Sign in to follow this  
Land_Soldier

Free at last! Free at last! Thank God Almighty, we are free at last!

Recommended Posts

After 18 years Somaliland is free.

 

Free from Xali Xoor Xoor, the Berbera Port Manager. A new day, a new dawn full of New hope for my beloved Berbera.

 

Thank you President Silaanyo.

 

Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera ee 18-sano ka dib shalay si rasmi ah Xilkii u wareejiyay

http://gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=13509&permission=1&audioFile=

 

 

 

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labadan Masuul xilka kula kala wareegayeen, laguna qabtay Xarunta Dekedda... Daawo Video gan

 

Mareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor), ayaa shalay si rasmi Xilkii ugu wareejiyay Maareeyaha Cusub ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) u soo magacaabay Dekada Maxamed Yuusuf Dirir.

 

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labadan Masuul xilka kula kala wareegayeen, laguna qabtay Xarunta Dekedda, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Kalluumeysiga iyo Maamulka Dekeddaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maamulka Gobolka Saaxil iyo Shaqaalaha Dekedda Magaalada Berbera.

Munaasibadan uu Xilka ku wareejinayay Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) oo mudo 18-sano ah soo hayay Maamulka Dekedda, ayaa hadal uu ka jeediyay Xafladaa Xil-wareejinta waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay Mudadii uu Maareeyaha ka ahaa Dekedda Berbera, isaga oo sheegay in marxalado kala duwan uu ay soo martay Dekeddu, isla markaana Maanta ay mareyso meeshii ugu fiicnayd.

Mareeyihii hore ee Dekedda oo halkaa hadal ka jeediyay waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Dekedda Berberi waa meesha uu u ku tiirsanyahay Dhaqaalaha Dalka mid shacaba iyo mid Dawliyiba, waana meesha aynu xidhiidhka kala leenahay Caalamka ee waxna inooga dhoofaan waxna inooga soo dagaan. Wadamada aynu jaarka nahay waxaa u mara badeecado kala duwan.” Ayuu yidhi Eng: Cali Xoor xoor.

Waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay Maareeyuhu in lacag dhan 275,000$(laba boqol iyo todobaatan kun oo Dolar), ay qasnada Dawlada ugu jirto oo ay wareejinayaan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Maxamed Yuusuf Dirir, waxaanu ku amaanay Maareeyihii sidii hawl karnimada lahayd ee uu shaqadiisa u gudan jiray intii uu Xilka hayay. Maareeyaha Cusub waxa uu balan qaaday inuu halkaasi ka sii anba qaadi doono siina horumarin doono Dekedda Berbera.

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga, Khayraadka Badda iyo Dekeddaha oo ka hadlay Munaasibadaa Xil wareejinta ayaa waxa uu mahad celin balaadhan u soo jeediyay Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera oo uu sheegay in mudadii Sideed iyo tobanka sano aheyd ee uu hayay Xilka Dekeda Berbera uu muujiyay wax qabad muuqda waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad celinaynaa Maareeyihii hore ee Dekedda Cali Xoor xoor, oo muddo dheer ka soo shaqeynayay Dekedda Berbera, lana odhan karo waxyaabo badan ayuu Dekedda ka qabtay intii uu joogay. Taana waanu ku amaanaynaa Xilkuna waa meerto oo maalinba ninbaa qabanaya.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, kuwaas oo dhamaantood amaan u jeediyay Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor, balana qaaday inay la shaqayn doonaan Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Maxamed Yuusuf Dirir

 

Gabiley News Desk

Hargeisa/somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Jacaylbaro;769687 wrote:
Yes Xoorxoor is back ,,,,, dad badan baa shaahaynaya
:D

thats good. I heard some people havent had any tea sincen Riyaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this