Sign in to follow this  
MUQAWAD

DHALLINYAROOY I DHAGEYSTA!

Recommended Posts

MUQAWAD   

Marka hore waad wada salaamantihiin dhammaantiin,

waxaan aad ula dhacay sida cajiibka ak oo aad wax isugu faaiideyneysaan oo aad wax u kala kororsaneysaan.

marka waxaan go'aansadey inaan idin xasuusiyo arin muhiim ah oo loo baahanyahay in shaqsi walba oo soomaaliyeed dunida meeshuu doonaba haka joogee xil weyn iska saaro.

waad wada ogtihiin dhammaantiin dhibaatada waddanka ka jirta iyo fool xumada ka socota taasoo ah mid na wada saameysay hadaan Soomaali nahay lab iyo dhedig yar iyo weynba.

marka dhallinyarooy waxaad xasuusnaataan oo aad mar walba niyada ku heysaan inaad tihiin rajada ugu wanaagsan ee uu waddanku leeyahay maanta maadaama aad tihiin ubixii dalka indhihii dadka hogaamiyeyaasha berri.

marka dhallinyaro anagu waqtigeynii soo qaadanay waana ka xumahay shaqsi ahaan inaan mustaqbalkiinii bur buriney aana idinka dhignay qaxooti ku firirsan adduunkoo idil.

marka waxaan talo ahaan idinkugu soo jeedin lahaa inaad wax barataan oo aad noqotaan dad shaqsi walba oo Soomaali ah uu ku faano.

la idinkaga sheekeyn maayo dhibaatada uu Qabiilku leeyahay marka dhallinyaro fadhiga ka kaca oo dadkiina iyo dalkiina iyo diintiinaba wax tara.

marnaba ha ka tegina dhaqankiina weligiina xasuusnaada inaad marka ugu horeeya aad tihiin dad SOOMAALIYEED!

waa iga talo taas dhallinyarooy waxaana filayaa inaad iga qaadan doontaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

muqawad saaxiibkiis mahadsanid talada wanaagsan waa la isku wada leeyahay waana arrin uu maanta dhallinyara kasta ogyahay oo dhallinyarada badankood mid kasta sida ay ila tahay waxa uu aaminsanyahay sida uu waddankiisa wax ugu qaban lahaa.

waxbarashada horta waa mida koobaad ooy dhallinyarada maanta jirta ay ogyihiin in ay waddankooda wax ugu taraan,illeen waxa aad soo baratay lama rabo in aad ku qasaarisso waddan shisheeya ah adoo waddan kaagi ku sugayo!!

 

saaxiib arrintan dhalinyarada kaliya ma dul saarna,dadka waaween laftirkooda waa larabaa in ay xil iska saasaraan,aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhimbil   

Muqawad,

 

Waad mahadsantahay adeer, wax walba oon qaban karno waad nagu ogtahay. Talo aad u wanaagsan weeye talodaada.

 

Waxaan kaa codsanaynaa, illaahay noo bari inuu wax kheer ah noo keeno wadankii.

 

Mahadsanid marlabaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Modesty   

Arrin fiican baad no soo jeedisey. Wadankeena inaan ilawno maaha!We have to stop talking more,and start doing more action in order to help our people, even helping in sending academic books to Somalia is a start, if you visit Somalia volunteer at the local schools...teach english, math, science, it really would make a difference. I also believe that the old people need to start giving the younger people the leadership roles,this is our time. I am very hopeful that Somalia will one day be a great place to live,inshallah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this