Sign in to follow this  
Gabbal

News from Galgaduud region.

Recommended Posts

Gabbal   

Kulan Looga hadlayay ka hortaga Cudurka Dilaaga ah ee HIV/ADS oo Maanta ka dhacay Xarunta Empoleyment Center ee Magaalada Caabudwaaq

 

Caabudwaaq, Somalia - Kulankaan Maanta ka dhacay Xarunta Empoleyment Center ee Degmada Caabdudwaaq ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka dhalinyarada Caabudwaaq SYO. Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay dhibaatada uu Cudarkaan u geyari Dhalinyarada iyo Siyaabaha lagu kala qaado sida Sakiimaha, Irbadaha, Galmada aan Sharciga ahayn IWM.

 

Kulakaan Maanta looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa Cudurkaan aafeeyay dhalinyaro badan oo ku kala nool dunida dacaladeeda oo idil ayaa waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro fara baan oo ku nool magaaladan Caabudwaaq, ku waasoo ka Faa’iidaystay Casharo ay halkaas kasoo jeediyeen Ururka Dhalinyarada oo soo qaban Qaabiyay Kulankaan Maanta lagu qabtay Xarunta Empoleyment Center.

 

Kulankaan oo uu shir Gudoominayay Maxa’ed Max’ud Naasir oo ah Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada ayaa waxaa uu halkaas ka jeediyay Qudbad dheer oo uu uga hadlayay dhibaatada Cudurkaan uu ku hayo dunida & in ay wanaagsan tahay in aan ka dhawrsano waxyaabaha lagu kala qaado sida Galmada aan sharciga ahayn & in loo baahan yahay in la iska hubiyo Caafimaadka lamaanaha aan lawadaagayno nolosha.

 

Sidoo kale, Kulankaan Maanta waxaa ka hadlay Faadumo Cabdi oo ah xubin ka mid ah Ururka Dhalinyarada waxaana ay halkaa ka sheegtay in degaankaan Caabudwaaq uu daris layahay dawlada Itoobiyaha oo ka mid ah wadamada uu Cudurkaan sida weyn u waxyeeleeyay marka waxaa ay Faadumo halkaas ka cadeeydsay baahida loo qabo in la sameeyo dhawrsanaan siyaado ah Maadaama aan daris la nahay dad aad u qaba Cudurkaan, xili walbana ay Gawarida ay u kala gooshaan Deegaankaan & dhulka Itoobiya.

 

Ugu danbeeyntiina waxaa soo gaba gaboobay kulankii maanta oo ay dhalinyaro badan ay ka faa’iideeysteen siyaabaha lagu kala qaado Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo aysan hure u aqoon midaasoo la dhihi karo kulankan ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Caabudwaq SYO waxaa uu ku dhamaday Guul.

 

maxamed%20maxamud%20naasir.JPG

empoleyment.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xafladii furitaanka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Ibraahim Cigaal Giir oo Galabta ka dhacday

Degmada Caabudwaaq, Somalia

 

Caabudwaaq, Somalia - Dugsiga Hoose/dhexe ee Ibraahim Cigaal Giir ayaa waxaa galabta lagu dhigay Xafladiisii Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2007/2008. Xafladaas oo ahayd mid si weeyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Dadweeyne aad u fara badan & Ardadii Dugsiga Ibraahim Cigaal Giir. Sidoo kale, xafladaan lagu maamuusay Furistaanka Hoose/Dhexe Ibraahim Cigaal Giir waxaa ka soo qayb Galay Qaybaha kala gadisan ee Arimaha Bulshada, sida Uruka Dhalinyarada, Ururka Haweenka, Aqoonyahanada, iyo kan Maamulka Degmada.

 

Ugu horeeyntii waxaa Furay Xaflada Furitaanka Dugsiga Maamulaha Dugsigaas Enj- Cukur oo ka hadlay baahida waxbarashada & sida loogu baahan yahay in la tayeeyo waxbarashada deegaanka. Sidoo kale En -Cukur waxaa uu sheegay in dhawaan la furi doono Dugsi sare kaasoo ay is ka kashanayaan Ururka HIRDA & Urur ka dhasin wadanka Maraykanka oo layiraahdo SDF.

 

Sidoo kale, xafladii Maanta waxaa si weeyn uga hadlay Ururka Dhalinyarada Caabudwaaq ee SYO waxaana Qudbadbad aad u dheer oo dhinacyo badan ka tabanaysa waxbarashada ka jeediyay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Max’ed Max’ud Naasir, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii maanta in ay tahay lagama maarmaan in lahelo Dugsi sare oo tayo leh, sidoo kale mudane Maxamed waxaa uu ku dheeraaday baahida waxbarashada isagaoo halkaana kasoo jeediyay fikrado muhiim u ah sidii lagu taaba galin lahaa waxbarashada deegaankaan Caabudwaaq.

 

Ugu danbeeyntii waxaa halkaas lagu siiyay abaal marino ardadii ku guulaysatay sanad Dugsiyeedii lasoo dhaafay ee 2006/2007 Kaalimaha 1-aad, 2-aad & 3-aad kuwaasoo isugu jiray jiray lacag & Shoopino kale.

 

xaflad%20scg4.JPG

xaflad%20scg3.JPG

xaflad%20scg.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xulka Kubada Cagta Degmada Balamballe oo galabta 1-0 ugu awood sheegtay xulka kubada cagta Degmada Caabudwaaq oo ahaa xulka ugu awooda badan gobolka Gal-gaduud

 

Caabudwaaq, Somalia - Galabta waxaa garoonka weyn ee degmada Caabudwaaq ka dhacay ciyaar aad u xiisa badan oo u dhaxeeysay labada degmo ee Caabudwaaq iyo Balamballe, ciyaar taasoo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo kala taageerayay labada Kooxood.

 

Ciyaartii galabta waxaa ay ku bilaabatay jawi dagan labada kooxoodna waxaa ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan. Sidoo kale, dadweeynihii daawanayay waxaa ayagana la maqlayay qaylo dhaan ay ku taageerayaan kooxda ay taageersan yihiin ayagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku dhiiri galinayaan ciyartoy-dooda.

 

Qaybtii Labaad ee ciyaarta markii la iskugu soo laabtay ayaa Weerar yahaynka Xulka kubada cagta Degmada Balambale ayaa waxaa uu kubadda uu isku qalday difaaca Caabudwaaq uu daba marshay Boortiyeeriga, halkaana waxaa uu ciyaartooygaas uu kooxdiisa u xaqiijiyay Goolkii guusha, ciyaartuna waxaa ay ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay 1—0 ay ku badiyeen dhalinyarada ku ciyaaraysay xulka kubada Balamballe.

 

Ciyaartii ugu danbeysay ee ay labada xul ee degmooyinka Caabudwaaq iyo Balamballe ay wada ciyaareen waxaa ay ku kala badiyeen 1—0 ay ku badiyeen xulka Caabudwaaq ayag oo ku ciyaaray isla garoonkaan Caabudwaaq.

 

Ciyaartii Galabta ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Cabudwaaq (SYO) Maxamed Maxamud Naasir, sidoo kale waxaa ciyaarta Goob-jooge ka ahaa Gudoomiyaha Cusub ee Sportiga dhawaan loo doortay Liibaan Daahir Juun. Waxaa kaloo maanta ciyaartan xiisaha badan kasoo qeyb galay madax ka soctay caafimaadka, ganacsatada iyo ururka haweenka.

 

 

Cabudwaq2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

No wonder why is called Galguduud. Cabduwaaq has one of the best football team in that region. They beat Dhuusamareeb, Balanbe and Baladwayne teams recently.

 

 

Beautiful Pictures indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dhubad, xaal bixi sxb, Balanbale beat Caabudwaaq which beat Dhuusamareb iyo Guri-Ceel iyo Beled-weyne iyo meelahaa kale. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Hornoow ma saasbaa sheekadu? Xaal qaado marka sxb. Adigu ma reer Balanbal ayaad tahay?

 

Balanbal waxay ahayd meel taariikh leh inta aysan Kulmiskii iyo Amxaaradii is la socday aysan qabsan.....Sheekooyin xiisa leh ayaan ka maqli jiray Hooyaday iyo Aabahay markay ka sheekeeyaan magaaladaas!

 

 

Guriceel iyo Dhuusamareeb aan tagay 89 laakin fursad uma helin inaan tago Cabudwaaq iyo Balanbal!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Labaduba dhaxeeyaan lakin reer Balanbalaan ahay asaliyan. :D

 

Ballo kuwaasi noogama horayn, taankiyadii Axmaarada laga gubay ilaa iyo hada sidaa bay u daadsanyihiin..magaaladiine waa siday u burburiyeen, dhagaxaan ayaan mel walba miiran, shacabkiine waa siday Xamar u aadeen ama Caabudwaaq u guureen.

 

Balanbale haday kasoo raaynaysaa, berri dhawaydne isbitaal heer degmo ah yaa loo dhisay.

 

Guriceel sidee baad u tagtay adigoon Balanbale tagin? Sow ma ogid dhagaxa Guri-ceel laga soo tuuso inuu Balanbale ku dhaco icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Guriceel sidee baad u tagtay adigoon Balanbale tagin? Sow ma ogid dhagaxa Guri-ceel laga soo tuuso inuu Balanbale ku dhaco

Waa markii ay Amxaaradii ka guurtay oo meelkasta miino ayaa daadsanayd !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dhubad, dagaaladii sokeeye ka hor gobolka Galgaduud magaalooyinka ugu weyn waxay ahaayeen kuwa ugu fac weyn sida Dhuusamareeb, Ceelbuur, iyo Balanbale.

 

Maanta Guri-ceel oo shalaytoole ahayd tuulo hoos timaado Balanbale iyo Caabudwaaq oo aanba galabsan in lagu daro meelaha uu maro jidka waqooyi iyo koonfur isku xigo baa ugu wayn!

 

Caabudwaaq heer maanta waxay maraysaa laga yaabo inay ka jiidato Dhuusamareeb magaala madaxda gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

With football tournaments in waqooyi Somalia and now in teh midlands and the south west, is this the beginning of the Somali Football League? is thats the case 2010 Africa Cup is ours, like BOB said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^ I think we have good football players but they luck a national support. All we need now is to find the talented players scattered through out the country and form on national team who are willing to take football as career than we can be a strong contender of the African Nation Cup by 2010.

 

You have seen how Iraq did, they united Iraq (at least for few days) by winning the Asian cup, we too can do that but we just need to believe that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am happy to see normalcy, governance and life coming back to all corners of the nation. This goverment has worked so hard to bring the destroyed nation back on its feet.

 

We see the affects of this goverment's work in places like beatiful balanballe and all corners of the Somali nation. I, as a supporter of nation building, am proud of the governor of Galgaduud, the mayor of Balanballe and all other mayors of Galgaduud towns.

 

Thanks for sharing that with us Horn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Well some things are overlooked because of the chaos in some places, but really Duke no government had anything to do with this. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this