Sign in to follow this  
Akash

Dadqalatadii SNM iyo Gaadmo Cusub, Deegaanka CEELBARDAALE

Recommended Posts

Akash   

Xaalad Cakiran oo ka soo cusboonaatay Deegaanka ceelbardaale ee Degmada Dilla ee Gobolka Awdal

 

ee Degmada Dilla, kadib markii uu sheekh lagu magacaabo maxamuud Raage oo ka soo

 

jeeda deegaanka gabilay dhowr jeer xasuuq u gaystay dad masaakiina oo jidka maraayay

 

iyo kuwo guryahooda hurdaba ,xalay oo u dambaysayna waxa uu dilay hal nin midkale waa dhaawac .

 

 

 

Beesha Reer Nuur ayaa bilaabay inay iska caabiyaan

 

maleeshiyaadka sheekha oo isku abaabulay inay ciidan beeleed samaystaan kadib markii

 

ciidamada dowladu ay waxba ka qaban waayeen maleeshiyaad ka maxamuud Raage oo

 

caawimaad ka helaaya Generaalka ciidanka qaranka ee JSL.

 

Nuux Taani oo ay isku hayb yahiin.

 

Dhinaca kale wararka laysla dhexmaraayo deegaanka Gabilay ayaa intaasi ku daraaya

 

in dad lagu godoomiyay deegaanka gabilay dadkaasi oo ka soo jeeda beelaha ********** ee daga degmada gabilay.

 

Dillapress Desk

 

Dilla, Somaliland

 

 

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

 

Kala soco wararka soo kordha Dillapress.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

December 16, 2010

Dagaal Markale Ka Dhacay Aaga Ceel-Bardaale

Harowo (Harowo) - Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya deegaanka Kaxda ayaa waxay ay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday maleeshiya beeleedkii ina Raage, weerarkan ayaa waxa uu daba socdaa markii maalin dhawayd ay goor habeenima ah ay u soo dhaceen reer yaalay jiidaasi, isla markaana ay dileen wiil ,aabihiina uu soo gaadhay dhaawac, ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar culus, waxana ay waraku sheegayaan in cagta lamariyay toolo la yidhaah buqdhada.

Sida aan warka ku helaynaa ay sheegayaan in la gubay aqalo badan oo ku yaalay tuuladaasi, ilaayo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashay oo ah naf iyo maalba, walina majiraan cid cadaynaysa inta uu leegyahay Khaaarahaasi iyo inta ku dhimatay iyo dhaawacaba.

 

Balse sida aanu ka helayno wararka ka imanayaa dagmada gabilay ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jirto dhimasho balse wali ma cada, ilaayo hadana ma jirto wax wara oo ay ka soo saartay dawladu oo ku sahabsan dhacdooyinkii isdaba socda.

 

Waxaase xusid mudan in talyiha ciidanka booliska ee xukuumada Siilaanyo uu sheegay, markii ay maalintii dhawayd maleeshiyadaasi soo qaaden werarka uu ku tilmaamay arin daba socotay aano qof laga dilay reerkaasi oo iyaguna aar gudasho u tageen.

 

Waxaase wax lala yaabo ku noqotay dawwaynaha reer awdal hadalkaasi ka soo yeedhay masuulkaasi oo ku beeray cadho xoog leh, waxaase is waydiin mudan taliyaha ciidan booliska xukuumada siilaanyo muu ka maqnaa dalka intii ay socotay shaqaadada ceel bardaale? Mise waxa uu u hadlay afkay banaan? Mis warbaanu ka haynba arinkaa isaga ah.

 

Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ah kuwa ay is waydiinayaan dadwaynaha reer Awdal.

 

Isku soo wada duuboo ma jirto ilaayo hada cid wax wara kasoo saartay weeraradan is daba socda ee ka soo cusboonaaday deegaanksi dawladan hada jirtaana ay ku sheegtay aano qabiil oo dad kala dilay.

 

Bashiir Cumar

 

Harowo.com, Boorama

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this