Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Jirrooyinka

Recommended Posts

Soomaali badan ayaa ku wareerto, siiba kuwa u turjuma hay'adaha iyo goobaha caafimaadka dadka waa weyn. Maadaama ee saas tahay, boggaan waxaa ugu tala galay jiroonka jiro magacyo Soomaali leh in lagu keydiyo. Hadaa taqaanid, intaa taqaanid ku siyaasi.

 

Aniga intaan ayaa caawa ku bilaabaa, oo kuwa ka badan ayaa jiro oo aan mar kale kusoo ridi doono.

 

  1. Cagaarshoow = jaundice
  2. Jadeeco = measles
  3. Busbus = chickenpox
  4. Furuq = smallpox
  5. Oofwareen [koolboaariyo] = pneumonia
  6. Dabeesha = polio
  7. Xaaqo [tiibisho] = TB
  8. Duumo [malaariyo] = malaria
  9. Qandho [feebaro] = fever
  10. Sokoroow = diabetes
  11. Dhiigkar = high blood pressure
  12. Madaxfurad = migraine
  13. Hargab [ifilo] = influenza, cold, flu
  14. Neef = asthma
  15. Gaastariiko = ulcer
  16. Qoorgooye = meningitis
  17. Juudaan = leprosy
  18. Daacuun = cholera
  19. Shuban = diarrhea
  20. Cuncun [isnidaamis] = herpes
  21. Bahaloow = rabies
  22. Tufoow [tuf] = rheumatic
  23. Kud = anthrax
  24. Teetana = tetanus?
  25. Indhagaduudoow [indhacaseeye] = yellow fever
  26. Waraaboow [bajo, isfiilato] = syphilis
Intaas ha inoo joogto. Hadduu qalad ku jirana waa la iga sixi karaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shakti   

loooooooooooooooool@ the list.. the list will sure help @ the next dr visit... especially # 18 smile.gif thanks mrrr miskiin

 

as 4 "Intaas ha inoo joogto. Hadduu qalad ku jirana waa la iga sixi karaa." well at the end of ur 1st paragraph, is the “siyaasi” suppose 2 be “siyaadi”? :D .. bad case politics syndrome ehhh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

LoooooooooooooooL.

 

Marka walba waxa afka shisheeye ee 'typo' lagu dhaho ayaan 's' iyo 'd' isku garacaa, maadaama ee isku xigaan.

 

Siyaasi, LoL. Siyaado waaye, haa.

 

Teeda kale Afingiriiska ka ilaali mahaan. Afsoomaali kaliya ayaa loo ogolyahay, meesha aan ku neefsano, leerta ku qaado kaliya waaye oo afkeena hodanka ah laga xishmeeyo.

 

Mid kale ana iska saxee, TB ama tiibashii waxaa ugu wacay 'xaaqo,' meeshaa ka rabay 'qaaxo.' Xaaqo beel dheh. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
MMA, sxb alaaba khattar ah ayaad soo baandhigtey wallaahi, bal cuduro fara badan ayaad ka tagtee aan u soo noqdo mar kale topikan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

MMA , thanks for the list and i will certainly help. Please dont forget to add more.like types of cancers.etc. what is STDs/STID?

my favourite Herpes=isnidaamis, would of not knw , thought isnidaamis was something to do with lack of hygiene.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

Cagaarshoow = jaundice....more commonly known as hepatitis.....why is this most common disease in somalia thou....they treat it by burning the stomachs, hands, ect...do it work by burning?

 

MMA where translation for da organs, human systems....its difficult to translate man....da worst is going to women;s doc wit female relative....never do that again yo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cudurada kale waa soo socdaan, ee kistoo suga. Nuune, widaayoow, kusoo dar hee adigaa foorto ku ahee.

 

Buuxo, Afsoomaaliga saas ma u aha waxa afka shisheeye lagu yiraahdo 'advanced' oo malaha jirrooyinka ama cudurada kaansarka [kaankarka] see u kala baxaan. Koleey leukemia sidaa maqlay 'dhiigcadaad' aa lagu dhahaa.

 

Qalaf, kistoo aan kuu qoraa, inta kale waa lagu soo dari doonaa.

 

Kuwa adag aan ka bilaabo, oo waxaan u maleynaa kuwa sahlan sida wadnaha, beerka, sanbabka, kilyaha intaad taqaanid. Haddee kuwaas kuu sahlaneen, waa lagu soo daraa leyliga dambe.

 

  1. Pancreas = Beeryare
  2. Large intestine = Mindhicirweyne [waana la dhihi karaa xiidmo, weyn iyo yarba]
  3. Small intestine = Mindhiciryare
  4. Uterus = Ilmagaleenka
  5. Bladder = Kaadiheys
  6. Vein = Xiddidka
  7. Artery = Halbowle
  8. Gland = Qanjir
  9. Tissue = Xubin
  10. Abdomen = Uusleeyda ama calooleeyda
  11. Pharynx = Dhuunta
  12. Larynx = Codkeene???
  13. Esophagus = Dhuun
  14. Vertebrate = Lafdhabar
  15. Spinal cord = Xangule ama lafdhabarna waala dhihi karaa
  16. Appendix = Qabsin
Intaas ha joogaan caawa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abyan   

Gaastariiko = ulcer

 

bisinkoo yasiinko , ileen ulcer aa afingiriis lagu dhahaaa, all this time i was telling my friend who isnt somali, " i am afraid i will get gastric soon if i dont eat" and she used to say "oow then you should eat then" ileeen qofta weey ii camireeyse.lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cara.   

How do you translate "pressure", as in "you should only feel a little pressure during this medical procedure"?

 

Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Leyligii cudurada ku saabsanaa waa socdaa.

 

Inta jira aan hadda xasuusto:

 

  • Qalal = epilepsy
  • Dhiigyaraan = anemia
  • Aragbeel = glaucoma
  • Sanboor = sinus
  • Kaadidhiig = hematuria
  • Dheefshiidxumo = dyspepsia
  • Iskudhexyaac maxkaxdeed = schizophrenia
  • Xinjirwaa = hemophilia
  • Biyodhac [indhaha] = cataract
  • Axaldhiiga [disantariyo] = dysentery
  • Baabasiir = hemorrhoid
  • Dhiigcadaad = leukemia
  • Dhagaxkalyood [dhagaxgal kili] = kidney stone
----------------

 

Pressure = cadaadis/dhib

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

MMA, sxb waxaan la yaabey oon illaa hadda la yaabanahay, ma jiraan wax buugaag af soomaali ah oo ku qoran waxyaalaha ku saabsan MEDICINCE ama MEDICAL guud ahaan.

 

Maxaa loo waayey buugaag ka hadlayo caafimaad?

 

Maxaase loo waayey buug qaamuus ah oo medical ah?

 

Somalida isku sheegta iney yihiin qoraa, maxay ahmiyad weyn u siin waayeen mawduucan intii ay waqtigooda ku qasaarinayaan buugaag siyaasad daabicidooda iyo wax aanan bulshada waxba u tareenin?

 

 

dabcan wey jiraan oo wey buuxaan buugaag af soomaali ku qoran oo leh mawduucyo fara badan, balse qeebta caafimaadka cidna ma daneeso waana qeebta ugu muhiimsan oo bulsho weynta u baahantahay.

 

 

Hadaba, arrintan waxaa igu dhiiri galiyey anoo habeen dhaweeto ku jirey website af carabi ah oo gabigiisaba ku saabsan Arabic-Medical-Dictionary, hadaba waxaa igu soo dhacey fikrada ah, maad sameesid website ku saabsan caafimaadka, khaasatan qaamuus Soomaali ah oo caafimaadka ka hadlaya ama Somali-Medical-Dictionary.

 

MMA, sxb fakkirkaas muxuu kula yahay, ma kula yahay barnaamij hirgalaya hadaan ku dhaqaaqno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Originally posted by Cara:

How do you translate "pressure", as in "you should only feel a little pressure during this medical procedure"?

 

Thanks.

cara, maybe you can say " walaal ogoow waxaad dareemeysa xooga tuugin/riixitaan". or you can say "halkaan baan rixaaya , ee ogoosano."

 

hope that helps.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, sida aan filaayo jaamacaddii Gaheyr iyo kuliyaddii Lafoole labadoodaba meelo u qaabilsan cilmibaarista caafimaadka ayee lahayeen, oo qaamuus Afsoomaali ku dhigan ereyadda caafimaadka, jirrooyinka, cuduradda iyo wixii lamid ah yaali jiray, siiba Jaamacadda Gaheyr.

 

Koleey saan filaayo, ayaandarana noo ah, inay dhumeyn ayaan filaa. Haddee wax badbaadeena in kaliya yihiin, oo shaqsi ahaan loo heysto. Soomaali haddaan nahnay kuma dadaalin hormarka afkeena hooyo, inkastoo dowladdii Kacaanka midda kaliya lagu amaani karo tahay hormarka ay afka Soomaali ay hormarisay, aad iyo aad ayee isku taxluujiyeen, oo barfasoore u qaabilsanaa ayaa jiray turjumidda iyo lifaaqyada ereyadda shisheeye.

 

Ayaandaro labaad intaas yar hormarka la sameeye dagaaladdaan dabadheeraaday ayaa wax u dhimay. Maanta kii ama tii la arko oo wax aan soo bartay ku haayo Afcarabi ama Afingiriis ayee ku faantamaan, jaamacyaddaha ku sheega kusoo biiray dalka wixii dagaalladda sokeeye ka dambeeye maanta afkeena inay kor u qaadaan iska dhaafee, waaka yaxyaxaan, oo ka faantamaan, oo afaf shisheeye daba'ordaan.

 

Soomaaliya waxee ahaan jirtay wadanka kaliya Afrika ku jiray markii laga reebo dalalka Carabta ee Waqooyi Afrika, illaa iyo heer jaamacaddeed afkooda hooyo wax lagu dhigto. Taas waxee aad usoo jiidatay dad badan u halgami jiray wixii la dhihi jiray 'pan-Africa' oo waxee la yaabi jireen Afrikaanta kale waxa u diiday wixii lagu dhigan jiray Gaheyr, oo kuli maadooyinka, oo ku jiraan fiisigis, kimistari, cilminafsi, xisaab, kuligooda lagu dhigan jiray afkeena suubban.

 

Maantana? Xataa iskooladda hoose ma u quuraan inay ku dhigaan afkeena, oo manhajyo kale soo deensadeen, ha ahaato mid Keenyaati, mid Khaliijka [iimaaraadka, Sacuudiya] ama mid Bakistaan, oo kaliya lagu wado dhigo Afcarabi mise Afingiriis. Meesha dhan isku dhexyaac ayaa ka socoto.

 

Meel dalkiiba dhisneen waa laga filan karaa waxaan camal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, buuggii aad raadineysay uultimo dad ayaa daabacay, oo sanadkaan soo baxay. Buuggaan laga maarmaanka ah waxaa loogu magac daray Cuduradda, Daawooyinka iyo Ereybixinta Caafimaadka.

 

Buugga wuxuu soo taxaa jirooyinka, cuduradda iyo sida loogu hortagi lahaa. Sadex kun oo cudur iyo jiro oo Soomaalida see u taqaano ayuu Ingiriis ugu badalay.

 

Inta ayaa ka heli kartaa buuggaas.

 

Aan soo qaato, jirooyinkii hore Soomaalida taqaanay oo buuggaas ku jiraan, kuwaan aa kamid ah, ee isku deey inaa Ingiriis ku sheegtid.

-----------

  • Abeesoow
  • Aflaaqo
  • Ajaro
  • Araarad
  • Bajo
  • Barraaqdo
  • Baruurad
  • Beerkurus
  • Beerxaaw
  • Biijo
  • Buulalo
  • Caanogocato
  • Cadanyo
  • Caddaadka
  • Cagagi
  • Carabbarar
  • Cusbo
  • Daaf
  • Dabdhul
  • Dameerow
  • Doog
  • Dhalmogeri
  • Dharbaano
  • Dhibib
  • Dhicin
  • Dhulax
  • Faraatikeen
  • Fujo
  • Futoqarar
  • Geestaan
  • Geestahanyo
  • Goonjab
  • Gurguurato
  • Haaro
  • Hano
  • Hayaamiso
  • Himish
  • Hinjibiso
  • Hannog
  • Hoolato
  • Horudhalow
  • Hud
  • Hure
  • Hunnug
  • Ifilo
  • Jacjacle
  • Jajabow
  • Jildhaaf
  • Kabrar
  • Kirkir
  • Kubodhagaxoow
  • Kuududshe
  • Laan
  • Labacaraboow
  • Ladaadyo
  • Lafoweyneeye
  • Laleemo
  • Libaaxoow
  • Liidaanyo
  • Majinow
  • Man-dheelli
  • Maroodiyoow
  • Nudub
  • Ooro
  • Qaarjeex
  • Qalaboodi
  • Qaras
  • Qardaw
  • Qodax
  • Qoon
  • Qun
  • Rigaax
  • Rimaywareeg
  • Roobsugoow
  • Sambabfaraq
  • Sinyaro
  • Sunbay
  • Surati
  • Taag
  • Togtog
  • Urugo
  • Uuryaal
  • Wareento
  • Weled
  • Wiirshe
  • Winiin
  • Xaliib
  • Xammo
  • Xawaad
  • Xundub
  • Yirid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this