Sign in to follow this  
General Duke

A large Ceremony held in the Canadian Parliment...

Recommended Posts

Xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynaayey dowladda Somaliya ayaa lagu qabtey magaalada Ottawa ee Canada

 

December 7, 2004

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaa habeenkii xaley xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynaayo dowlada cusub ee ka dhalatey somaaliya lagu qabtey barlamaanka Canada ee ku yaal magaalada Ottawa ee wadanka Canada.

 

Xafladdaasi waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyey qaar ka mid ah ururada Somaaliyeed ee ka jira magaalooyinka kala ah Ottawa iyo Toronto, waxaana ururadaasi ka mid ahaa:

 

- Canadian Friends of Somalia (CFS)

- Somali Relief Network of North America.

- Somali Centre for Family Services.

- World Somali Congress.

- ****** Human Rights Committee (OHRC)

- Arladun Somali Canadian Society.

- Horn of African Women's Organisation (HAWA)

- Somali Teachers Association

- iyo heyado kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.

 

Shirka waxaa kaa soo qeyb galey dad badan oo Somali ah oo ku kala nool magaalooyinka Ottawa Toronto iyo Montreal.

 

Waxaa kaloo xafladaasi ka soo qeyb galey mudanaal ka tirsan barlamaanka Canada, waxeyna kala ahaayeen:

 

1. Jack Layton oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka NDP.

2. Rahim Jafar (Conservative Party).

3. Boris Wrzesnewskyj (Liberal Party).

4. Allan Tonks (Liberal Party)

5. Navdeep Bains (Liberal Party)

6. Wajid Khan (Liberal Party)

7. Jean Aufustine (Liberal Party)

8. Marlene Catterall (Liberal Party)

9. David MacGuinty (Leberal Party).

10. Katta Matca (Liberal Pary).

 

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka qey galey safiiro, iyo diblomaasiyiin ka kala socotey wadamada kala ah Sweden, China, Ethiopia, USA, Kenya, Italy, Eriteria iyo Egypt.

 

Dhamaan siyaasiyiinta iyo safiirada halkaasi ka hadashey waxey sheegeen iney wadamadooda ka codsan doonaan iney taageeraan dib u heshiisiinta Somalia iyo iney gacan ka geestaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo degnaanshah Somalia.

 

Waxaa halkaasi khudbado ka jiideyey aqoonyahano iyo indheer garato Somaliyeed oo ay mid ahaayeen Aden Esse oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha xafladda, Prof. Maxamed Munye Qaasim, Dr. Togane, Fowsiya Cabdulkarim, iyo Daahir Xaaji Cusmaan (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii SYL, oo ay dhamaantood umadda Somaaliyeed ka codsadeen iney si buuxda u taageeraan dowladda cusub ee dhalatey, iyo sidoo kale waxey dowlada Canada iyo dowladaha caalamkaba ka codsadeen in ay aqoonsadaan ayna taageeraan dowlada Somaaliyeed.

 

Dhinaca saxaafada Somalida waxaa ka soo qayb galay Somali TV Toronto, Markacadeey.com iyo Mudugonline.com, waxaa kaloo ka soo qaybgalay xafladaan qaar ka mida saxaafada Canada.

 

Markacadeey.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this