Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali PM holds important talks in capital

Recommended Posts

nurcade3.jpg

 

Nur Cade oo la kulmey odayal

25 Jan 25, 2008 - 6:57:43 AM

 

R a'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu kulan la qaatay waxgarad iyo odayaal ka tirsan Beelaha ******, waxayna kaga hadleen kulankooda horumarinta nabadgalyada iyo dib u dhiska dalka.

 

Xubnaha la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Cadde oo gaaraya 30-xubnood ayaa kulankooda wuxuu kusoo beegmay xilli uu wado urursiga talooyin ku aaddan sidii ay xukuumaddiisa cusub u wajihi lahayd howlaha ay ka qabanayso Somalia, gaar ahaan Muqdisho oo ah caasimadda dalka.

 

Nuur Cadde, wuxuu hordhigay xubnahas inay ka shaqeyan nabadda Somalia, waxaana uu ka codsaday odayaashaan inay qayb libaax ka qaataan dib u heshiisiinta Ummadda Somaaliyed, gaar ahaan nabadeynta Gobolka Banaadir oo uu ku tilmaamay Ra'iisul Wasaaruhu inay tahay udub-dhexaadka Somalia.

 

Muxyadiin Xasan Afrax oo ka mid ah odayashii shirkaas ka qaybgalay ayaa u sheegay Garowe Online in Ra'iisul Wasaaraha ay u gudbiyeen qodobbo ku aaddan nabadeynta caasimadda Somalia [Muqdisho], wuxuuna sheegay Afrax in marka hore ay u gudbiyeen Nuur Cadde in xukuumaddiisu ay la xaajooto mucaaradka; taasna ay tahay tiirka nabad laga dhaliyo Somalia oo dhan.

 

"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu noo soo bandhigay in cid walba oo Soomaaliyeed ay qayb ka noqdaan nabadda Gobolka Banadir iyo guud ahaan Somalia, anaguna waan ka ogolaannay, isaguna wuxuu noo sheegay inuu naga aqbalay talooyinkii aan u jeedinnay" ayuu yiri Muxyadiin Xasan Afrax.

 

Kulankaan oo ku dhammaaday jawi is afgaradka ah; ayaa qayb ka ahaa kulamo kala gooni-gooni ah oo uu Ra'iisul Wasaaruhu la yeelanayay tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaraya qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Raysalwasaaraha dowlada Soomaaliya oo ka codsadey Ganacsatada Muqdisho in ay Amaanka ka shaqeeyaan.

24. januar 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa ugu baaqay ganacsatada Magaalada Muqdisho in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada ,si loo gaaro Horumar wanaagsan oo ay wax kaga qaban karaan xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo shalay la kulmay Madaxda ganacsatada Magaalada Muqdisho ee waa weyn ayuu ka codsadey in ay gacan siiyaan dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isla markaana ay kala shaqeeyaan arimaha nabad ku soo celinta Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Nuur Cadde wuxuu sheegay in nabadgalyo ka dhacda Magaalada Muqdisho ay dan weyn ugu jirto Umada Soomaaliyeed oo dhan ,gaar ahaan ganacsatadu ay qeyb weyn ku leeyihiin loogana baahan yahay in ay ku soo biiraan dadaalada ku aadan nabad ku soo celinta Magaalada.

 

Raysalwasaaruhu wuxuu sheegay in uu ganacsatada ka aqbalayo cabasho xoog leh oo ay usoo gudbiyeen oo ku aadan amaankooda iyo falal ay geystaan ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo sheegay in looga baahan yahay ganacsatada in ay la shaqeeyaan ciidanka dowlada Soomaaliya.

 

Wuxuu tibaaxay in looga baahan yahay Umada Soomaaliyeed oo dhan gacan ay siiyaan ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya meel walba oo ay joogaan ,ayna ka wadaan howlgalo amaanka wax looga qabanayo isagoo markaasi sheegay in ciidamada faraha badan ee Magaalada jooga waxyaabo la taaban karo qabteen.

 

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa ka aqbashay RW Soomaaliya codsigiisa ku aadan ka shaqeynta nabadgalyada iyo la shaqeynta Ciidamada dowlada Soomaaliya ee jooga Suuqyada Magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba Magaalada Muqdisho.

 

Kulan gaar ah oo ay galabtii shalay yeesheen ganacsatada Magaalada Muqdisho ugu waa weyn & Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa lugu falo gurey howlaha baaxad leh ee ay wada qabanayaan ganacsatada iyo Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/w. Nuur Cade oo baaq u diray ganacsatada Muqdisho

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Janaayo-08

 

Ra`isul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Nuur Xuseen Nuur (Nuur Cadde) ayaa ugu baaqay ganacsatada magaalada Muqdisho in ay ka shaqeeyaan nabad galyada Suuqa bakaaraha iyo guud ahaan caasimada.

 

Nuur Cadde ayaa baaqaaan jeediyay ka dib kulan uu Muqdisho kula qaatay ganacsatada magaalada , waxa uuna ka codsaday in ay wada shaqeeyaan .

 

Ra`isul wasaaraha ayaa sidoo kale ganacsatada ka codsaday in ay gacan ka siiyaan dowlada KMG arumaha amaanka si dalka uu u xasilo.

 

"Nabad ka dhacda Muqdisho wax ay dan u tahay Soomaaliya oo dhan ganacsatad si weyn ayay dan ugu tahay , waa in aan ka shaqeynaa arintaasi", Nuur Cadde ayaa sidaa yiri.

 

Ganacsatad ayaa dhankooda u gudbiyay Nuur Cadde cabasho aadna falal ay sheegeen in ciidamada Dowlada kula kacaan taasi oo uu sheegay Ra`isul wasaaraha in wax laga qabanayo .

 

Kulanka Ra`isul wasaaraha iyo ganacsatada Muqdisho ayaa soo baxay xilli dhawaan ay kulmeen gudiga amniga qaranka iyo ganacsatada kaasi oo laoga hadlay amaanka Suuqa bakaarah .

 

Kulankaasi ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada dowlada KMG ee Villa Soomaaliya jawi wanaagsan ayuuna ku dhamaaday .

 

Maryama Xuseen Axmed

 

seymuun@hotmail.com

Xafiiska Calanka Ee Muqdisho

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Can you read or are you just jumping around?

The PM is holding talks with merchants, elders religious and clan leaders of the capital.

He already came from Baidoa were the Parliment is in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this