Sign in to follow this  
Nephissa

Gaarida Gaarida Haween

Recommended Posts

Nephissa   

SCWW

 

Waxan radinaya lyrics ka the classic Gaarida Gaarida Haween song. Waa hees aad u qurxoon isla markaana murti & xikmadi ka dambayso. Qofkii yaqaana minfadlak haygu caawiyo ereyada heestaas qiimaha leh. Mahadsanid all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Jacaylbaro mahadsanid walaal.

 

Waxaa qaada Ahmed Naji. Heesta waan haystaa, laakiinse iyada oo qoran baan u baahanahay. Hadalada si wanaagsan uma fahmaayo markaan dhageesanayo, inaan akhriyo baan rabay. Si aan u barto ama u xifdiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

bishaaro, lyricskii heesta aad raadinaysay waa tan ee GAARIDA GAARIDA HAWEEN, heesta waaba fasseexba hadaad adi xataa isku dayyi laheed qoritaanka heestan waad sameeyn kartey saan filayo, waa hees murti iyo xikmad miiran saad sheegtay,

 

GAARIDA GAARIDA HAWEEN

 

GAARIDA GAARIDA HAWEEN

GAARIDA GAARIDA HAWEEN

GEED BAA LOO FADHIISAN JIREY

INTA LOO GOGOL DHIGTAA

BARBAARTII LA QAADAN JIREY

GUURKII SIDII GEED MADHAREY

GAYAANKII MIYUU GABLAMAY

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

ALA GAYAANKII MIYUU GABLAMAY

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

ALA GAYAANKII MIYUU GABLAMAY

 

GABDHIHII WAXEY LEEYIHIIN

ALLA GABDHIHII WAXEY LEEYIHIIN

RAGGII GODODLEEY NOQDEEN

ALLA RAGGII GODODLEEY NOQDEEN

IYAGAA GOOBTA XUN NA DHIGEY

IYAGAA GOOBTA XUN NA DHIGEY

GALABTII WALBA WAA AROOS

GALBISNA UMA BAAHANEE

GABLEEY SHIINBIR BEY TUNTAAN

GUURKII SIDII GEED MADHAREY

GAYAANKII MIYUU GABLAMEY

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

ALA GAYAANKII MIYUU GABLAMAY

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

ALA GAYAANKII MIYUU GABLAMAY

 

GABDHIHII WAXEY LEEYIHIIN

ALLA GABDHII WAXEY LEEYIHIIN

GINI LACAG BAAN RABNA

ALLA GINII LACAG BAAN RABNAA

GACMAHA KAAN SURI LAHEYN

LUQUNTA KAAN GASHAN LAHEYN

ALA GACMAHA KAAN SURI LAHEYN

LUQUNTA KAAN GASHAN LAHEYN

GUNTIINA XARIIR IYO

GARBASAAR AAN LA IIBSAN KARIN

ALLA GUNTIINO XARIIRA IYOO

GARBASAAR AAN LA IIBSAN KARIN

GOGOL AAN WALIGEED LA ARAG

DHULKII AY KU GOGOLSADEEN

SIDAASAA GURIGII KU DHACEY

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

SIDAASAA GURIGII KU BA'AY

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

SIDAASAA GURIGII KU BA'AY

 

RAGGII GOCASHEY QABAAN

ALLA RAGGII GOCASHEY QABAAN

GABDHIHII WEY CABANAYAAN

ALLA GABDHIHI WEY CABANAYAAN

IYAMAA GODOBTAA ISKA LEH

GODKAASU XAGGEE BUU KA YIMID

DADWEYNOOW GARTOODA NAQA

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

ALA DADWEYNOOW GARTOODA NAQA

 

HEEY YAA HEEY HEEY HEEY YAA

ALA DADWEYNOOW GARTOODA NAQA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Alla waa taan raadinayay, Nuune mahadsanid walaal. Afkaada juice lagu qabay :D

 

Jacaylbaro adna sidoo kale bro. Garaasiye mille ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this