Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cuqdad Camal Xumaan

Recommended Posts

Cuqdadda iyo waxaan kugu jeclahay camal xumaan taase

Cadhadada badan iyo naxliga caasha kuu jiifaiyo

Caanyadad tahay ayan cidiba gaadhayne

Gaabnida ayaan kugu calmaday cududda aad leegtay

Cid ma leegid oo waadigaa ciidda hoos maray e

Casaan ma ihid oo waad og tahay caynka aad tahay

Cuqdad baad ku noolayd waqaa nolol ciqaabeede

Caanyiyo waxaad tahay basari laga caraabaaye

Caynkan aad tahaan kugu calmaday oo cajaabihe

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Waa lazy ma isagaaba qori kara, tell him to use this Image 2 Text Converter

 

 

 

loooooool@TD ma waayinee anoo kaa naxayaan LG gaagan doorto

 

Talaw qoraha ma kuwa baabuurta ka faashleeya ayuu ahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

halkii dumar laga amaani jiray, kani cay buu u laabay sidii cashar quraan ah. its the new age thing i guess

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arkay gaabnidaadoo

Inaad guuntay waan ogay

Gondahaaga xoodmiyo

Qalaafaha is galay baan

gabdho kaaga doortoo

Waxaad tahay gamuurtii

caashaqa i galisoo

Adaan kuu goll leeyahay

 

Guraceey adadageey

Dabcigaaga gawda ah

Iyo maanka gaabani

Gabdho kaa dhex saaryoo

Guumays inaad tahay

Garansani is moogeey

Waanan kuu golleeyahay

 

Inaad gooni tahay oo

ka go'doontay qayrkaa

Ood ciil gadhoodhiyo

Cadho kugu gamuurtiyo

Cuqdad aan la garan karin

Is godayso waan ogay

Jacayl bayse kaa galay

Waan kuu golleehay

 

Inaad buur gudaysiyo

Gaadhigii xamuul koo

Guud kiisu raran yahay

Gabadh yahay sidisii

U gurguuranaysaan

Gartay buuridaadoo

Markaan gaaddaadiyo

Goonyahaaga daawaday

Gubtaanyooday caashaqa

Igu kaa gundhinayoo

Waan kuu golleeyahay

 

Is gaylaamintaadiyo

Dabcigaaga gawda ah

Garashada tan maa maqan

Maankaagan gabadh yahay

Dadku kugula guuraan

Gooja xun habaar qaba

Kollay anigu gabadh yahay

Laygu kaa galool yoo

Kalgacaylku waa gobo

Igu kaaa gundhinayoo

Waaban kuu golleeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this