Sign in to follow this  
nuune

Carays Ciise Kaarshe

Recommended Posts

nuune   

aaah, xasuus wallaahi, Carays aad baan uga danbeeyaa,

 

Halkan ka dhageeso dhammaan alaabihiisa khattarta ahaa oo dhan, waa saarka,

Carays wuxuu ahaa Saaryahan smile.gif

 

Inshaa Allaah, qofkii waqti heesto wuu soo qori karaa miraha maqaaladan, aniguna qaarbaan soo qori hadduu Eebe idmo.

 

 

Macaanaa Dowladnimo

 

Maantaan Dhallanoo

 

Hooyadu waa lama huraan

 

Walaalo hadii la yahay

 

Ma Seexan uumi baa iga baxay

 

Waa murugee ma ogtihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warya Nuune; Manta maaddo xiisala ba bilowday Carays Ciise Kaarshe Ilaah ha naxariiste wuxuu aha Aftahan, Af miishara kuyaal. Heesihisa tan uga helo waa HOOYADU WAA LAMA HURAAN waana tana: Qaybta 1waad

 

Higaad waa la akhriyaa

Hagaag waa loo socdaa

Hor waa loo sii hoydaa

Hadal waa la hindisaa

Ha'dii kale waxaan lahaa

 

Mudaan uurka hurrudnoo

Culays bey hayn jidhoo

Talaabtey la hakatoo

Xanuun bey la hingatey

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

Ha'dii kale waxaan lahaa

 

---------=0=------------

 

Habeen goor uu bartamay

Caanihii bey nagu habtoo

Horaadkeey noo dhigtoo

Dharkii bey na huwiseye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Calooshaadoon hif oran

Adiga oon ka haqabbi'in

Hunguri ma haweeysatee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Habaaq goor aad tahayo

Talaabta aan la holi karin

Adoo ciidii hambaday

Dhaqsaba waa ku hinjisaye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Afkaa aan ku hadalniyo

Hannaankeeniyo hub qaad

Hagaag bey noo bartey

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Innaga oon haybad qabin

Hal beesa aan suubsan karin

Habaaskeey naga huftoo

Waa tii noo hiilisaye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Shukran yaa Sayyid, waan ku faraxsanahay in qof kastoo Soomaali sheegto uu aad uga helo Suugaanta Carays Ciise Kaarshe(AUN)

 

Bal qeebtan fiiri ka hadlayso Gumaysiga

 

 

1. Ga’ gabay baa laga galaa

2. Gawaan waa lagu kufaa

3. Gadiid waa la cuskadaa

4. Goowaa laga dhaadhacaa

5. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

 

6. Kol waa gaajo iyo dharag

7. Kol waa guud iyo gohaad

8. Kol waa roob soo gud ciya

9. Abaar xooluhu go’een

10. Waa yoom labadii gelin

11. Adduun geeri iyo nolol

12. Mid uun baa kula gudbane

13. Gumaysi iyo gobanimadu

14. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

15. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

16. Kadeed baan soo marnoo

17. Maantana gaashaandhig iyo

18. Gaadiid baanu leenahayo

19. Gembiga waan geli karnaa

20. Gumaysi iyo gobanimadu

21. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

22. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

23. Gaagabe wiil taagayoo

24. Korkiisii giijay iyo

25. Gurgurtaa taariikh iyo

26. Kumaan dood-gaar hayiyo

27. Daraawiish gaardidiyo

28. Kolkii aan gees kadayo

29. Galiilyaa iga kacdee

30. Gumaysi iyo gobanimadu

31. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

32. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

33. Hub aad kuu gubahayiyo

34. Gantaalaan yeelanoo

35. Hadii meel lagu kacshaa

36. Kor iyo hoos lama gafna’e

37. Gumaysi iyo gobanimadu

38. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

39. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

40. Calooshii gocan jirtiyo

41. Guhaaddii laga baxyoo

42. Galladi noo soo gashaye

43. Gumaysi iyo gobanimadu

44. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

45. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

46. Nin goomoonaan jirraba

47. Garaadkiisuu hadloo

48. Geesbuu gaawe u cuftaye

49. Gumaysi iyo gobanimadu

50. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

51. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

52. Gurrac iyo gacambid hayn

53. Af-xumaddii goor walbiyo

54. Ganaaxii lama arkee

55. Gumaysi iyo gobanimadu

56. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

57. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

58. Gamboonaantii horiyo

59. Godkii laga soo baxyoo

60. Gudcurkii kuma jirna’e

61. Gumaysi iyo gobanimadu

62. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

63. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

64. Mudanayaal geesiyoo

65. Kursiga loo doortay iyo

66. Gudoonshe Mineestar iyo

67. Madaxweyne guud

68. Garsoorraan yeelanaye

69. Gumaysi iyo gobanimadu

70. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

71. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

72. Xornimadaa gaamurtiyo

73. Luulyow Gawdeeda iyo

74. Gegada loo soo baxiyo

75. Garwaaqsiga maalintiyo

76. Ganuuniga dhacahayana

77. Waa guul noo soo gashaye

78. Gumaysi iyo gobanimadu

79. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

80. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

81. Waaggii gaaladdu fadhiday

82. Garaada haddii la xulo

83. Korkeeni loo dhigaa

84. Isbatoor gaasfuriyo

85. Kablow lama dhaafi jirin

86. Maantana geeddanaan watiyo

87. Taleeti is giija iyo

88. Mindir gaasmeera iyo

89. Kabtankii iyo kormeer

90. Garoon haasaw leh baa

91. Garbaha loo xuubsadaye

92. Gumaysi iyo gobanimadu

93. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

94. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

95. Xafiis aad soo gashoo

96. Nin gacalkaa ihi fadhiyo

97. Dantaada uu kuu gudiyo

98. Afkiisaba kaan la garan

99. Haloo fiirsha’e gadaal

100. Gumaysi iyo gobanimadu

101. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

 

102. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]

103. Arday kumanyaal ahoo

104. Galaas wada dhaatayoo

105. Tacliintoodii gutoo

106. Kooris qaar galahayana

107. Haloo fiirsha’e gadaal

108. Gumaysi iyo gobanimadu

109. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Gumaysi iyo gobanimadu

Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

Maanta waxa shaki ku jirin in dad badan oo wadankeenii cadawga waydaarsaday [Haa] oranayaan. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaybta 2ad ee Hooyadu Waa Lama Huraan:

---------=0=------------

 

Sidaanaan halis u gelin

hungurigeey suubisaa

Dhaqsaba hoo nama dhehdee

Intii ey ka hubsataa

Iyada yaa ku hormartee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Reerku haduu yahay hayaan

Hayinka aan saaran nahay

Hogaankeey haysatoo

Hoosbey kaala hadashoo

Intii aad ka hurudaa

Waa kuu heestaa hadane

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Cilmiga shiikh ku hormariyo

Nin haamaan ah iyo hanad

Iyadaa soo hayn jidhee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Haddii loo baahdo hiil

Geesiga loo habar wacdiyo

Fuleyga aan haadka hubin

Iyadaa soo hayn jirtee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Deeqsi aad soo haybsatoo

Hamuuntii kaa ba'shiyo

Bakhaylka aan kula hadleyn

Iyadaa soo hayn jirtee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Aabbuhu waa hawsha guud

Ayuna hoosbey hayaan

Habantii guriga iyo

Hooygii bee noo huftaye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaybta 3aad ee Hooyadu Waa Laama Huuraan:

---------=0=------------

 

Geed yare kaa hooshay meel

Hadii aad haah dhehdaa

Hubkii bey ka hmndadoo

Iyada oon hagar lahayn

Haaw waa tii soo dhehdee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Odaygu waa haajiraa

Hawuu meel ugu kacaa

Haduusan mawtku helin

Hortaadey taagan tehee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Habeenkaad soo dhaxdaa

Hurdada aad uma heshoo

Qalbiga waa ka hamidoo

Hiloow bey kuu qabtaye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Horey adigoo aan ahayn

Dudkuu bey u hanjabtoo

Halyeey beey kaa dhigtoo

Amaan bey ku huwisaye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Abaarta hawaarsatiyo

Harraad meelloogu go'ay

Heeyhaata uu dhaanku yahay

Cirkuna haawanahayaa

Halihi ey soo heshaa

Hadeey ho' inna dhehdaa

Innaga oon soo hambeyn

Waatii aan heensanoo

Hamuunteedii horiyo

Dhib bey la hagoogatey

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaybta 4aad ee Hooyadu Waa Lama Huraaan

Sidii awr haama wada

Dusheedaan halabsanoo

Hah goortaa nama dhehdee

Waa noo sii hoorsatey

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Marada ay nagu hantiday

Haddaan hoos uga dhacnaa

Wadnihi bey ka hinqatoo

Calooshey ka halcateye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Alaabta horteeda taal

Haddaad laad ku hurguftaa

Habaar weyn kuma dhahdee

Inyar bey ka hifataye

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Hiloowlaha ay dhashaa

Haddii meel laga hayaa

Asuu haaraa habeen

Waa tii hoogeysatoo

Ilmadu ay hibitiqdee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Haddaan been lagu hadleyn

Wadnaha harkiisa iyo

Halbowlaha dhiiga wada

Hareer baa laga dhigoo

Halkeey joogaan iyagu

Yaa loosoo wada hoydey

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Hantida aad leedihiyo

Wixii aad haabataa

Haddii loosiiyo hibo

Abaalkood lama helee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhamaadkii: Hooy, Hooy, Hooyooooo!!!

 

Haddaadu hadey gashaa

Hog goortii lagu dhigoo

Wadaaduhu kula hadlaan

Aabaha looma halwecee

Waxaad tahay inna heblee

Hooyadu waa lama huraan

Waxaad tahay inna heblee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

Adduunyadu waa haweeyn

Halkaa laskuma hayee

Nindoonaba ha hadlee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

=Oraahdan wax ka rumasan ma jirto, haddii la fiiriyo Somalia manta (Sayid)

---------=0=------------

 

Hirar gaagaaban iyo

Hawada yaan ka hadlayaa

Waxba anigoon hambeyn

Hubaashiina aan hayaa

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

---------=0=------------

 

Hanfada ruuxii noqdaa

Hawraar kaama hantiyee

Waxba anigoon hambeyn

Hubaashiina aan hayaa

HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

 

.... HOOYO ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nephthys:

quote:
Gumaysi iyo gobanimadu

Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]

Maanta waxa shaki ku jirin in dad badan oo wadankeenii cadawga waydaarsaday [Haa] oranayaan.
:(
Nin/Nag la gumaysto malaha xoriyad ey ku dhahan Maya. sababto ah gobanimada ayaay xornimadu ka dhalata. Lakin hadii ad ula jeeday kuwa soo horkacay gumaystaha, armeey isu maleeyan iney iyagu ka midyihiin gumaystayasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hantida aad leedihiyo

Wixii aad haabataa

Haddii loosiiyo hibo

Abaalkood lama helee

HOOYADU WAA LAMA HURAAN

That's so true. Allow kuu naxariiso Careys.

Thanks Sayidka and Nuune.

 

Ps: please let's not turn this good thread into politics and who is good or bad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ 'Dad bay meeli buktaa' baan maqli jiray! A guilt trip of kind is unsettling your conscience, @ GT? Carees Ciise [AUN] gabayadiis badankood waxay ka hadlayaan GUMAYSI-GA in Lala D.iriro. Don't politicize adiga lehe, ma waxaa u moodaa nabi amaan? Haduu maanta noolaan lahaa duulkiina muxuu ka oran lahaa toloow? :rolleyes:

 

Yaa rabi!

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooooooool@nebi amaan :D

 

 

Alleh ha u naxariisto Carays Ciise ......

 

 

Too bad ,, he supported the Kacaanka and was killed by the Kacaanka ,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Too bad ,, he supported the Kacaanka and was killed by the Kacaanka ,,,,,,,,

Killed by the Kacaanka!! sxb Taariikhda Careys hadaad taqaano saas maadan dhahdeen,

 

Carays(AUN) wadna xanuun ayuu u dhintey, hal mar ayaana looga soo boodey wadnaha, isbitaalka ayaana loola cararey, halkaas uu ku geeriyoodey,

 

Carays Ciise taariikhda uu geeriyoodey waxey aheyd: 1972gii, waayeelna wuu ahaa.

 

Mida kale, qof kastaa Kacaanka wuu taageeri jirey, meel kastoo Soomaaliya ka mid aheyd!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceeb kuma aha inuu kacaanka taageeri jiray oo soomaali oo dhan baa taageertay markii hore isaguna kuwaas uun buu ka mid ahaa.

 

Waxaase dhacday gabayadiisii wadaniga ahaa in dowladu u adeegsatay inay kacaanka ku amaanaan inkastoo ay jireen qaar uu toos ugu tiriyayba.

 

Waxaan xasuustaa markii la dhisay tiyaatarka Hargeisa (The Theater) wuxuu u tiriyay gabay aan ka sii xasuusto:

 

Tiyaatarahaa la dhisay

Talaabo aan qaadnay iyo

Tabihii soomaalidiyo

Waa tumasho iyo tacliin

 

 

Laakiin sidaan taariikhda ku hayo, odayga waa la xidhay somewhere in Gedo dabadeedna sidii loo garaacayay buu dhintay. Khalad way noqon kartaa laakiin sidaan maqlay baa sidaas ahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maya sxb, taariikhdiisa aad baa loo hayaa Odeyga, marka xanuun buu u geeriyoodey oo wadna xanuun ahaa.

 

 

Buug baa jira taariikhdiisa ka hadlayo iyo suugaantiisa oo dhan laga heli karo, laakin buugaas waxaa iigu danbeesay anoo fasalka 5aad ahaa smile.gif

 

Ma aqaano in ay cid heli karto buugaas hada, waxaa ku jiro kumanaan kun oo alaabihiisa khattarta ah ee macaanka iyo raaxada badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this