Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu : Aid worker killed, assasin's attempt to kill another officer

Recommended Posts

Aid worker killed in Somalia

- Monday, April 18, 2005 at 14:35

 

Mogadishu/Nairobi (dpa) - An aid worker was shot and killed early Monday in the Somali capital Mogadishu, her employer and witnesses said.

 

The woman, a Somali national named Maryan Kuusow working for the Swedish-based organization International Aid Services (IAS), was confronted by gunmen wielding handguns and shot as she was entering a school in the Waberi district in southern Mogadishu, eyewitnesses told Deutsche Presse-Agentur dpa.

 

The organizations office in Nairobi confirmed the fatal shooting, and spokesman Elias Kamau said the woman had been on her way to facilitate a seminar at the school on Monday morning.

 

A spokesman for the Madina Hospital in Mogadishu told dpa that Kuusow was brought to the hospital before her body was taken to her home.

 

The womans driver remained in hospital with serious injuries. Kamau said the organization would not speculate on why their employee had been targeted, as they were still trying to find out more about the shooting.

 

The capital of Somalia remains highly unstable after 14 years of civil war, with warlords and their militias controlling various parts of the city.

 

A government formed last year after lengthy peace talks still meets in Kenya due to the persistent insecurity at home.

 

Source: Relief Web

Share this post


Link to post
Share on other sites

HAWEENEY SOOMAALIYEED OO U SHAQEYNEYSAY HAY'AD SWEDEN AH OO MAANTA MUQDISHO LAGU DILAY IYO MID KA MID AH SARKAASHIISA CID-da OO ISKU DAY DIL KA BADBAADAY

 

Somaliweyn.com ( Muqdisho 18 Abriil 2005)

 

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka dhacay mowjado is xiga oo ujeedada ka dambeysana ay tahay khaarajinta Aqoonyahanada dadkooda u adeegaya, waxaana maanta gelinkii hore agagaarka Isgoyska Zoppe ee Km5 lagu dilay Drs. Maryan Maxamed Xuseen Kuusow, laguna dhaawacay hal nin oo Ajnabi Keenyaati ah oo lagu magacaabo David Kibaki, iyo darawalka Taksigii ay saarnaayeen, kaddib markii Gaari Taksi ah oo si hoose xowligiisa ku socday burburka wadadaas awgeed ay Rasaas ooda kaga qaadeen maleeshiyo 3-qof ka koobneyd kuna hubeysnaa Bastoolado, waxaana Haweeneydan la socday nin ajnabi Keenyaati ah oo iyana halkaasi lagu dhaawacay iyo darawalkii gaarigii ay saarnaayeen.

 

Sida ay Weriye ka tirsan Shabakadda Somaliweyn dad goob joogayaal ah, Haweeneydan oo u shaqeyneysay Hay'adda Kaalamada Caalamiga ah ee dalka Sweden iyo ninka ajnabiga Keenyaatiga ah ayaa markoodii hore ku socday furitaanka Seminaar wax lagu barayay Macallimiin ka kala socday 10-Dugsi oo ku yaala gobolada dalka isla markaana ay Hay'adda Sweden-ka ah maalgelisay.

 

Dableyda ka kooban saddexda ruux ee geystay falkii foosha xumaa ee lagu dilay Dr. Maryan laguna dhaawacay ninkii ajnabiga ahaa iyo darawalka gaarigii ay saarneyd ayaan haba yaraatee la isku dayin in raadkooda la raaco kaddibna gacanta lagu soo dhigo si loo marsiiyo sharciga ay mudan yihiin, iyadoo ilaa iyo iminka aanay jirin cid si cad u sheegatay inay ka dambeysay falalkaasi dilka ah.

 

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan xarunta Dembi baarista Soomaaliya (CID) oo lagu magacaabo Guuleed Sheekh Xuseen ayay saakay koox dabley ah oo iyana saddex ahaa kuna hubeysnaa Bastoolado Rasaas ooda uga qaaday Sarkaalka, iyadoo rasaastu ka haleeshay Garabka iyo caloosha, waxaana dhaawiciisa la dhigay Isbitaalka Madiina oo dhaqaatiirtu sheegeen in xaaladiisa caafimaad soo wanaagsanaaneyso marba marka ka dambeysa.

 

Sarkaalkan oo ku sii socday xarunta CID-da, ayaa dableydii dishay raadkooda la dabagelin, hase yeeshee dadka Muqdisho ayaa mar kale dareen cabsi xambaarsan ka muujiyay markii ay maqleen arrintan, dhegahooda wax yar kaddib soo baxday inuu dhacay fal lagu khaarajin lahaa Sarkaal ka tirsanaa xarunta CID, hasee yeeshee dadka qaar ayaan dhegahooda ku cusbeyn falalka lagu ugaarsanayo Saraakiisha Soomaaliyeed.

 

Dhacdooyinkii foosha xumaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay ku soo aadeen iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in maleeshiyooyinka ku sugan magaalada dibadda looga saaro, hase yeeshee qorshahan oo aan ahayn sidii la doonayay ee ay wax ku hagaagi kareen, maadaama hoggaamiye kooxeedyadii ku dagaalamay Muqdisho ay xalka iyo sida Dowladda Federaalka ku imaan karo caasimada in mid kasta maleeshiyadiisa xero u gaar ah ku ururiyo, taasoo dadka u kuur gala arrimaha aan siyaasadda lagu tilmaami karin ee haatan Muqdisho ka socda ay kuu sheegayaan inay la mid tahay jug jug meeshaada joog, taasoo waliba ay u sii dheer tahay af-lagaadada ay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadaasi u jeedinayaan mas'uuliyiinta kale ee Dowladda, waxayna shacabka Soomaaliyeed ee ay xooga ku heystaan rajo xumo ka muujiyeen kuwa xooga ku heystaa inaanay keeni karin talo towfiiq leh, isla markaana la isku halleyn karo.

 

 

Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho

 

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

What a tragedy. Allaha u naxaristo Marxuumta.

 

I know some people on SOL who'll swear that "Muqdisho waa nabad." I guess after 15 years of anarchy, Reer Muqdisho (and some warlord supporters on SOL) have been conditioned into believing that the status quo of today is peaceful. A dead aid worker is not the proper way to sway others' opinions or change the truth on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by wind.talker:

I know some people on SOL who'll swear that "Muqdisho waa nabad." I guess after 15 years of anarchy, Reer Muqdisho (and some warlord supporters on SOL) have been conditioned into believing that the status quo of today is peaceful.

There was a pensioner murdered last nite in Central London by muggers, a child abducted from the streets of Paris, a cab driver killed in Ohio Columbus, not mentioning what else goes on in other parts of the World especially inside Somalia.

However much unfortunate is the issue which you so personify it is not though a case that will give a reason for the intention held by Duke and his leaders. It is,beyond doubt, matter that exists, lack of security, but on the other hand it needs to be solved by those it concerns and writting and wailing in public forums is not one of them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

dont be too hard on muqdisho yall,

 

in hargeisa civilians are killed in broad dalight by police. innocent ppl are thrown into a dungeon on the basis of a hunch or feeling. gaalkacyo showed us its the last city to boast about peacefulness. baydhabo is so easy to conquer by any moron, some day the city will be available on ebay.com. kismaayo yaan ba laga hadlin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Hay’ad Swedish ah oo sheegtay in aysan shaqadeeda u joojin doonin dilkii loo geystay madaxii caafimaadka hay’addaasi

Muqdisho

 

Hay’adda International Aid Service (IAS) ee fadhigeedu yahay dalka Sweden ayaa waxey sheegtay in aysan u joojin doonin howlihii ay ka waday Soomaaliya dilkii shalay loo geystay madaxii caafimaadka hay’addaasi ee dalka Soomaaliya marxuumad Maryan Max’ed Xasan oo koox dabley ah ay shalay toogasho ku dileen xilli ay ku socotay dugsiga Waaberi, halkaasoo uu ka soconayey seminaar ay hay’addu u qaban qaabisay qaar ka mid ah maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ay maamusho hay’addaasi, kuna kala yaalla gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray madaxa Soomaaliya ee hay’adda (IAS) Cali Axmed Abtidoon (Cali filfil) ayaa wuxuu sheegay in dilka Maryan Max’ed Xasan uu yahay dil wuxuushnimo ah, ayna mudneyn in lagula kaco qof muwaadin ah oo u adeegayey dalkiisa.

Wuxuu sheegay Filfil in dilkaasi uusan waxba ka badalynin howlihii ay hay’addaasi ka waday Soomaaliya, ayna halkeedii ka sii wadi doonaan, isagoo xusay in ay ka go’antahay in ay wax u qabtaan shacabka danyarta ah iyo caruurta.

Hay’adda (IAS) oo xafiiskeeda Muqdisho ku yiilay degmada Hodon ayaa gacanta ku heysay 9 dugsi oo ka mid ah dugsiyada Soomaaliya.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

JUMA -

 

"Those people it concerns" are the same people committing the murder and mayhem! Why don't they solve it? Militia de-mobilization was successfully done in Somaliland and Puntland in the '90s. Why can't Muqdisho politicians do it? Or have they created an animal they can no longer control? More importantly, do you really believe its all Ethiopia's fault?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this