Sign in to follow this  
checkmate

Qurbaha Jabka uu leeyahay!

Recommended Posts

I wanna take some time, aan idinkaga sheekeeyo "jababka badan oo iga qabsaday qurbaha markaan imi", wallee waa dhibaato marka adigoo nin weyn ah lagu yiraahdo "waa tan CANADA iska dhici"....

 

sheeko #1

Wadanka CANADA oo dhanba waxaan aan joogaa 8bilood/months, ayaan shaqo helay orieantation ka ayaan maray waxay i waydiiyeen "in aan u keeno VOID" cheque/checks, waxaan u geeyey isagoo waxba ay ku qorneyn, wuu igu soo celiyey wuxuu yiri"VOID ku dul qor" wuxuu uu ka wado waleey iga tahay in aanan warba u heynin, ka soco...

 

Shaqadii aan bilaabay 2isbuuc ayaa ii dhamaatay, waxaa shaqada la iga soo siiyey "pay stab" keygii ugu horeeyey, oo aan u qaatay "pay cheque", mid aan saaxiib nahay ayaan weydiiyey wuxuu igu yiri ATM ka tag oo deposit ku samee, anoon aqrin, inkastoo wax fahanka uu igu yaraa, ayaan "pay stab"kii la orday oo aan deposit ku sameeyey ATMka, labo casho ka dib anigoo guriga iska jooga, ayaa walaashey waxay tiri"waxaan aadayaa grocery shopping", markaas ayaa anoo is xarfaaninaaya soo boodoo waxaan iri"abaayo hoo bank card keyga oo ku soo samee grocery shopping", markay soo noqotay ayay waxay igu tiri"war card kaaga ma shaqeey naayo, ee naga qabso", dhagba maanan waxaan is iri "iyadaa wax isku qalqaladay".

 

Maalintaa milintii ku xigtay ayaan is iri ATM ka $20 kala soo bax, markaan cardkii machineka galiyey ayaa waxaa isoo qormatay"visit your local brunch",yaab iyo istacajib anoo ku jira ayaan bangigii aaday,markaan tusay naagtii tellerka aheyd my card ee ay jeegareysey, ayey waxay igu tiri"halkaas fadhiiso waa laguu imanayaa"waxay iila hadashay si aad iyo aad u fool xun, anigoo naxsan ayaan fadhiistay, nin baa ii yimid xafiiskiisa ayuu i gishatay, markaas ayuu wuxuu igu yiri "fraud" ayaa sameyneysaa soo ma aha, ilaa iyo iminka walee iga tahay in aanan warba u heynin dadkaan waxa ay ka hadlaayaan.

 

Anigoo meel aan talo u qaado laheyn, ayuu wuxuu igu yiri "cheque miyaa deposit ku sameeysay", markaas ayaan waxaan iri" haa, shaqada midkeeygii ugu horeeyey buu ahaa", markaas markuu ninkii arkay sidaa aan daacada u ahey, ayuu intuu qoslay igu yiri "ma ogtahay in shaqadaadu ay chequeka kuugu soo rido accounta, waxaa la yiraahdaa direct deposit " wuxuu kale uu i waydiiyey in aan aqriyey pay stabka waxa ku qoran, markaasuu i tusay cheque geygii uu igu yiri, hada adoon waxba ogeyn oo aan aduunba la socon, ayaan dooneyney in aan policeka kuu dhiibo.

 

markaas ayuu wax kasta ii sharaxay, nin aad iyo aad u wanaagsan buu ahaan, Nick ayaa la oran jirey..

 

Ps: qosla hadaad rabtaan, laakiin si xaasidnima ah yaan la iigu qoslin fadlan.....kuwa kale oo badana waa soo wadaa

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pacifist   

Checkmate Walaal what can i say kixxxxxxxxxxxxxxxxkixxxxxxxxxxxkixxxxxxxxxxx :D:D:D

 

Oky brother enough of my laughter but seriously these problems are issues that people meet with when they are new to americo and Kanadah marka its oky we all learned.

 

P.S brother check your credit report each year because people do identity theft and fraud all the time ;)

 

your story was funny though

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu waxaan garanayaa dad family ga ka tirsan oo Amerca aaday muddo hadda dhow bilood laga joogo ayaan waxa ay la fahimi waayeen noloshii iyo sida ay wax u socdaaan,,,,,,,

 

Sheekada ugu qosolka badani waxa ay dhacday markii ay diyaaradda la socdeen oo ay New York ku sii jeedeen ayaa mid ka mid ah waxa qabatay xaraarad oo sigaar inuu cabo buu rabay,,, markii uu la soo baxay baa shaqaalihii flight ku u sheegeen inuu mamnuuc yahay oo aan la ogolayn ,,, haddana wuu is iloobay misana sidii oo kele baa loo sheegay.

 

ugu dambayntii aad buu ugu baahday sigaar,,, laakiin markii uu la soo baxay baa inta mid ka mid ah gabdhihii diyaaradda u timid ay u sheegtay inaan loo ogolayn in diyaarada lagu dhex cabbo wax sigaar ah,,,, isaga oo aan is ogayn buu inta qayliyay gabartii ku yiri "Dee naga dhaaf hadaba ,, bannaankaan u baxayaa oo aan ku soo cabbayaa " :D:D:D

 

hadda diyaaraduu waabay duulaysaa :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheeko #2

 

Markaan waxaa wadanka Canada joogay 1year and 2months, school(adult school) ayaan dhigtaa, waxaan aad iyo aad iskugu taxaluujin jiray sida aan luqada af ingriiska "Fluent" ugu noqdo, macalimada waxay ay na bari jirtay sida ay erayada "singular iyo plural u noqdaan, sida 'ing' loo isticmaalo" iyo waxyaalo fara badan.

 

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaan soo gelay, galaaska iyadoo macalimada la sugaayo, bas kuwa indhoyar ah aa iskala fadhiistay, markaas ayeey waxay bilaabeen in luqada ay isku practice gareeyaan,anigu shib baan iska ahaa, oo waa uun iska dhageey sanaayey.

 

Markay dhagteyda kusoo dhacday erayga sushi, ileen dadkaan Cunto indhoyar ayeey ka hadlaayeen, anigoo war moog ah ayaan damcay in aan saxo, oo waxaan ku iri" "It can't be SUE-SHE, It has to be SUE-HER guys" Kolkaas ayeey intay is wada fiirsheen, igu wada qosleen, markay macalimadii timi ayeey warkii u sheegeen, markaas ayeey macalimadii qosal kala wareegtay meeshi, oo macalimiinta kale oo dhan ayaa isku key sheegay, markaan hallwayga lugeeynaayo ay wijigeeyga arkaan waa igu qosli jireen...

 

markaan hada soo xasuusto waxyaalahaan, waan iska qoslaa kaligeey..LooooL :D:D

 

 

Ps: qosla hadaad rabtaan, laakiin si xaasidnima ah yaan la iigu qoslin fadlan....

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Checkmate sxb Qofkasta waa uu soo maray Xaaladahan oo kale amaba kuwa ka duwan mana umaleynayo in laguugu Qoslidoono Qofkasta waa uu Qarsanayaa JABKIISA .....

 

 

Go figure:......

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

jaceylbaro looooooooooool, waa kii yiri oo kale diyaaradani miyeysan ameerika Durba tageyn waata un aan halkan iska fadhinee fadhi bey nagu dileen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Checkmate dear,

 

Waxaa la yidhi "Wadankiis Ninkii Katagee Wahelkiis Ka Dheeraadee Walwal Ma Huro Walbahaar______________." Marka Walaalkiis Ummad Waliba Dhibku Wey soo Madhaa. Waa iska Caadi dee..

 

 

Go figure:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

checkmate.........loooooooooooooooooooooooooool..

 

Waa ogatahy in aan aqaan kan aa ka hadleysid nooh..looooooooooooooooool

boolo koo jira waxaan dhan maray nooh..xasuuso..

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Hay Garab T noo sheeg nooh Jabkii kaa Qabsaday Qurbaha :D I'm SURE there is something that u have encountered when u first get here (In West)or wherever u came first :D:D :rolleyes: smile.gif

 

 

Go figure:.................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

checkmate sheeko # 3 waxaa ka dhigtaa, culture shock kaa qabsaday CAnAdA.. looooooooooooooooool..

 

sigaar buu rabaa in uu diyaarad ku cabo looooool.. atleast he didn't say, is not like i have a bomp in my pocket.. on a plane.... like movie ga meet the parents..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this