Sign in to follow this  
Abdirahman Hassan Nur

Waa Maxay Sirta Noloshu?

Recommended Posts

Sirta noloshu waa hal-ku-dheg isticmaalkiisu ku badanyahay bulsho waynta ku hadasha afka Soomaaliga iyaga oo leh qofkaa hebel sirta nolosha ayuu fahmay oo ay dhici karto in ay ula jeedaan ama ka wadaan mid ka mid ah macnayaashan:

 

1. Wixii dantiisa ah ayuu ku foofaa wax aan dani ugu jirinna kuma habsaamo

Si fiican ayuu noloshiisa u maareeyaa haddii ay tahay nolol ahaan, aqoon ahaan, dad la dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan IWM

2. Waxa uu leeyahay karti ama awood qarsoon (potential power) oo uu danihiisa ku fushado baahidiisana ku *****lo

3. Waxa uu xariif ku yahay sida wax la isu waydaarin karo dadkana wax looga dhamaysankaro (negative sense)

 

Macnayaashan oo saddexda hore isku dhadhaw yihiin balse ka u danbeeyaa uu yahay mid dhinaca khaldan loogu macneeyay ereyga “sirta nolosha”, ayaa dadka intiisa badani u fahmaan in ay ka turjumaan eraygan “sirta nolosha”. Lama odhankaro dadku waa wada khaldanyihiin oo sadexda arimood ee horeba waa arimo loo baahanyahay in qof walba laga helo. Waxa aan qoraalkan ama maqaalkan uga jeedaa bal in anigu waxa aan u fahansanahay “sirta nolosha” aan la wadaago bulshada akhrisata maqaalkaygan iyo sidoo kale in aan wacyi galin ahaan uga faa’iidaysto; waayo waxa aan jecelahay in bulshada aan kasoo jeedaa noqoto mid fahanta sirta nolosha oo aan gadaal ka tilmaamidoono!

 

Waxa aan ku yar horayn lahaa tusaalayaal nolosheenna ka mid ah oo qof waliba arki karo ama dareemi karo in aan wax ka tilmaamo taas oo gogol xaadh u noqondoonta dulucda iyo ujeeddada aan ka leeyahay “sirta nolosha!”

 

Waxa jirta in bulshadeennu ay ka koobantahay qaybo farabadan oo aynaan soo koobi karin balse waxa aan anigu ka abbaarayaa laba qaybood (categories) oo bulshada ka mid ah. Waa dadka aynu u naqaanno wadaadada oo aynu ula jeedno qof aan balwad lahayn, cibaadada ku fiican sunnaha Rasuulkuna SCW ka muuqdo iyo qaybta kale oo ah qof balwad leh, cibaadada aan ku fiicnayn ama aan cibaadaysanba, xaaraan iyo xalaal meesha uu wax ka helayona aan ahmiyadba siinin ee ka fikira uun waad u baahantahaye ka daldalo ama ha u badheedho isagoo od in ay xaaraan tahay ama si dadbanba ha ugu muruxsatee. Waxa aan rabaa in aan diiradda saaro nolosha labadan qolo iyo waliba loolanka dacaayadeed ee ka dhexeeya. Bal mid walba aan suurayno noloshiisa.

 

Waxa laga yaabaa in uu haysto shaqo fiican oo ay suuro gal tahay in uu waliba ka dakhli badanyahay wadaadka balse haddana dakhligaa soo galaya aanu u maarayn sidii habboonayd xattaa haddii uu u maareeyona laga yaabaa in aanay barako badanba lahayn oo uu waxba hagaagsan ka qabsan kari waayo ama wax meel ka dhigan kari waayo. Waa uu roorayaa oo meel walba wax ka keenayaa haddana waxa ay noqonaysaa hal bacaad lagu lisay. Waxa uu mar walba loolan kula jiraa ninkaa wadaadka ah isaga oo u arka in uu noloshiisa cunaqabatayn ku yahay isla markaana dacaayado ka fidinaya. Haddii aad fadhiisato meelaha lagu shaaheeyo ama la isugu yimaado waxa aad maqli karaysaa qof qoladan ka mid ah oo leh nimankaa wadaadada ahi meelo kale ayay ku xidhanyihiin, sucuudiga ayaa lacag looga soo diraa IWM. Waxa uu qofkani fahmi kari la’yahay sababta keentay in uu cidhiidhi dareemo ninkaa wadaadka ahina nolol fiican ugu noolyahay!

 

Waxa hubaal ah in qofkaa aynu ku magacawnay wadaad uu ka nolol fiicanyahay kan kale, ka muuqaal quruxbadanyahay, ka dhaqaale roonyahay aragtida guud kan xasiloonyahay.

 

Haddaba, arintu maaha in qofkani waanaaggaa ku helay in uu yahay wadaad oo kaliya balse waxa jira arimo saaciday/kaalmeeyay in nolol deggan oo xasiloon oo qabaw uu ku noolaado. Waxa runtii wax wax lagu qaato ah in Diinteenna suubbani ay koobsatay dhamaan dhinacyada nolosha ka hadalkeeda; haddii ay tahay dhinaca akhlaaqda, dhinaca dhaqaalaha, dhinaca ijtimaaci/bulsheed. Waxa laga yaabaa haddii qofku uu dareemo cidhiidhi maskaxeed (stress/frustration) in uu u cararo xagga dhakhtarrada maskaxda ama culimada cilmi-nafsiga wax ka taqaanna si uu talo uga helo oo dhibkaa uu dareemayo uga baxo. Haddaba ma kula tahay in Diinteenna islaamku ay si xeel-dheer uga hadashay cilmi-nafsiga iyo sidii qofku uga bixi lahaa cidhiidh maskaxeed kasta oo ku yimaadda oo ay sababi karto nolosha oo qofka ku adkaataa? Waa arinta aan rabo bal in aan la wadaago dadka anigoo tusaale usoo qaatay labadaa qaybood ee bulshada ka mid ah.

 

Arintan haddii aynu fahanno waa waxa aynu odhan karno waa sirta nolosha. Sirta noloshu waa in aad fahanto oo kaliya in aad Ilaahay garato iyo sidoo kale in aad garato uun sababta aad u nooshahay iyo wixii laguu abuuray. Tusaale aan bixiyo.

 

1. Nabigeenna SCW ayaa la dardaarmay saxaabigii waynaa –Ilaahay haka raali noqdee- ee Cabdillahi bin Cabbaas. Waxa uu ku yidhi Rasuulku: Ilaahay ilaali adigana wuu ku ilaaline, haddii aad cid wax waydiisanayso isaga waydiiso, haddii aad cid kaalmaysanaysona isaga kaalmayso, ogow dadka oo dhami haddii ay isu yimaadaan si ay wax kuu taraan inaanay ku tari karin in Ilaahay kuu qoro mooyaane, ogow dadka oo dhami haddii ay isu tagaan si ay kuu dhibaan in aanay waxba ku yeeli karin in Ilaahay kuu qaddaro mooyaane……..

 

2. Aayad qur’aan ah ayaa micnaheedu ahaa “qofka camal wanaagsan la yimaadda, lab iyo dhadig kuu doono ha noqdee, ee isla markaana mu’min ah, waxa aanu noolayn doonnaa nolol fiican, aakhrina abaal marin ta u fiican ayaan ku abaal marinaynaa. “من عمل صالحا من ذكر أو أنثى وهو مؤمن فلنحيينه حياة طيبة ولنجزينهم أجرهم بأحسن ما كانوا يعملون”

 

3. Rasuulku waxa uu xadiis kale ku yidhi: qofka istiqfaarta (danbi-dhaaf dalabka) joogteeya saddex arimood ayuu helayaa oo kala ah in danbigiisa la dhaafo, haddii uu dhib ku jiro oo meel uu ka baxo looga sameeyo iyo in Ilaahay ka arsaaqo meel aanu ka filahayn.

 

Way farabadan yihiin nusuusta ka hadlaysa arintan balse intaa ayaan kaga kaaftoomaynaa. Waxa aan uga jeeda haddii qofku fahmo intan iyo inta la mid ka ah waxa la odhan karaa sirtii nolosha qofkaasi wuu fahmay. Waxa dhacaysa haddii qofku Ilaahay ku xidhmo in nolosha loo barakeeyo waxa soo galayaa haba yaraadaane. Waxa uu noqonayaa qof Ilaahay ku kalsoon; Ilaahayna shaki la’aan wuu siinayaa wixii uu ka doono. Ma rabtaa in risiqa laguu ballaadhiyo sida nimankaa aad wadaadada ku tilmaantay? Ma doonaysaa in doolar badani kusoo galo? Ma rabtaa in baabuur kala jiidan aad wadato? Ma rabtaa in Ilaahay fidnada faqriga kaa badbaadiyo? Waa in aad sirta nolosha fahanto oo ah in Rabbi ku xidhnaato camal badhax tiranna la timaado, adigana Ilaahay taa bedelkeeda nolosha ayuu kuu sakhirayaa oo kuu barakaynayaa.

 

Waxa aan kusoo gabagabaynayaa, sirta noloshu Diinteenna ayay ku jirtaa bal u fiirso, wax kasta ama dhib kasta oo qofka soo waajahda waxa la inoo jideeyay hab aynu ula macaamilno oo uga baxdo.

 

Risiq ballaadhan ma rabtaa? Haa, Alla ka cabsiga badi isagana talo saaro, dhaqdhaqaaqna same

Ma rabtaa in dayn lagugu leeyahay aad iska bixiso? Haa, ku ducayso ducada ah “Ilaahayaw xalaashaada igaga ilaali xaaraantaad, fadligaagana igaga qaniyee ciddii kaasoo hadhay, ku talo gal in aad daynta bixiso, dhaqdhaqaaqna samee. Waxa uu Rabbi yidhi qofka dayn lagu leeyahay jecelna in uu iska bixiyo waxa aan isku waajibiyay in aan u kaalmeeyo qofkaa (xadiis qudsi).

Haddaba yaynaan ku mashquulin hebel waxaas oo lacag ah halkeebuu ka keenay iyo yuu ku xidhanyahaye; aynu fahanno sirta meesha ku jirtaa in ay tahay sida Ilaahay loogu kala dhawyahay in loo kala nolol fiicanyahay.

 

Cabdiraxmaan Xasan Nuur

 

Email: abdirahman_hn@hotmail.com

 

Hargeysa, Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Masha Allah. Waa talo wacan. Waad ku mahadantahy. :)

 

p.s Gabaygii 'Sirta nolosha ayaan ku xasuustay qoraalkan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this