dhiman Yihiin Goobo Badan oo La Gayn Doono Beri Marka Ay Soo Gaadhaan qurbajoog Kale oo Berito LaSugayo Ayaa Ku Soo Gabagaboowday Waftigii Qurbajoogta Oo Aad Ula Dhacsan Dhulka Dihin Ee Aan U Baahnayn Bacriminta Iyo Siduu Hodanka Ugu Yahayba berashada Dhamaan Noocyada Dalagyada Beeraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodax true Koonfurians should learn that peace is the way forward and when they find peace they can develop their regions,, now Somali Ethiopians live in peace in their Region Somaligina so development can take place there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this