Sign in to follow this  
Umm al_khair

Xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa

Recommended Posts

Bismillaah wa salaatu wa salaamu calaa Nabiyinaa Muxamad wa calaa Aalihi wa saxbihi wa salam intaa ka dib.

 

Alle Xaqa uu inagu leeyahay waa inaan Caabudno oo aynaan cidna la wadaajin Cibaadadiisa, kan Alle ugu cabsi badan baa ugu karaamo badan Adoomada Alle.

 

Intaa ka dib adoomada xuquuq bay isku leeyihiin, Alle xaq buu nagu leeyahay,Zawjka xaq buu kugu leeyahay,ilmaha xaq bay kugu leeyihiin,dariska xaq buu kugu leeyahay,naftaada xaq bay kugu leedahay "fa'acdii kula dii xaqin xaqouh",mid walba oo xaq kugu leh sii xaqiisa.

 

Hadaan ka bilowno Xaqa uu ninka ku leeyahay Xaaskiisa waa:

 

1-Adeecid ay ku adeecdo wax walba oo macruuf ah 100%"daacatu zawj bil macruuf".

2-Inaysan gurigiisa soo galin qof uusan raali ka ahayn, firaashkiisa inuusan ku fariisan cid uusan raali ka ahayn.

3-Inaysan dhibin,oysan aff iyo addin dhib ugu gaysan "an laa tusii'a ilayh walaa tu'diih",xumaan oo dhan inaysan u gaysan.

4-Inay ku shukriso zawjkeeda oo aysan ku kufrin "an tashkura zawjahaa walaa takfuruh".

5-Inaysan ka bixin guriga ilaa uu fasaxo ninkeeda ma ahane xataa masaajidka haday aadayso waa inay ka fasax qaadato.

6-Inay isku qurxiso oo ay isku ziinayso dhan labis iyo dhan nadaafad intaba, oo ay u qososho mar walba oo ay waji fur-furan kula kulanto iyo farxad

7-Inay u khidmeyso oo ay uga adeegto gurigiisa iyo caruurtiisa.

8-Inay Maalkiisa u ilaaliso aysan bixin maalkiisa ayadoon ka amar qaadan,oo aysan ka dayicin israaf ku samayn.

9-Inay ku raali noqoto inta yar oo uu Ilaahay zawjkeeda siiyay, inta la hayona ku qanacdo oo aysan ku kalifin ninkeeda waxii nafaqo ahaa oo uusan awoodin.

10-Inay caruurtiisa tarbiyeyso,oo ay si fiican u koriso jir ahaan iyo maskaxiyan intaba,kheyrka iyo wanaaga kula dadaasho"wa hiya mas'uulatun canhum".

11-Sirtiisa inay xifdiso ooy qariso oo aysan sirtiisa bixin, waxa ugu wayn sirtiisa waa arimaha sariirta ku saabsan iyo waxa dhex mara labadooda waa Xaraam inay bixiso sirtaas.

12-Waa inaysan soomin soon sunno ah ayadoo uu ninkeedii joogo ilaa uu u idmo ma ahane.

13-Waa inay wanaajisaa la dhaqanka labadiisa waalid iyo qaraabadiisa dhan, si wanaagsan waa inay ula dhaqantaa.

14-Waa inay gabadha noqotaa mid la dadaasha ninkeeda oo ku dadaasha noloshaa wanaagsan oo uu Alle dhex dhigay inay noqoto mid daa'inta oo jirta,marnaba "furiin" ku fakarin ooysan waligeed waydiisan furiin,marnaba khuluc waydiisan ilaa ay diinteeda u baqdo mooyaane.

15-In hadii ninkeda Alle oofsado oo uu geeriyoodo waa inay 4 bilood iyo 10 habeen u samayso"asay", waxaa laga rabaa mudadaas xumaantii uu u diidi jiray markuu noolaa inay sideedii hore uga fogaato, dadkii uu jeclaa ay u sammo fasho oo ay siduu u xariirin jiray ay u xariiriso

 

Intaa waa xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa.

 

Waxaan jeclaystay inaan ku ziyaadiyo waano aan ku waaninayo gabadhaha.

 

Walaalahayga aan jeclahayow Xaqqa zawja"ninka ku qaba" waa Cadiim"mid wayn"ma ahan in la sahlado,dariiqa aad janno ku galayso walaashayay waa raali galinta zawjkaaga,maxaa yeelay marka aad zawjkaaga u baari fasho ood adeecdo Allaah ayuu ku xamdin oo waxuu ku dadaali siduu kuu wanaajin lahaa adiga.

 

Waa inaad ka farxiso zawjkaaga mar walba,guri nadiif ah iyo adigoo qurux iyo nadaafad leh uu ku arkaa mar walba,ee aysan noqon gabadhii sidii carabta ku maah-maahi jirtay"qirdun fil-bayt......wa ghazaalun fi-shaaric",markay guriga joogtana ay daayeer u ekaato,markay dariiqa socotana ay deero u ekaato,waa inay markay gurigeeda joogto sida ugu qurux badan u labisataa.

 

Waa inay gabadha kula dhaqantaa ninkeeda jeclaan iyo naxariis oo ay dhowrto shucuurtiisa oo ay mar walba ka war hayso siduu dareemayo zawjkeeda,oo ay mar walba waraysato hadii dhib ka soo gaaray shaqada ama banaanka, oysan marnaba hadal uu ka naxo ku dhihin ,hadii khilaaf dhex marona waa inaysan banaanka u saarin arintooda oo ay ayaga dhamaystaan.

 

Maadaama Rabigeen wax aynaan awoodin uusan dusha naga saarin, ma ahan in dadka dusha iska saaraan wax uusan qofka kale awoodin, sidaa darteed zawjkaaga wax uusan awoodin ha ku dhibin dhan walba.

 

Ugu danbeyntii waa inay gabadha ku dadaasho xuquuqdaas oo idil oo aysan ka gaabin ayna ka soo baxdo xuquuqdaas hadii ay doonayso Janno lagu waarayo iyo barwaaqo aan dhamaanayn, sida ay u gudan karto xuquuqdaas na waa inay la timaado marka ugu horeysa inay Allaah adeecdo ooy raali galiso Rabigeed ka dibna zawjkeeda raali galiso ayadoo raali-galinta zawjkeeda ku raadinaysa raali-ahaanshaha Ilaahay.

 

Alle ayaan ka baryaynaa inuu gabdhaha Islaamka ka dhigo saalixaat........aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

waad ku mahad santahay, qoraalkaaga ukhti.. hadda ma noo soo diri kartaa xuuqda ay naagtu ku leedahay ninkeeda..

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

Yaa Ukhti abaayo macaan dumarka badankood waa ogyihiin xaqa uu ninkooda ku lee yahay ee ayaga ayaa iska indho tira oo u arka jaahilnimo ama gumeysi hadii ay racaan ama ay raaliyo u noqdaan ragooda...

 

Laakiinse raga soomaliyeed ma oga xaqa ay xaaskooda ku lee dahay.. sidaas darteed maadaama aad mowduucaan soo saartay.. bal ragana u sheeg xaqa lagu lee yahay...

 

Waa mahadsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Kaalay hadii diinta xitaa la idiinkaga sheekeeyey, ma nimanka somalida baa wili faraha ku fiiqeysaan?....

 

Aloo yaa idin sabaaxadeeya oo teesto idinkagala daala!!!

 

Wareer Badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

^^^ Kaalay hee i sabaaxadee... afoo gamboowgii kuu tuuro hadii magacaada xitaa hilmaami weyso.. Hibo ma lee dhoho.... Idinka oo kale anaa idin kasaa... hadal ma anfacaayoo....badar ahaan niila tumo maahinee si kale ma soconeyso....soo bax hee... icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

waalal waa ruun raga somalyea , kuwa deenta racsan muyanea kuwa kalea oo dhan ma aqanan haaq qa ay gabadodu kuu leadahay. waxay gara nayan uun inay the head of the the house yihin marakana they starts to abuse that possition.

 

walal inshalah laakin when i get the time i will post the rights of the wife.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this