Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaalida iyo quruxda

Recommended Posts

Soomaalidu waxay tiraahdaa:
Hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo
. [
:D
]

 

Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:

 

Afar ay u dheer tahay
: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

 

Labay u dhuuban tahay
: qoorta iyo dhexda.

 

Afar ay dhumuc u leedahay
: labada kub iyo labada cududdood.

 

Afar ay u caddahay
: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

 

Afar ay u madowdahay
: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

 

Afar ay deeb u leedahay
: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda). [
:D
]

 

Labay u shuban tahay
: labada dhaban.

 

Hal ay u buuxdo
: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato. [
;);)
]

 

Hal ay u qoran tahay
: waa sanka.

 

Bababa waxaas ayaa qurux la dhahaa inta kale been. :D Quruxdii hore kaliya ma'aha waxaas ee waa qurux waa walba jirto. Sax maahinoo, aqiyaareey?

 

Soori, jaamacyaasha qurux liis lagu qoro kama muuqdo aan u maleynaa haddii kale iyagana liis ayee lahaan lahayeen nooh. :D

 

NB - Qofka qoraalkaas qoray wadaad ayuu u dabeecad egyahay qoraalkiis laga dhadhansan karo, ee ka warama wadaad waxaas qoraayo, mid kistoo ugu jirto ayee ahayd markuu qoraaye aan filaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

mid kistoo ugu jirto ayee ahayd markuu qoraaye aan filaa.

^Aryaa xaad u qarihee wadaadka? Marqaan mise buufis? Wadaadada xaa u diiday inay aduunkaan bal-balaariyaan! :D Caalamkaan wadaad bunka caba mowlacana ka xadreeya waa sii dhamaanooyaa.

 

Waayadaan dambe haduu mid wadaada iyo mid kale dagaalamaan, dadka waxay badankood oranayaa war wadaadka ka qabta as if wadaadka inuu dhiman yahay. I never understood where they get such perception.

 

Siyeed iyo lamaatan intaad jarinooysid waa ku ciroobee ee midoo imaankeeda qabta Ilaahey caruur kaa siiyaa dhaanta listigaan dheer.

 

Eraydan bold jilci xoogaa

 

Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

 

Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Soomaalidu waxay tiraahdaa:
Hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo
. [
:D
]

Maxaa laga waada?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

ninka ragga ah waxaa qurux ugu filan ragannimadiisa, oo kol hadduu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli iyo kartina leeyahay, waxay ila tahay qurux ay dumar ku raacaan oo u harsani ma jirto.

That's so not fair yaakhoo, ayadana in la dhaho "karti" & "caqli" fiiri, asna la dhaho emphsis-garee on the physical! War ileeen..

 

Karti & caqli kasto ha la haado wax foolxuno ku hor fadhiya ilaah baa na lehe ma dha-dhamaayo. Hadduuse beeso qabo ma'oshi :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by buuxo:

quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

[qb]
Soomaalidu waxay tiraahdaa:
Hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo
. [
:D
]

Maxaa laga waada?
Waxa laga wada ... she is highly in demand with all that attributes ...definitely she is walking beauty smile.gif not short of applicants asking her hand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

 

Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

 

Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

 

Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

 

Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

 

Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda). [ ]

 

Labay u shuban tahay: labada dhaban.

 

Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato. [ ]

 

Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

 

Kawaran hadii ay intaas oo dhan leedahay balse edeb iyo asluub iyo ashaxan midna luggu ogeyn maxaa tala ah MMA-ow?

 

Koley ninka qoray qoraalkan qurux ishu-qabato uunbuu raacay balse quruxdu taas uun ma aha.

 

Nimba hablaha tuu ka doorta waxbuu ku raacaa e bal Cumara dhegeysa:

 

Qureeshkeeda Faadumo haddaan qaar ka mid ah sheego

Tallaabada qallooc uma dhigtee way qotomisaaye

 

Qalbigaa ku faaraxa markay qaaddo laafyaha'e

 

Allaw hayga soo qaban intaan Qalanjo gaadhaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Originally posted by Nephthys:

Karti & caqli kasto ha la haado wax foolxuno ku hor fadhiya ilaah baa na lehe ma dha-dhamaayo. Hadduuse beeso qabo ma'oshi
:D
.

Hello lady Bishaaro, how are ya? Maxaad tiri, beesa aa...you know very well walaa beeso walaa aduuyada oo idil oo lagu soo hordhigo, haduunan kol indhaha u rooneyn meeshiisa inuu ku hadhayo :D

 

Bal hadda eeg MMA-yow, you made me comment on the khalq of Allah, astaghfurullah icon_razz.gif

 

Interesting list though...badanaa nimanka Somaliyeed ee hore wey ku raaci lahayeen baan umalayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishaaro,

 

on women, Ali Sugule, i believe it was him, said:

Dumarku waa boqol jaadoo

Basarida aan dharka mayrin

iyo Baalidaa u wanaagsan :D

 

I dont know what he siad about men, but he said the following on thier friend :D , the qaad.

 

Qaadku waa boqol noocoo

Midka baarka la goostay

Iyo bayrixaaga u wanaagsan :D

 

And if i were to compose a gabay on this matter i would said the following:

 

Raggu waa boqol noocoo

Midka beesada haysta

iyo biid iska yeelka

Dhoorre aan basar layn

Iyo badowgaa u wanaagsan :D !

 

Bal ka taliya yaa Jamaacah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eraydan bold jilci xoogaa

 

Afar ay u madowdahay: labada
indhood wiilkooda
iyo labada sunniyood.

 

Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo
labada mudane
(Naasaha caaraddooda).

---

 

Waayadaan dambe haduu mid wadaada iyo mid kale dagaalamaan, dadka waxay badankood oranayaa war wadaadka ka qabta as if wadaadka inuu dhiman yahay. I never understood where they get such perception.

Maxaa la jilcinaa hee widaaygiis waaba iska cadahay nooh. Labada 'indhood wiilkooda' wuxuu ula jeedaa, saan u maleeyo, afka shisheeye waxa lagu yiraahdo 'pupils.' Reer Galbeedka dadkooda cadcad iyaga ka dambeeyo indha baluugan, Soomaalidii hore indha madoow ayee ka dambeyn jireen aan u maleynaa. Haddaan sababtana qisaaso inay la xiriirto ayaan u maleynaa reer guuraagii hore oo qoraxda aad u xakameyn jirtay. Qoraxda haddaad in badan ku dhex jirtid indhahaaga ayee dilee oo daciif ka dhigee, oo caad ayee saartaa, indhihii madoowaana saas ugu tirtirmaan, badanaa dadka saas noqdana waa dadka da'da qabatay. Marka indha madoow = 'youthfulness.'

 

Tan labaad oo ula jeedo 'labada mudane' qofka qoray ayaaba sharxay oo uu ka wado gantaaladda. Inkastoo gantaaladda dhan uu ka wadin saan filaayo uu ula jeedo waxa mar kale af shisheeyo lagu yiraahdo 'nipples.' Waa iska qiyaas maadaama 'caaradooda' waxa uu ula jeedo aan kasi waaye.

 

Tan ku saabsan wadaadadda sababta wadaadadda loo ixtiraamo ama Soomaalida baari inay yihiin ugu tilmaamaan ereygooda loogu yeero ayuuba kasoo jeedaa dhibaatadda. Ereyga 'wadaad' aan ka wadaa maadaama wadaada kan kasoo horjeedo ['opposite'] ah qof waranle la yiraahdo. Waranle waa dagaalyahan; wadaad waa nabadoon; waranle waa qabiil u halgame, tol jirin naftiis u huraayo; wadaad waxaas shuqul kuma laha.

---------------

 

Originally posted by buuxo:

quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Soomaalidu waxay tiraahdaa:
Hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo
. [
:D
]

Maxaa laga waada?
Waxaan u maleynaa liiska waxa ku qoran ayuu isku dardaray oo '28' isku noqday ka wadaa, inkastoo haddii liiska la isku dardaro noqonaayo 26.

------------

 

Karti & caqli kasto ha la haado wax foolxuno ku hor fadhiya ilaah baa na lehe ma dha-dhamaayo. Hadduuse beeso qabo ma'oshi
:D

Ahahahaha, ma'oshi beel. Saas maa hanti ugu dambeysaa? Iga daa hee.

------------

 

Kawaran hadii ay intaas oo dhan leedahay balse edeb iyo asluub iyo ashaxan midna luggu ogeyn maxaa tala ah MMA-ow?

Ninka qoraalka qoray in uu ula jeedo dhanka 'physical attributes' ahaan ayaan filaa, ahna mid uu ka wadin dabeecadeeda iyo caqligeeda. Qeybtaas amuu liis kale ku jiraa dheer taloow.

-------------

 

Interesting list though...badanaa nimanka Somaliyeed ee hore wey ku raaci lahayeen baan umalayn.

Kuwa dambe maku raaci lahayn miyaa? Dad badan ayaa liiskaas aad ugu qanacsan, oo u bogay yaa og hee. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Hello lady Bishaaro, how are ya?

Ana bikheyr ya bint 3ami, thanks. Meeshii xagga ahayd weli waan isku heli la'nahay. PM-me your hours/days of operation :D .

 

Maxaad tiri, beesa aa...you know very well walaa beeso walaa aduuyada oo idil oo lagu soo hordhigo, haduunan kol indhaha u rooneyn meeshiisa inuu ku hadhayo

Inuu haraayo laba Cali isma waydiinayso, koo dhe. Laakin (with capital 'L') baa meesha ku jirta. Abraar-eey ka fikir bal :D .

 

Bishaaro,

 

on women, Ali Sugule, i believe it was him, said:

Dumarku waa boqol jaadoo

Basarida aan dharka mayrin

iyo Baalidaa u wanaagsan

^ Been ma sheegin. Dharka si kale oo dadka kale arkin bay u dhaqdaa iyada :D hence the admiration. Waxay u eg tahay rag badan inay wadaadkaas gabaygiisa dhageesteen. Baali-leey & Badow Beeso lehbo wax ka nasiib badan la waa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

^Lol@days of operation. Bal horta inadeerey the extended shahrul casal ha kuu dhamaado, then dadka waad arki icon_razz.gif:D

 

MMA, I guess I forgot to add: With the exception of few nooc minal MMA ah. :D Koley ilama aha in maanta loo fiirsado suniyo madmadow iyo cududo buurbuuran iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ Sug asagaa hala waydiiyee. MMA - warkaas run miyaa? Ma mid noocaasaa ka rajo qabtaa inaa heshid? Odayaasha list-kan qoray waxay rabaan inay wiil dhaaxe gablan ka dhigaan, warkooda ha aaminin :D . Zamanka maanta waxaasi qurux looma yaqaan. Waxaa dhageesataa Awees Khamiis's "gabar hadii jeclaaheeso, a gaabanaatee ana gaduudanaatee.." song. Odaygaas waa raggeedii dheh. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa la yiri nin cad naagtaada uga baq, nin madoobana naftaada :D! Here Bishaaro & Abraar waxay ku leeyihiin niman quraysh u ekeyn lalama hadlo! War illeen ibtilo, hadday tooda ahaan lahayd aniga iyo raggaan ku jiro lalama kalaameen oo godkoodaa kuttaan ku cunni lahayd :D .

 

Laakiin Allah baan leenahay.

 

On a serious note though this talk about qurux is just meaningless for if we were only marrying for qurux we would all be marrying other races. There is a lot more than that to establishing family...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nafiis iyo Bishaaro, maxaa ka hadleysiin horta? Wax maa hoosta la isku gilinooyaa. Sir dumareed lagama sal gaaro aa maqli jiree, ee banaanka iskeena waxa aad qarineysiin nala wadaaga nooh.

 

Koley ilama aha in maanta loo fiirsado suniyo madmadow iyo cududo buurbuuran iwm.

Runtaa waaye, aniga shaqsi ahaanteey meel kale ayaaba fiirsan lahaa ii daran. :D Suniyo iyo dhaban iyo wixii lamid ah waa laga soo tagay u sheega dadkaas yaaqeey.

 

Sug asagaa hala waydiiyee. MMA - warkaas run miyaa? Ma mid noocaasaa ka rajo qabtaa inaa heshid?

Wah! Waaba heystaayee ee rajadda aad sheegeysid xee ahayd? Laakiin aniga liiskeey oo gooni ah ayaan heystaa oo dhawaan kusoo qoray inta. Aan ku celiyo mar kale.

 

Qof madaxyar

Timo qalafsan

San jabsan

Bishimo kala feedan

Ilko miciyo

Gar yar

Qoor qaloocsan

Garab godan

Gacmo laaban

Xusul xumbeysan

Fara gacme madoowan

Cijiyo fargeeto u eg

Dhexda u buuran, [a la xaamilo]

Shafka u dhuuban

Sin weyn

Daba yar

Lugaha bararsan

Jilib soo taagan

Kub shuuqsan

Caga balaaran

Cirib fidsan

Fara hoose kala firirsan

 

1053.gif1053.gif

 

Qoftaas kor ku xusan ayaan raadinoyaa, ee meel alle meel lagu arko kaalay adiga sheeg. Dacaskii aa iiga dhamaaday raadiskeeda. Taloow 'South Pole' maka soo raadiyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

^lol. Sir dumar marka horeba yaa ku yiri isku dey inaad fahanto.

 

Wah! Waaba heystaayee ee rajadda aad sheegeysid xee ahayd?

Oo kaalay, good newska in la iska qariyo la iskuma ogeynee waa sidee? Misa heysashadu waxay ka dhigantahay wali faraha ma soo galin inkastooy wax jiraan. ;)

 

 

Originally posted by xiinfaniin:

Waxaa la yiri
nin cad naagtaada uga baq, nin madoobana naftaada
:D
! Here Bishaaro & Abraar waxay ku leeyihiin niman quraysh u ekeyn lalama hadlo! War illeen ibtilo, hadday tooda ahaan lahayd aniga iyo raggaan ku jiro lalama kalaameen oo godkoodaa kuttaan ku cunni lahayd
:D
.

 

Laakiin Allah baan leenahay.

:D . And here we thought Xaaji Xiin was one of the very few aanan ragga aad sheegtay lagu tirineynin, in kastoo Quraysh uunan gaareynin, LOL. Lakiin no worries, I'm certain tii hore sidaad ku so xerogalisay umbaad ta labaadna (misa ta 3aad bey ahayd horta?) ku keeni. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this