Sign in to follow this  
Som@li

Amaan Dumar

Recommended Posts

Som@li   

by Maxamed Nuur Fadal

 

1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso

2. Hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye

3. Dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

 

4. Dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

5. Hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

6. Meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

 

7. Dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

8. Dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

9. Dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

 

10. Dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

11. Cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

12. Dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e

 

13. Saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

14. Sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

 

16. Dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho

17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto

18. Dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

 

19. Kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo

20. Dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe

21. Dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

 

22. Inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye

23. Dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye

24. Dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

 

25. Sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere

26. Inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya

27. Dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa

28. Dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa Cilmi qof hurdo lugu tiso ana markaan dhageystey waxaanba umaleyey mid aan maalin dhaweyd Toronto ku arkey. Waxaan xusud mudan Dabshidow dumarka inaan layska amaanine e la amaano uun inta uqalanta.

 

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde

 

Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede

 

xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax isalaameene

 

Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay

 

Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey

 

Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda

 

sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah

 

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye

 

Soomaali, carab iyo hindiga sooyo laga keenay

 

Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye

 

Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye

 

**************************************************

 

Jaaheeda iyo faayaha ay jibo ku qaadayso

Jidhka labada qaaree sidii Jaraha loo soohay

Sida jeex intuu doog lahaa jir u gadaaleeye

Oo ubaxyo kala jaad ah iyo jimil ka soo boodey Goortaad jalleecday qalbiga jiidataa hodane

Waa midaan jilfaha qoorta iyo Jiman u baahnayne Jidhkeedaaka qaaliban waxay yara jecleeyaane

 

Muuse Galaal A.Y.

 

 

**************************************************

 

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane

Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye

 

Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye

 

Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

 

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye

 

Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne

 

Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe

 

Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

 

Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane

 

Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine

 

Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

 

Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye

 

Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone

 

Waa inaydareen lexejecliyo doojin leedahaye

 

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye

 

Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye

 

Duhur iyohabeen waa inay kuu diyaar tahaye

 

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye

 

Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye

 

Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

 

Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

 

Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye

 

Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe'

 

Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye

 

Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this