Sign in to follow this  
nuune

Ninkii naag la qabo damaaciyay

Recommended Posts

nuune   

Ninkii naag la qabo damaaciyay

 

 

Waxa la yidhi, nin baa naag wanaagsan qabay. Maalin maalmaha ka mid ah baa nin kale naagtiisii u yimi, markasuu arkay inay aad u qurux badantahay.Ninkiibaa wuxuu damcay inuu ninka naagta kala baxooo guursado. Kolkaasuu naagtii ku yidhi, "Naa, ninkaagu waa nacase aan ku guursado?" Markaasay nagtii tidhi, " Ninkayga nin aan ku doorsanayaa ma jiro’e malaha qoyskiina oo qoyskooda ka fara badan baad ugu faanaysaa!" Ku ye " Mayee anaa kaa og oo ninkaagu waa fule."

 

Markaasay tidhi, "Hadalkaasi mid aan kaa maqlayo ma ahee, hadal kale ma haysaa?".Wuxuu yidhi, "Adigu bal I raac hadalkaygu inuu been yahay iyo in kale aad aragtide, elleen haduu ninkaagu nin rag ah yahay ficilkiisay ka muuqan doontaaye.

 

Markaasay ku tidhi, "Waar ku raaci maayee hadaad raganimadiisa tijaabinayso aqalka dabadiisa kula shax oo hadal dahsoon kula hadal bal inuu garto".Markaasuu yidhi, "Waayahaye berri baan la shaxi doonaa". Iyadiina ninkeedii waxba umay sheegin.Malintii dambuu soo noqday ninkii guriga lahaa oo jooga, markaasuu yidhi, "Waar hebelow, soo kac aan aqalka dabadiisa ku shaxno’e".

 

Aqalka dabadiisii bay shaxdii ka jeexdeen naagtiina way dhagaysanaysaa.Kii damaaciga ahaa baa hor jaraynayay. Markaasuu intaanuu godkiisii dagin gabyay, wuxuu yidhi; "Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde"sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye" Tanaan dagay

 

Markaasaa ninkii naagta qabay ujeedadiisii gartay oo yidhi; "Geenyada nin lihi qoofashee qololka daaqaysa qiyaasli’i ninkii qaadayow qoomamaa xigiye" Tanaan dagay

 

Damaacigii baa gabygii ku noqday oo yidhi; "Qunbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto miyaad qoonsanaysaa hadii gaajo noo qabatay" Tanaan dagay

 

Markaasuu ninkii naagta qabayna soo rogaal celiyay; "Qunba malaboo meel qotoma oon cidi qadhiidhaynin qooraansigiisaa ka daran quud aan la cunayne" Tanaan dagay

 

Damaacigii baa hadana yidhi;"Nin adoogii toban qaalin dhalay qolona kuu sheegtay miyaad qoonsanaysaa haduu gabadha kaa qaado"Kii naagta qabay baa yidhi; "Nin adoogii qudh kaliya dhalay qiimmina u jooga Miyaad qoonsaysaa haduu rubadda kaa qaado" Intaa markuu yidh buu toorreydiisii la soo baxay oo garka wadnaha ku kala jaray.

 

Ninkuu dilay reerkoodii buu u tegay oo ku yidhi ninkii anaa dilay waxaasaanan ku dilay e magtiisii ma qaadanaysaan. Ninkii magtii baa laga qaatay godobinna may raacin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

hahaha! Shaxdu waa bahal cajiib ah walle. Thanks for sharing Nuune

 

Yaa Soomaali sarbeeb iyo poetic riddles ku gaari kara hadde!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Soomaalidu iney madax adagyihiin waxaa kuugu cad, waxaa jirta oraah dhahayso "naag qurux badan ninbaa qabo loogama haro" ee ka soo rido naagta ninka, ha uga harin, marka hala is ilaaliyo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Soomalidu waxa ay tiraahdaa

 

Nin fool xun adiga iskaga baq, smile.gif

Nin qurux badan naagtaada uga baq. :D

 

hadaad aragtid nin naag qurux badan oo wanaagsan qaba, hadaad ka qaadi karto, samaxaad ma leh! Yaa heli kara naag qurux, caqli iyo dabeecan wanaagsan leh. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

^^^ Soomaalidu iney madax adagyihiin waxaa kuugu cad, waxaa jirta oraah dhahayso
"naag qurux badan ninbaa qabo loogama haro"
ee ka soo rido naagta ninka, ha uga harin, marka hala is ilaaliyo
smile.gif

Nuunkeey, waxaaga xoog waayee laakiin. Ka soo dhacso miyaa sheekada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abuu Nuune, sheeko mac ayey aheyd. Inta ugu horeysay maba idhibin aqrigiisa iyo fahamkiisa, aad aad u sharaxday.

 

Inta danbe aad iyo aad ayey ii dhibtay.

 

In any case, ninka naagta qabo waa nin ragiisa eh waaye, if he was the one oo mindida ninka kale ku gowracay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this