Sign in to follow this  
me

Af Soomaaliga ma in aan ilaalinaa?

Recommended Posts

Hada kahor shabakada Hiiraan la dhaho ayaan qoraal gaaban u qoray. Inkastoo aan qoraalo u qorin shabakooyinka, midaas inaan qoro ayaa damcay.

 

Shabakada Hiiraan qoraalada ninka ugu soo tabiyo Xamar, ama wariyahooda ugu weyn waa qoraalle dhab ah, oo xirfad u leh. Shabakooyinka kale waa ku yar yihiin wax xirfadaas leh.

 

Maadaama uu saas yahay ayaan damcay sanadooyin kahor inaan wax u yar u sheego. Bogga Hiiraan markaa aqrineysid wararka Soomaaliga meeshee ku qoran tahay wuxuu ka bilaabaa sidaan Jimco, July 14, 2006 (HOL), markaas ayaan damcay inaa kula taliyo in uu shaxo taariikhda saan u qorno. Intuu ka dhihi lahaa 'July' uu almiina [inkastoo Talyaani yahay hadana wax baa ka badalnay], waa in uu u qoro Luulyo. [Talyaaniga 'Julio' uu dhahaa, anagana waa badalanay saa u jeedid oo waaba wax gooni noo noqotay camal.]

 

Wuu ii soo jawaabay, asagoo i leh waa ku mahadsanatahay laakiin dad ajnabi ayaa qoraaladeena aqristo saas ayaa ugu wacan. Markaa arkay waxaas qosol aaba iga dhamaan waaye maxaa yeelay qoraalka dhan af Soomaali ku qoran, marka maxaa loogu baahan yahay meesha kaliya in lagu qoro taariikhda. Qof ajnabi haduu qoraalkaas af Soomaali ku qoran aqrisan karo, ee markaas Luulyana waa fahmi karaa micnaheeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

hahahahaaha, MMA dadkan waxba lagama dhaadhicin karo. Meesha aan ka fakarayno iyo meesha ay marayaan isku meel ma aha. Hadii uu ilaahay idmo weyna soo gaari doonaan. Soomaali oo dhan'nah wey isla garanaysaa in aan afkeena ilaalino.

 

Dad badan oo fikrado fiican leh qarankenu wuu leeyahay, Dadkaas un hadii mar un wax qabta lagu dhihi lahaa ama ay mar un tii toosnayd ka shaqaynlahaayeen ama ku kici lahaayeen.

 

MMA, afsoomaaliga toosan maanta meelo lagu qoro ma jiraan? mise cid afsoomaali toosan ku hadashaa maanta ma jirto?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Widaayoow, kuwa maxkamad isku sheega xukumo magacyada ee isticmaalaan aa iga yaabiye maalmahaan yaaqeey.

 

Maalinba magac baas aan maqlaa. Abuu Mansuur, Abuu Cuteyba, Ibnu Max'ed...

 

Walaahi waa iga yaabiyeen. Xataa Carabtii ayaa maanta isticmaalin 'abuu' ka ahayn Falastiiniyiinta. Taloow 'abuu' inay diinta kamid tahay mee moodeen?

 

Ogoowna iyaga kaligood kuma koobno, dad badan Soomaali ay isku fikir yihiin ayaa maanta la baxo waxaas, sida 'umm' iyo 'ibnu' wada raaciyo.

 

Eebboow u sahal ummadeena meelba laga heysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Taloow 'abuu' inay diinta kamid tahay mee moodeen?

Macalinka, FYI, "Abuu" waxaay ka mid tahay Sunnada Nabiga(SWCW). Waxaa loo yaqaana 'Al-Kunya'. Nabiga teesa waxay ahayd Abal Qaasim.

 

Marka, inkastoo ragiinaan "Somalists"-ka dhibayso..."abuu" iyo "umuu" iyo "ibnuu" waa part of the Sunnah. Find something else to 'diss' the Islamic Courts on(their blessed march continues unabated inshallah).

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

excuse me kashafa, but i do not think abuu, or ibn is part of the religion rather it is part of traditional arabic language, i do not think abu-jahal who is real kunya was abu-7akam was following the sunnah, or um-jamil who we all know how she hurt the prophet(PPUH), and countless pagans of arab who used kunya i do not think they were following the sunnah, being said that still arabic is beautiful language and there is hikma why Allah chose it for his last message, so you can not sperate arabic language and muslims, their culture however is another thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Afkeenina ma nagu xaysataan? war bal dadkan eega. Meel walba intii aad soo dhaafteen ayaad maantana af Soomaaligii noogu timaadeen?

 

Amxaaro dhulkeeni waad keenteen, dhaqankeenii waad nagula dagaalamaysaan hadana afkeeniina waad nagu haysataan. Is weydiiya bal xagee baad ku socotaan? xagee ayaad gaadhaysaan?

 

Meesha aad ku socotaan bal noo sheega? Mise sheekadu waxay idinka tahay in Soomaalinimada un la baabi'iyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Good point, yaa bilan. I stand corrected. But Abu Cuteyba bin QacQaac sounds a whole lot cooler than Faarax Maxamed Jaamac, doesn't it ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Marka hore diinta ayaad been ka sheegtay markii lagugu qabtayna sheekada waxaad gaysay, 'waa cool'. smile.gif

 

Kashafa dadka diinta u adeegsada danahooda ayaa diinta way u dhima. Marka is ilaali in aadan diinta wax u dhimin. In diinta been laga sheego ma fiicna. Marka 'cabainimo' iyo 'diin islaam' kala saar ina'ader.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Me, diin kama been sheegin ee aqoon la'aanta diinta ayaa u geysay. Waa caadadda lagu yaqaano reer waran labood. Waaba dhaqankooda, waxee iska maqlaan, oo kasoo maqlaan kuwee isku fikrada yihiin oo iyagoo soo hubsan ayee lasoo shirtagaan.

 

Waxaa lagu maahmaahay shan bari sheekh laguma noqdo. Kuwa maanta socdo hal bari ee rabaan inay sheekh iyo shariif ku noqdaan. Mala socotaa sida loogu tumanaayo 'shariif' iyo 'sheekh' maanta, kii la arkayba la baxay.

 

Hada ninkaan wuxuu rabaa in uu naga dhaadhacsiiyo in uu Abuulahab Muslim ahaa, oo hadana sunnada ku dhaqmi jiray. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Kuwa maanta socdo hal bari ee rabaan inay sheekh iyo shariif ku noqdaan

Marka waa la daxlaa aan umalaynaa 'Sheeknimada'(read: Awliyo) yaah lol ? Handed down from father to son in the traditional Somali style. You can rest assured that the old days where deen = dhaqan(somaliyeed or otherwise) are long gone and 'Kuwa maanta soctho" have finally claimed their inheritance(Islam) and grasped it fully.

 

Wakey, Wakey, akhyaarta..hordatha ka kaca. Abwaankii Abu Jesse Bob bin Abraham Al-Dylan :D ayaa wuxu tiriyay:

 

Come gather 'round people

Wherever you roam

And admit that the waters

Around you have grown

And accept it that soon

You'll be drenched to the bone.

If your time to you

Is worth savin'

Then you better start swimmin'

Or you'll sink like a stone

For the times they are a-changin'

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

MMA, kuwani yagaa is gubi doona, waa in aan anagu isu diyaarino saan marka ay is gubaan dabka uga damin lahayn. Maskaxda ey ku socdaan waad aragtaa. Anigu waxaan ka baqayaase in ay diinta ku ciyaaraan sida ay is leeyihiin diinta wax tara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Kashafa sheekanadi waxay ku socotay af soomaaliga ma ilaalinaa. Maxaad ka qabtaa arantan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadan kasto luqadiisa uu booska ugu horeeyo geliya, lakiin hadaan maryooleey nahey afkeena hooyo kabta hoosteeda eyba ku taala oo waxeyba "ilbaxnimada" ku jirtaa aa la yiri inaan af ajnabi isku kooleyno oo har iyo habeenba saas luqad aan luqadeena eheen saas u xusno sida inuu awoowgeena dhaxal noogu tagey oo kale. :rolleyes: Yaabka yaabkiis!

 

 

Bal anagoo isku wadan ka wada nimid oo isku luqadiine isla wadaagno, sidee ku dhacdey inaan af dadoow ku wada sheekeysano? taas horta waanba garan la'ahey waxa ugu wacan..weligeyne uma maleenaayo inaan jawaabo rasmi ah ka heli doono dadka sidaa u dhaqmo. Horta, awalba meesha wadan kuma heynin, luqadiine hadaan sii duugno oo af ajnabi u sacab tuno, magaca Somaaline waa inaan suuqa geynaa oo si fiican loo soo qiimo tiraa ileen ilbaxnimada la sheegayo oo dhanba waa af Somaaliga oo laga cararo....soo saas maaha ciyaal "Fish & Chips" iyo ciyaal "Americanized"? :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
JJ_MAHAD   

Inta aan anaga iska filnaan karno waxbarashadeena cidii dugsi ama goobkale oo waxbarasha furta waa in lagu dhiiri geliyaa.

 

Waa fududahay inaad dhadid maxaa sabuuradaas soomaali looggu qori waayey, is weydii marka hore meesha yaa furay ama ilaa hadda kaalmeeya.

 

Dadka waxbarashada dhulkaan burburay keenay in la faaniyo ay mudanyihiin. Shiineesna wax haku qoraan hadee rabaan.

 

Wax ujeedo la aan la is siiyo majirto maalmahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
JJ_MAHAD   

Horta labo arimood kala saara.

 

Afsoomaaliga in asagu uu noqdo afka waxbarashada heerarka kaladuwan, iyo tankale oo ah in af ahaan loo ilaaliya jiritaankiisa.

 

Waxbarashadu lacag la'aan ma ahan, makaad weliba u fiisatadid gayigeena.

 

Dalka dhaqaalihiisa waa la socotaan, dugsi isbixikara malahan in uu urur dibada ka dhisan uu ku tiirsanyahay ma ahee.

 

Kaalmada dugsiyada iyo goobaha kalle ee waxbarashaba waxaa hoos socda dan kale oo aad fulisid toos ama dadbanba.

 

Fadhi kudirirka inta naga deysiin, soomaali wey kumaahmaahadd ceyri ceymo ma diido.

 

Dadka xoogaaga waxbarashada halagu tixgiliyo shiineesna ha ku dhigee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this