Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Qaababka Guurska Soomaaliyeed

Recommended Posts

Salaan...

 

Hada kahor aan aqriye qoraalkaan aan soo guurin doono oo aan ka aqriye magasiin ama joornaal la dhaho Haboon {ku magac fiicanaa} oo laga helo dhamaan meelahee Soomaalida ku oofan tahay, laakiin laguna daabaco Miniyaanabolis.

 

Aqriso wacan.

________________

 

Taariikh ahan hab dhaqameedka guursiga gabdhaha Soomaaliyed waxa uu ahaa mid soo taxnaa intii Soomaaliya jirtay, waxaana uu u kala baxaa mid dhow iyo mid khaas ah. Guurka dhow waa kan xigtadu is guursato, kan dheerina waa kan labo qof oo abtiris ahaan kala fogi isguursadaan, waana kan Soomaalidu jeceshahay.

 

Nooc kasta ha noqdee, hab dhaqanka guurka dumarka Soomaaliyeed waxa uu soo maray qaabab iyo marxalado badan oo aad u kala duwan, kuwaas oo iskugu jira kuwan caam ah oo lagaga dhaqmo dhamaan geyiga Soomaaliyeed iyo kuwa ku eg meelo gaar ah. Waxaa tusaale ahaan usoo qaadan karnaa kugu ugu waa weyn, oo kala ah: Boojaal, labixida hablaha, dumaalida, bixinta hablaha, qoofaalka, hareenka, udub-qabsi, qudba-sireeda, IWM.

 

Boojaal: Waxaa uu ahaa qab dhaqameed guursi aad u qalafsanaa, kaas oo la kala dhici jiray gabdhaha iyo xoolaha ay la joogto, kadibna sidaas baa lagu guursan jiray, xurmo iyo xiddidnimo midna malahayn, waxayna keeni jirtay iska hor imaadyo dhiig ku daato. Taasi maanta waa mid dabar go'day dalka Soomaaliyeed.

 

Qafaalka Hablaha {dhabar garaac}: Waxa uu ahaa guursi aad u qalafsan oo gabdhaha xoog lagu muquunin jiray, taas oo go lagu ridan jiray ama faras fankiis lagu qaadi jiray, inkasto oo u dhac ahaa hadana gabdhaha sidaas lagu guursado, waa la is kula xiddi jiray. Nooca guurkani waa mid maanta ka sal guuray dalka Soomaaliyeed.

 

Heeranka Hablaha: Waxa uu ahaa qaab guursi hore oo hablaha Soomaaliyeed iyaga oo calaf doon ah inta ay reerkooda ka tagaan bay cido kale u tagaan. Inta badan hablahaas xil weyn baa la iska saari jiray, siiba duqayda reerkaas. Waxayna siin jireen raga fiican oo ay hubaan in ay gabdhaha si fiican u dhaqaan. Gabdhaha habkan lagu guursado si fiican baa loogu xiddidi jiray.

 

 

La Bixida Hablaha {La Roorka}: Waa qaab guursi caan ah oo illaa maanta ka jira dalka Soomaaliyeed, miyi iyo magaalaba, marka hore way isa shukaansadaan ka dibna way isla baxaan. Waxaana la isla tagaa meel masafo ah oo lagu meheriyo.

 

Dumaal: Waa hab dhaqan guursi ah oo muddo soo taxnaa illaa hadana si caam ahaana ugu jira dhulka Soomaaliyeed. Waxaa uu dhacaa markii naag nin leh uu ka dhinto, waxa naagtii dumaala marxuumka walaalihiis ama xigtadiis.

 

Qudba Sireed: Waa guur qarsoodi ah oo ee ay og yihiin labada is guursatay, wadaadka wax mehershay iyo markhaatiyaasha oo keliya. WAana waxa ay ku heshiiyeen labada is guursatay, taas oo laga yaabo in ka baqeen ragbasho dhaca sida xaasaska kale.

 

Udub Qabsi: Waa hab gabadhu inta ay nin dush ka jeclaato gasho ninka gurigooda, waxayna ay qabsataa udub-dhexaadka ama sariirtiisa, waxaan caado inta badan ah in halkaas gabadha lagu meheriyo ama xaal weyn la siiyo. Nooca guurkani illaa hada wuu jiraa. :D:D

 

Bixinta Hablaha: Waa hab dhaqan guur ee soo taxnaa muddo dheer, illaa maantana waa mid si caam ahaan ah ugu jira dalka Soomaaliyeed. Soomaalidu waxa ay gabdhaha isu siiyaan siyaabo faro badan, hadaan tusaale idiin siiyo waxaa kamid ah:

  • Doonis: Waa gabadha la bixiyo kadib markii labo beelood ay isu soo gole fariistaan, isna weydiistaan gabadhaas. Waxaa gabadhaas laga qaadan jiray gabanti, waxaana loo dhigi jiray dadab oo ayahd in gabadha iyo ninka la siiyey ay isku arkaan.
  • Godobtir: Si loo soo af jaro colaada labo beelood waxaa dhici jirtay in marka magta la bixinaayo la raacsiiyo gabar godobtir ah oo la siiyo wiilasha reerka dhibaatadu gaartay, halkaas oo midkood guursado. Waxaa bixiyo reerka eedaysanaha ah halkaas oo inta badan xiriir wanaagsani dhexmaro dhibahana iyo eedaysanaha.
  • Xigsiisan: Waa naagta oo dhimatay walaasheed oo la siiyo ninkii ay ka dhimatay haddii uu nin fiican yahay.
  • Ku Xamaynta: Waa hablaha oo la siiyo dadka Soomaalidu aad u qadariso madaxda hogaamo dhaqameedka ah, sida: ugaas, suldaan, culimada iyo qofkii uu waalidku damco, iwm.
  • Xurmada Xiddidka: Xurmada xiddidku waa waxa ugu muhiimsan oo qiimo iyo qaayo weyn ku leh dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta ee joogaan, belad iyo baadiye, dibeda iyo dalkaba. Dadka xiddidka ah waxa ugu weyn ee inta badan dhexmara waxa kamid ah dad, hanti iyo xiriir wacan.
__________________

 

Haboon, Agoosto 2004.

Share this post


Link to post
Share on other sites

posted by MMA

Udub Qabsi: Waa hab gabadhu inta ay nin dush ka jeclaato gasho ninka gurigooda, waxayna ay qabsataa udub-dhexaadka ama sariirtiisa, waxaan caado inta badan ah in halkaas gabadha lagu meheriyo ama xaal weyn la siiyo. Nooca guurkani illaa hada wuu jiraa.

Marka hore walee waa runtaa nooca guurkani illaa iyo hadu wuu socdaa isagoo la casriyeeyey, laakiin ilaahey baa ka magan galnay in uusan nagu keennin tan oo kale (aaamiin).

 

 

La Bixida Hablaha {La Roorka}: Waa qaab guursi caan ah oo illaa maanta ka jira dalka Soomaaliyeed, miyi iyo magaalaba, marka hore way isa shukaansadaan ka dibna way isla baxaan. Waxaana la isla tagaa meel masafo ah oo lagu meheriyo.

LoooL allah habkaan baan aad iyo aad u jecleystay, waa hab aad u muhiim ah oo ku saleysan in la isla "rooro" markii lais af garto, waa habkii aabahey hooyadiis saas baa lagu guursaday, aniga hooyadey saas baa lagu guursaday, ilmaheyga hooyadooodna saas baan ku guursaday :D sinji waa maguuraan baa horey loo yiri

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Checkmate ,,, malaa caadi matihid ,,,,,, isla roorka baadba jeceshahayba :D:D:D

 

Ilaahayow yaanaan gabar la roorin ,,,,,, Acuudubillah ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro u rather inaad been ku aqriso than inaad la cararto huh :confused: :DWax jeceyl la moodaa inaad jilibka u dhigto ku jilaaftay iyaduye. UNLD is working for u huh :confused: :D Gacan baan kuu taagay J'baro.

 

 

Go figure:...............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa dhacaya hadii aan beenna la isu sheegin ,,, isla markaana aan la isla baxsan ee si caadi ah oo sharafi ku jirto arrinka loo dhamaysto ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa runtaayoo dad baan jacaylka iyo xiisaha kala aqoonin oo qofkii afka u kala qaadaba yiraahda waan jecelahay :D:D

 

Markaa ama ha lala baxsado ama been ha loo sheego ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Balse madaama aad tahay "Macalinka Jaceylka" adiga arimhaada ma dhibbadna waxaad isticmaaleysaa one of ur techniques of love markaa baad aragtaa iyadii oo isku dhex yaacda oo hadba ku tiraahda macaan xabiidi :D

 

Ha isoo marin UNDL da baaba dhabkaa ah baan mooday :D

 

 

Go figure:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaalo maaha sidaas,,, runtaa fiicane walaahi weligay cidna been uma sheegin techniques ka aad sheegaysana waaban ka dhego la'ahay ,,,,, anigaa mar mar isla yaaba oo is dhaha Badow fooqal Badow baad tahay ,,,,,,

 

dadkase waxay ii maleeyaan nin balaayo ka dhacday oo adduunka isku soo rogay :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

so maxaad leedahay ma'ihi Macalinka Jaceylka :confused: Hmmmmmmmm I find that hard to belive :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

waan ahay macalinka jacaylka laakiin ka runta ah baan ahay,,,,, yacnii ka beenbeenta ah wuu iga dheeryahay iyo qiyaamadu ay ku jirto . . .

 

daacad ilaahay hortiii . . . . ..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this