Sign in to follow this  
General Duke

The pen of Dr Umar Farjac

Recommended Posts

Better Education for Puntland by Presidential Candidate Prof. Farjac

Posted to the MOL August 15, 2008, 4:45 am

 

Problem: There are no public schools in Puntland. Public schools became private. Consequently, poor people could not afford sending their kids to schools.

 

Solution: free quality education for every Puntlander.

 

Education Highlights

 

 

This is an extract from our plan for Puntland. It is a summary of the major points of the chapter on education.

Education must be conducive to the job market.

 

The administration would boost and encourage trade school mainly on adults.

Trade skills can create jobs locally and the Gulf Council Countries could give us a quota of their imported skilled labor.

The intake bottleneck, post secondary education is problematic in Puntland, but we obtained solutions.

 

The trade school program might be an off load, but would not be enough. Soliciting general scholarship allocation and utilization of local universities is advisable. To this end we drew an appropriate plan based on available resources and demand on perpetual basis.

 

Apart from the central Education Board, the education boards shall be instituted as a support mechanism in all regions.

 

 

Major points of the educational plan.[/n]

 

It is in our plan to implement free education system for everybody. Create more competitive public schools, and employ the best teachers with higher remuneration.

Public schools will be funded through public revenue.

 

 

· In addition to the public revenue, we have secured promises from international donors for funding new schools. Therefore, it is our goal to have a public school in every town.

 

We divided the primary school into elementary and intermediate. For the intermediate level we devised the plan to add polytechnic schools attached to production factories. Since Puntland has land based large natural resources, with a long coast marine based natural resources, the curriculum will focus on the productions related to the primary sector of the economy. These types of schools are needed because there are so many families with no one abroad to send remittance for them. The students in most of the cases are the bread winners of their families. Polytechnic schools provide practical familiarization of the modes of production and basic techniques of production. These schools also inject and infuse our youth the love of manual labor. Anybody working in a factory's line of production will have full access of this technical education. The private small scale industries of Puntland will have well trained supply of labor force. Our policy has dual purposes. First to prepare the student for higher education, and second to prepare the students for work in the production line and the technical know how needed for technical higher education. An intermediate technical graduate can continue his high school in technical or scientific high school, or proceed to the traditional regular high school.

 

For graduates of high schools, we plan that every student will have access to a university, or technical and vocational colleges. Those with highest scores will have scholarships to foreign countries. We will seek and find scholarships and grants in USA, Canada, Latin America, all African countries, all European countries, all the republics of former Soviet Union, all Middle Eastern countries, all East Asian countries and Oceania.

 

Major foreign languages will be taught in high schools. The student will take at least one foreign language each year of his/her high school life.

 

Since Somalis have the tendency and special talent of learning foreign languages, we will institute linguistic faculties in Puntland universities.

 

We will modernize the education of Koranic education by building similar to the other types of education. The Koranic teachers will be certified and will have higher salaries than other type of education.

 

 

Education is the best weapon to combat against ignorance, disease and poverty. It is every child's Allah given right to receive the basic education of reading, writing and arithmetic. Nothing can be compared with education.

 

 

farjac@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horuumarinta Beeraha & Miyiga Puntland. Qalinkii Musharax Prof. Farjac

Posted to the MOL August 10, 2008, 8:41 pm

 

Horuumarinta Beeraha

 

Maqaalkani wuxuu si kooban u dulmarayaa wax qabadka Musharax Farjac, dhanka horuumarinta beeraha, miyiga iyo xabkaha.

 

Dad badan baa u riyaaqay maqaalkii "Biya la'aanta Puntland Xal Loo Hel". Hadaba hadii biya la helo maxaa lagu qabsan karaa? Maqaalkaani waa beeraleyda iyo reer miyigu sidii ay uga faaiidaysan karaan biyaha.

 

Hadii beeraleyda loo hela biyo ay ka haqa beelaan maxay ku samaysan karaan? Waxay ku waraabsan karaan beeraha iyagoo isticmaalaya dhowr nooc oo beera waraabinta ah. Midi waa rushaynta iyagoo isticmaalaya qasabado biyaha qaada, una isticmaalaya matoorada korontadooda laga dhaliyo quwadda qorraxda. Waxay abauurikaraan noocyada badan ee khayraadka beeraha, dhowr goor sannadkiiba.

 

Sidoo kale waxay isticmaali karaan nooca biya fatahaada. Iyadoo ay u samaynayaan kelliyo qaada biyaha una qaybiya beerta dhinacyadeeda. Sidoo kale waxay rabaan bay beeri karaan. Hadba noocaan waraabinta beeraha waxaa u shardi ah in dhulku badanaaba simanyahay ama in yar kala sarayo. Kuma fiicna dhulka janjeera.

 

Dhulka janjeera waxaa loo samayn karaa dhul googo'an oo sallaan ah (terrace farming), iyadoo biyaha lagaga soo bilaabayo dhanka sare. Ama waxaa loo isticmaalayaa nooca biya rushaynta.

 

Waxayna abuuri karaan khudaarta cagaaran oo nooc walba ah sida begelka, carmada, raasow, koostada, kabashaka, barbarooniga, basasha, reexaanta, kabsarta, kaamuunta, toonta, basbaaska iyo cagaarka la cuno.

 

Waxaan intaa sii dheer in ay ka dhinac abuuri karaan geedaha miraha dhala sida cambaha, babayga, canuuniga, cananaaska, liinta ugunjiga, dhanaanta, bambelmada, liin xaali, zeytuunka, canabka, mooska kala noocyada ah (moos sokorow, moos Somaliga, dameeriga, bakeeniga), xamarta-raqayga, qaraha (xab-xabka), kiiwiga, fragolaha (Ststrawberry), duflaha, tufaaxa, darayga, canjeelka, jicibta, hohobta, timir busirida, qoonaha, qumbaha iyo wixii la mid ah. Dhulka qaarkiis wuxuu ku fiican yahay in lagu abuuro dacarta, toombaakhda, Xaskusha, cawda, cawaagta, iyo wixii la mid ah.

 

Waxaanu diirada u qabanaynaa sidii loo tacbi lahaa loona badin lahaa dhulka lagu talaalo galeyda, haruurka, qamadida, heeda, sarreenka, digirta cagaaran, salbukada, lauska, sisinta, gabaldayaha, yaamka, moxogga, sinjibiisha, baradhada nooc walba, gocosada, yaanyada, bocor katiitowga, batiiqa, qorafuulka, qorfaha, jawsul hindiga, haylka, qajaarka, yaaqa, beydaanka,, murcoodka iyo khayraadka fara badan ee ka baxa dhulkeena.

 

Waxaase muhimad weyn maamulkayagu siinayaa sidii wadanku uga haqab beeli lahaa wax soo saarka beeraha uuna u noqon lahaa mid bedela cunnada dibadda laga keeno, ayna Puntland u gaari lahayd heer ay khayraadka beeraha u dhoofiso dibadda.

 

Waxaanu dhiiri gelinaynaa sidii lagu dhisi lahaa warshada yar-yar oo warshadaya kheyraadka beeraha. Si loo soo jiito maalgelinta gudaha iyo maalgelinta qurba joogta, waxaanu u fidineynaa canshuur dhaaf 10-15 sano ah, jidad isku xidha warshadaha iyo beeraha.

 

Waxaa maamulkayagu sahlayaa sidii loo taageri lahaa beeraleyda looguna fidin lahaa deeq iyo deyn beereed anagoo dhisayna bangiga beereha deynta siiya (Banco del credito agricolo/Agricultural credit bank).

 

Waxaa jira togag iyo waadiyo badan oo markuu roobku da'o biyohooda ku fataha badaha. Waxaa qorshaha noogu jira in togagaas loo samayo biya xireenno iyo dhul ballaaran ee lagu keydiyo biyaha. Aaga biyaxireenada waxaa laga samaynayaa mashaariic beereed lagu abuurayo bariiska iyo khayraad kale ee beeraha.

 

Waxaanu qorshaynay in miro badan oo ka baxa wadama kale, cimilad ahaanna ku haboon in ay ka baxaan Puntland iyo Somalia aanu soo gelino. Mirahaasi waa kuwa ka baxa wadamada aynu isla cimiladda nahay.

 

Maamulkayaga waxaa qorshaha ugu jira in la samayo warshado yaryar oo qaabilsan warshadaynta khayraadka beeraha. Warshadaha qaarna waxaa yeelanaya dawladda, qaarna shicibka, qaarna waxay noqonayaan isla wadaag shicib iyo dawlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horuumarinta Dhirta Miyiga.

 

Waxaanu mamnuuc ka dhigaynaa dhoofinta dhuxusha. Ha ahaato mid gobolla kale loo qaado iyo mid dibadda loo dhiifiyaba, sharci adagna waa laga soo saarayaa. Midda gudaha laga shito waxaa lagu bedelayaa shidaalo kale oo wax logu karsado iyadoo la isticmaalayo jikooyinka qorraxda iyo korontada qorraxda laga dhaliyo ku shaqaya. Hadaba inta aan dadku ka wada sinaan isticmaalidda jikooyinkaas, waxaa la shidan dhuxul, hase yeeshee iyadana waxaa la soo saarayaa sharciyo adag oo mamnuucaya in la gooyo dhir nool oo la shido. Waxaa keliya oo la fasaxayo waa gubidda dhirta dhimatay oo loo isticmaalayo adeegsiga gudaha.

Waxaa maamulkayagu ku dadaalayaa sidii loo abuuri lahaa dhir aad u farabadan annagoo samaynayna kaymo aan la geli Karin. Kaymahaas waxay gaar u noqonayaan ugaarta sida gumburiga-dameer farowga, cawsha, biciidka, deerada, sagaarada, goroyada, geriga, daayeerka iwm. Waxaanu abuuraynaa Wasaaradda Xannaanada dhirta iyo Horuumarinta Miyiga.

 

Waxaanu sharci adag ka soo saareynaa dadka ugaarta laaya, iyadoo loo taxaabayo xabsiga qofkii lagu helo dembi la xiriira laynta ugaarta.

 

Waxaanu manaahijta dugsiyada hoose/dhexe ku dareynaa barnaamij ah xannaanaynta Dabiicadda. Waxaanu ku dareynaa barnaamijyada idaacadaha iyo televisionada barnaamij lagu boorinayo dadweynaha Puntland sidii ay ku abuuri lahaayeen dhir fara badan miyi iyo magaalaba. Waxaa la gaarayaa heer ay guri walba ku hareeraysan yihiin dhir aad u farabadan.

 

Waxaa reer miyiga la barayaa sidii dhulka loogu talaali lahaa dhir farabadan oo manaafac badan u leh xoolaha sida beeridda lablabka, alfa-alfaha, yicibta, quraca, qandalka, hambaruurka, gobka, gomoshaha, qansaxa, sarmaanta, jeerinka, dharkaynta, mareerka, dhafaruurta, mayrada, qalowga, xamurka, gumarta, cadayga, iyo dhirta noocyada badan ee xaabka iyo xayga leh, iyo kuwa qobcada dhala.

 

Dhirtaas iyo kuwa kale oo manaafacaad u leh xoolaha ayaa sida loo beero iyo sida loo waraabiyo la barayaa reer miyiga. Hadii aanu dhirta manaafacaadka leh laba ka soo qaadno sida alfa-alfaha iyo lablabka.

 

Alfa-alfuhu waa cagaar aad ugu ballarta dhulka oo nafaqa badan u leh xoolaha. http://www.uwex.edu/ces/crops/uwforage/alfalfa.htm, http://www.alfalfa.info/ http://www.soilandhealth.org/01aglibrary/010102/01010212.html

 

Lablabku ma aha mid ka baxa wadankeena hase yeeshee waa geed cagaar badan oo u roon dhulka iyo xoolaha. Dhulka oo dhan wuxuu ka dhigaa cagaar il-qabad fiican leh, aadna ugu wanaagsan dhulkeena, wuxuuna dhulka ka celiyaa qorraxda xoogeeda si aanay u wax yeelayn bacraminta dhulka. Wuxuu kaloo dulka u duxiyaa bacramin sida lauska (Arachide). http://www.tropicalforages.info/key/Forages/Media/Html/Lablab_purpureus.htm http://www.seedland.com/mm5/merchant.mvc?Screen=CTGY&Store_Code=Seedland&Category_Code=WG-LAB http://www.wildlifeseeds.com/info/lablab.html http://www.mobot.org/gardeninghelp/PlantFinder/Plant.asp?code=A114

Lablabku wuxuu kordhiyaa xoolaha miisaankooda iyo caanohooda, durbadiiba xooluhu way ku naaxaan. Waxaa geedkaan lagu talaalay oo aad loogu badiyey wadamada aynu jaarka nahay sida Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda, Tanzania, iyo wadama kale sida Egypt, Nigeria iyoTurkey. Sidoo kale waxaynu ku abuuri karnaa yicibta oo aad ugu fiican xoolaha.

 

Waxaanu isku hawlnay sidii aanu u heli lahayn shirkadaha ugu fiican ee soo saara xirfadaha lagu hodmiyo dadweynahooda, gaar ahaan kuwa ku xeel dheeraaday horuumarinta wadamada soo kobcaya. Waxaanu xiriir wanaagsan la soo yeelanay afar shirkadood oo qaabilsan cilmi baaridda iyo abuuridda dhirta miraha ganacsiga dhasha iyo dib u hagaajinta dhulka xaalufa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beeyada, Maydiga iyo Xabkaha Kale- Gums and Rasins

 

 

Waxaa maamulkayagu horuumar ku samaynayaa sidii loo beeri lahaa cawda, beeyada (olibanum) geedaha xabkaha sida mal-malka (myrrx), qaroonta, xagarka, muqlaha, dharkeynta, hadiga ee wadankeenu ku can baxay waagii faraaciinta, oo la inoogu bixiyey Puntland (Dhulkii Ilaah-Land of God), ama dhulka uduga ee boqortooyadii shanaad ee Shiinaha. Waxaa kaloo ka mid ah horuumarinta dhirta dhacaankeedu yahay dawada dadku isku da' yarayaan sida dacarta (aloe), hadiga (opoponax), diisiga oo si dabiici ah noogu baxa. Qiimihii ay waagii hore lahaayeen waa sara kacay haddeer, waxayna khayraadkaasi soo gelinayaan lacag adag wadanka.

 

 

Walowba aanu soo bandhigeyno maqaal u gaar ah horuumarinta xabkaha iyo dhirta udugga ee Puntland, waxaan halkaan ku xuseynaa in aanu wadanka si toos ah ugu soo xirayno shirkadaha isticmaala iyadoo aanu dhexda ka saareyno dhex yaalka sicirka hoose kaga gada dadkeena, qaaligana uga iibiya shirkadaha isticmaala. Waxaa wada hadallo noo socdaan afar shirkadood oo Mareykanka ah, laba shirkadood oo Spanish ah, hal shirkad oo Shiina ah oo si toos ah u isticmaala beeyada iyo maydiga. Waxaanu ka dhalinaynaa xiriir toos ah iyadoo aanu ku casumayno wadanka shirkadahaas si ay u doortaan noocyada ay doonayaan ayna nooga caawiyaan beeridda iyo badinta dhirta xabkaha. Waxaanu ka furaynaa laba machad oo qaabilsan daraasadaha xabkaha Puntland iyo beeritaankooda.

 

 

Ilaahay dhul ballaaran oo wanaagsan buu inoogu deeqay. Puntland way ka badan tahay Somalida o dhan. Hadaba aynu Ilaah ku mahadino oo aynu iska deyno colaadda, aynuna ka gaashamano dawladaha isku diraya Somalida ujeedadooduna tahay in aan Somaliya meel gaarin. Aynu Ilaah barino in uu naga qabto dadka dhibaatada ka shaqaynaya ee shishayuhu ku aqdaamanayo. Ogaada shishayaha idinku shaqaysanayaa ogaa in aad doqomo tihiin mar haduu dadkiinii soo laaya idin yiri, idinkuna aad ka yeesheen. Xuma doonow, Somali kala dilow Ilaahay naga kaa qabey. Aamiin Ilahow Qaadir.

 

W.Q. Prof. Cumar Farjac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saaxiib Duke, ninkaan wuu naga waalayaa...I think he should be alittle more pragmatic and concentrate on the most pressing needs of the people which is SAFETY.

 

General Duke, you of all people should know that once the people's live and properties are secured, only then can we concentrate on education,agriculture and the like.

 

Personaly, I think the professor would make a very good education minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You have a valid point security is essential and insha Allah it will improve. However we also need more ideas and to think oustide the box that we have kept ourselves in.

 

We need more of this than the usual political nonsence.

 

He should writte about security as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this