Sign in to follow this  
Nephissa

Caydh Caydhi Sugayso

Recommended Posts

Nephissa   

Afartii galabnimo markay ahayd ayuu Cali indhaha kala qaaday. Intuu dhinacii uu u jiifay iska soo rogay oo dhacdiidsaday ayuu labada gacmood kor u taagay oo iskala bixiyay, isagoo isla markaana hahamsi afka kala waaxaya. Inkastoo uu dhawr saacadood hurday ka dib markii uu saaka shantii subaxnimo sariirta yimid hadana weli waxaa ka muuqda daal iyo diif badan.

 

Saacadihii uu sariirta dul saarnaa qayb ka mid ah wuxuu ku qaatay soo jeed uu hadba gees isu rogayay, ayna u wehelisay fakar iyo werwer aan kala go’ lahayn.

 

Tan iyo intii ay xaaskiisu ka soo eriday guriga Cali waxa uu ku nool yahay qol uu ka kiraystay guri(flat) ku kor yaala meel suuqa oo hoostiisa ay dukaano yihiin waqooyiga magaalada London.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay xaaskiisu guriga dibadda uga soo saarto, laakiin markan arintu way ka duwantahay sidii hore, waayo awal waxaa dhici jirtay in marka la soo eryo inta uu dhawr maalmood saaxiibadii iskala joogo inta ay xaaskiisu ka cadho burburayso uu hadhawna inta raali gelin iyo ballanqaadyo isugu daro uu sidaas baradiisa mar kale dib ugu noqon jiray.

 

Hadda waxaa laga joogaa muddo saddex bilood ah intii guriga laga soo caydhiyay wax rajo ahna kama qabo in uu dib ugu noqondoono, Billan oo ah xaaskiisuna waxay ka sugaysaa warqaddeedii qaraabo iyo ehelna inay qanciyaan hore ayay uga quusteen.

 

Isagoo aan weli sariirta ka kicin Cali ayaa waxaa la soo garaacay gambaleelka. Inta si cagajiid ah ku kacay oo macawistii oo ka dhacaysay gacanta bidix kor ugu soo xajistay ayuu albaabkii furay. Waxaa qolkii soo galay saaxiibkii Nuur Caato. Inkastoo ay galab ahayd hadana waxay isku salaameen Subax wanaagsan iyo subax wanaagsan waayo iyaga goorti ay soo kacaan ayuun baana u subax ah.

 

Cali oo sariirta kor fadhiya ayna xabbad sigaar ah dabinta uga lulato ayaa Nuur Caato weydiiyay, “waar Nuur saaka maxaa ku soo kalihiyay”!

 

Nuur oo ilka caddaynaya ayaa ugu jawaabay, “ Arin yar baan saaxiib kuula socday ee bal horta shaah iyo wax inoogu soo tuur”. Calibaa baa inta kacay jikadii galay oo kabadhka ka soo bixiyay baakad yar oo sonkori ka dhammaatay oo uu ogaa inaanay waxba ku jirin, ka dibna inta ruxruxay uu qashinka ku tuuray iskana soo baxay.

 

Intuu Nuur oo fadhiya dib ugu soo noqday ayuu Cali ku yidhi, “waar meesha Sonkor iyo caano toona ma yaalaane makhaayadaha ayaan u shaah tegi doonaa ee i sug aan lebistee” markaasuu xagga musqusha u dhaqaaqay.

 

Nuur oo caajis ka muuqdo ayaa inta Remote control miiska saarnaa qaaday Telefishinkii daaray isagoo hore u taagnaa Channelka wararka ee CNN, si dhugmo lehna ugu kuurgalay warar si toos ah looga soo tebinayay wadanka Ciraaq.

 

Nuur oo weli warkii fiirsanaya ayuu Cali ka soo baxay musqushii ka dibna inta si degdeg ah u lebistay perfuum miiska u saarnaa dhawr jeer labada kilinkilood isaga buufiyay yidhi, “ina keen saaxiib”. Nuurna inta telefishinkii demiyay oo Perfuumkii labada calaacalood ee gacmaha ku buufistay is taagay oo dhinaca albaabka u dhaqaaqay.

 

Waxay ahayd waqti qaboobe ah cadceeduna ay xilli hore godkeeda gasho, waxaana dhacaysay dhaxan aad u badan. Wax yar markii ay ka soo socdeen guriga ayaa waxay ku leexden Makhaayad yar oo Koofiga laga cabbo.

 

Inta miis meel gees ah yaalay fadhiisteen ayay laba koob oo cupochino ah dalbadeen.

 

Intii aan ka hadalka arintii uu Nuur u socday la gelin ayaa Cali inta Kofigii cantuugo labada daan buuxshay liqay oo dhinacii Nuur u soo jeestay, baakad Sigaar ugu jiray furay oo xabbad sigaar afka gashay, jeebadiisana dab ka baadhbaadhay oo yidhi, “ waar wixii aan xalay cunay muuxaa ahaa, nacallaa….waar wuxuu inaga iibiyay ma arkaysay, xallay oo dhan laba indhood isuma keenin”.

 

Nuur oo ilka caddaynaya ayaa ugu jawaabay, “waar ninkaas adunbaa ina daba wadee mar hore ayaan ku idhi qaadkiisa aan u dayno, waa wax dhintay, Nin macmiil iyo saaxiibnimo yaqaan maaha”

 

Cali ayaa hadalkii ku soo booday oo yidh,i “ sun buu inaga gaday, wallaahi haddii aynaan ku dhiman nasiib baan lahayn, laakiin bal cidduu lacag ka qaado ayaa la arki doonaa”.

 

“Inta Baaarixi hoosta kuu soo geliyo ayuu boqol walle kuugu marayaa inuu yahay jaadkii maanta diyaaraddu keentay”, ayuu ugu war celiyay Nuur. Oo hadan sii raaciyay, “waar ninku miyaanu Ilaahay ka baqayn”

 

Cabbaar markii bunkii la cabayay, sigaarkana la isku buufinayay, mirqaankii xalayna la falanqeeyay ayaa Nuur yidhi, “waar ninyahaw arin yar baa igu soo korodhay si aan u maareeyana garan maayo”

 

“Oo maxay tahay arintu”, ayuu Cali weydiiyay.

 

Nuur oo waxoogaa warwar ahi wajigiisa ka muuqdo ayaa ku jawaabay, “ Waar ninyahayw hooyaday oo immika cadba iska ah ayaa xanuun la iigu soo sheegay, waxoogaa yar oo aan bishiiba xaaska iyo caruurta u tuuri jirayna hadda laba biloodba maan dirin”

 

“Oo ma adaa lacag diri jiray”, ayaa Cali oo hadalkii dhexda ka qaatay weydiiyay isagoo qoslaya. Hadana u sii raaciyay,.”ma caydha aad ka qayisho ee ka qadayso ayaad wax ka dirtaa”.

 

“Waar taas ayuun baa wax laga diraaye adigu cid aan deyn iyo wax ka sii qaadno ma garanaysaa”, ayaa Nuur yidhi.

 

“Wallee meel aan hadda kuu sheego garan maaayo”, ayaa Cali ugu jawaabay.

 

Nuur oo aan ku qanacsanayn jawaabtaas ayaa u sii raaciyay, “ waar hadda shaqo ayaan raadiyaa oo yar aan ilmo adeer nahay ayaa sharci aan ku shaqaysto i siinaya oo waan iska bixinayaaye maad meelahaa adigaa magaalada iiga macrifo badane wax iiga raadis”.

 

“Adba waad ogtahay xaalkaygee xaggeen kaaga raadiayaa?” ayuu weydiiyay Cali.

 

“Ninkii dukaanka internetka haystay ee aad saaxiibka ahaydeen miyaanad wax inoo weydiin karin”, ayuu Nuur yidhi. “Wager goormaa ninkaas isugu kaagaya dambeysay ma anigaa beryahanba ka ag wareega”, ayaa Cali oo dhoola caddaynayaa yidhi.

 

“Oo maxaa dhacay”, ayuu mar kale weydiiyay Nuur.

 

Cali oo aad moodo in uu wax yaabo hore soo gocanayo ayaa yidhi, “Oo horta ninkaas sheekadiisa miyaanan hore kuugu sheegin”.

 

“Xaggeed iiga sheegtay saaxiib idinkoo isku fiican ayaa iigu kaa dambeysaye”, ayuu Nuur ugu jawaabay.

 

“Ninkaasi saaxiib si xun buu ii galay, waana ninka ka dambeeyay burburinta gurigayga”, ayuu Cali Yidhi. “Waar maxaad tidhi, malaha maahee” ayaa Nuur yidhi isagoo u eeg qof hadalkaas ka yaabban oo qaadan la’.

 

“Waa sidaas aan kuu sheegay saaxiib”, ayaa Cali ku jawaabay. “Waar sidee wax u dhaceen bal iiga waran, ninkaasi nin degan oo aan arimahaas laga fili karin buu iila muuqdee”, ayaa Nuur oo sheekada xiisaynayaa weydiiyay.

 

“Hor ninku waa ragga dumarka u jilicsan ee ay hogaanka u hayaan, waa ninkaas sida aad aragtayba raggu meelaha ay ku kulmaan aan iman ee aan qayilayn”, ayuu Cali sheekadii ku bilaabay.

 

“Kow”, ayaa Nuur oo warka ka gurayaa yidhi.

 

Cali ayaa sheekadii halkaa ka sii waday, “ maalintii ugu horeysay ee aan ninkaas is baranay ee xaafadda la soo dejiyay ilaa maalintii guriga la iga soo saaray wax uu ahaa ninkaasi wax ay Billan mar walba tusaale iigu soo qaadato”

 

“Kow”, ayuu mar kale ku celiyay Nuur.

 

“Waa nin dhaqan aan raga lagu aqoon inagu furay oo wax kale iska daaye xataa hilibka iyo tamaandhada isagaa soo gada”

 

“Alle ku dullee, waar wuxu dullisanaa”, ayaa Nuur oo ay wejigiisa cadho ka muuqataa yidhi, oo sii raaciyay, “kaasoo miidhan baa magaca raga dilaya”.

 

Cali sheekadii wuu sii waday, “Nuuraw been kuu sheegi maaye waxaan anigu markii ugu horeysayba ninkaas kaga yaabay, dhaw jeer oo aan teleefonkiisa gacanta ka wacay ayay xaaskiisu iga qabatay”.

 

“Ma teleefonkiisa ayay xitaa raga soo waca ka qabaynaysaa”, ayaa Nuur oo yaabbani weydiiyay.

 

“Haa,iyadaa qabata, dee ma kaasoo kale ayaan noqon karaa”, ayuu Cali yidhi.

 

“Wallee goor baas buu ninkaasi ku soo agdegay”, ayuu Nuurna ugu war celiyay.

 

“Ma waxaad aragtay nin la leeyahay habeen walba aroos baan tegayaaye caruurta sii hay oo aan juuq odhan karin”, ayuu mar kale Cali yidhi.

 

“Waar waa nin la hayste ah wuxu”, ayaa Nuur oo qoslayaa yidhi.

 

Cali oo marba wax soo xasuusanaya ayaa hadana yidhi “ Waar waan kaa iloobee waxyaabaha kale ee aan ninkan kaga yaabay waxaa ka mid ah, waa ninka soddohdii hooyanimo ku keenay iyadoo hooyadiina tuuladii Ceel Waraabaale ku rafaadsantahay”.

 

“Waar ninku caqli xumaa ma soddohbaa la soo dhoofsadaa”, ayaa Nuur ku jawaabay.

 

“Wallee maalintaad tidhi anigu xaas iyo caruurtoona meeshan keeni maayo ayaad tashatay Nuurow”, ayaa hadana Cali yidhi,oo u sii raaciyay,“intay kugu kibri lahayd ee habeenba Boolis kuugu yeedhi lahayd ee dibadda laguu tuuri lahaa Ceel Waraabaale ha kaa joogto”

 

“Wallaahi waa runtaa”, ayaa Nuur oo madaxa ruxayaa yidhi.

 

Iyadoo sheekadii aan weli laga bogan, arintii Nuurna aan la xalin ayuu Cali saacadda fiiriyay, mise lixdii fiidnimo ayay sii ordaysaa, markaasuu yidhi “waar meesha waa ku daahnee inaga mari”.

 

“Wallaahi waa daahnay, tolow kii xumaa baarixi maanta ma ka soo helaynaa” ayaa Nuur weydiiyay Cali.

 

“Bal ina mari aan soo fiirinee” ayuu Cali ku jawaabay. Ka dibna waxay u dhaqaqeen xaggaa iyo Marfashkii.

 

Markay wax yar ka soo socdeen makhaayaddii ayaa waxay ishoodu qabatay gaadhi yar oo ay bidhaantiisa garaneeyeen oo meel wax yar u jirta markaas uun isa soo taagay.

 

Waxaa gaadhigii ka soo degey nin aad u dhuuban oo shaadh yar oo khafiif ah gashan, labada gacmoodna mid shawr laamood oo jaad ah ku haysta, midda kalena daasad Kooke ah ku sita, cankuna u buuxo oo wax raamsanaya.

 

Gabadanada dhaxanta ee dhacaysay ee qof walba heeryo aan ta awrka ka yarayn dusha u saartay, ninkaas ugama duwanayn neecaw xagaayo dhinaca xeebta ka soo dhacaysa.

 

Nuur oo si aada isha ula raacayay ayaa Cali weydiiyay, “waar ninkaasi miyaanu Dabogeel ahayn?”. Cali ayaa inta tallaabadii hoosta ka xaday ku jawaabay, “waar waa isagii oo hadduu keenaye ina soo dedeji yaan la inaga dhammayne”.

 

Dabdeed waxaa halkaa uga billaabantay maalin kale iyo meertadii mirqaanka.

 

Ismail A. Hassan (khaliil)

Bahda WardheerNews, London U.K.

E-Mail: khaliilha484@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

--------* * * *------------

 

Wakhti waaberigii ah ayuu taleefon soo dhacay. Muxibo iyo Maxamed mar qudh ayay hurdadii ka soo boodeen. Maxamed ayaa is yidhi Teleefonkii qabo dabadeed Muxibo ayaa inta kor u dhawaaqday tidhi “ha qaadin waryaa waa Soomaaliya e”

 

Iyadoo ka xanaaqsan hurdada laga toosiyay aadna ula yaabban dadka xilligan soo wacaya ayay tidhi” dadkaan ayaan ka yaabay badawnimadooda xataa ma kasayaan in saacadaha adduunku kala duwanyihiin, waxay u qabaan mar haddii iyaga waagu u beryay in uu caalamka oo dhan u beryay”

 

Wax yar ka dib ayaa ilmo yar oo ay dhaleen oo sariirta caruurta ku dhex jiray uu oohin bilaabay. Inta Muxibo soo kacday oo cunugii ka soo bixisay sariirtii ayay tidhi “waa kuwaas hadda ilmihii naga toosiyay maxaan sameeyaa hadaba”

 

Calaacalka halkaas kumay joojin ee way sii waday “toban jeer ayaan teleefonka bedelay, ma teleefon bedelis uun baan ku jiri karnaa dadkii oo dhan baa ila yaabay”

 

Maxamed oo dhegaysanayay hadalada Muxibo ayaa ku yidhi “naa waxba maahee iska aamus ilmaha yari waa iska seexan doonaaye”

 

“Ilmaha oohintiisu waxba ma’ahan ee dadkan ayaan nacay maalin walba ku soo wacaya ee lacagaay uun laga siiyay, caydha yaree aan qaataa intay ku fillaan kartaa?”

 

Hurdadii ayaa laga isaga noqday. Goor barqaddii ah markii la soo toosay ayaa mar kale telefoon soo dhacay. Gabadh yar oo ay Muxibo dhashay ayaa qaad is tidhi markaasaa hooyadeed ku qaylisay “naa ha qaadin waa naagtii dahabka iyo duruucda aan ka amaahdoo lacagtii iga doonaysee”.

 

Maxamed oo inuu shaqo tago isu diyaarinayay oo hadalka xaaskiisa maqlayay ayaa yidhi “oo Muxibo haddii aad marna tidhaadid waa Soomaaliyee ha qaadin marna waa islaantii daynta igu lahayd cid aan lacag inaga rabinba malaha inama soo wacdo!”

 

“Maxaan samaynaa haddii dadkii oo dhan lacag doon ilaah ka dhigay” ayay Muxibo tidhi iyadoo uu wajigeeda cadho ka muuqato.

 

Ismail A. Hassan (khaliil)

Bahda WardheerNews, London U.K.

E-Mail: khaliilha484@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ haa, aniga xitaa.

 

Waxaase ka sii helay labada nin ee sheekeesanaayo:

 

“Waa nin dhaqan aan raga lagu aqoon inagu furay oo wax kale iska daaye xataa hilibka iyo tamaandhada isagaa soo gada”

 

“Alle ku dullee, waar wuxu dullisanaa”, ayaa Nuur oo ay wejigiisa cadho ka muuqataa yidhi, oo sii raaciyay, “kaasoo miidhan baa magaca raga dilaya”.

:D . that's something JB would say..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Laakinse nin hooyadii dayacan tahay oo naagtiise hooyadeed hooyo ku keenay Illaah baa ina lee waa "La Hayste".

 

Waad maahadsan tahay Neph:, waxa kale ma inoo haysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Ducaysane Ragoo dhan ilaahay isku mid kama dhiman Kuwo baariyaal ah aya jiro oo dumarka warkooda ADEECO ....

 

wale Ninki naag somali hadalkeeda adeeco dhib aa heesto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this