Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: July 1st celebrations

Recommended Posts

Carmo Oo Si Weyn Looga oogay Munaasabada 1da Luulyo

 

{Carmo}1.7-7

Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa xalay waxaa laga xusay Maalinta Qaranimada Somaliya ee 1da Luulyo taasi oo xalay ka dhacday xarunta Tababarka Carmo halkaasi oo ku sugan yihiin boqolaal ciidamo Booliis ah kuwaasi oo halkaasi tababar uga socdo waxaana ka soo qaybgalay xafladaasi lagu maamuusayay Maamilnata 1da

 

Luulyo oo ah maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta ayna sameeysteen Dowlad ay ku mideeysan yihiin.

 

Xafladan ayaa waxaa gaada ka ciyaar ku soo bandhigay Ciidamada Booliska ee halkaasi tababarka uga socdo waxaana ayna la saaray calanka Somaliya iyada oo ay ugu horeyn halkaasi uu ka hadlay Taliyaha tababarka Ciidamada Somaliya Mr Gaani waxaana uu gaani uu xusay muhiimada ay leedahay maalintani oo ku tilmaamay maalin ay umada soomaliyeed qiiimo balaaran u leh ayna mudan mudan tahay in la xuso waxaana uu sidoo kale uu sheegay in ay maanta farxad ay umada soomaliyeed ay u leedahay maadaama ay umada soomaliyed ay sanadkani ay xusayaan iyaga oo dowlad soomaliyeed leh waxaana uu dhamaan ciidamadaii booliska iyo Shacabkii reer carmo dhamaantood uu ugu hambalyeey Munaasabadan Qiimaha Leh.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Carmo Mr cawad oo isna shegay sida uu ugu faraxsan yahay maalintan qiimaha badan waxaana uu sheegay in uugu hambalyeeynayo dadweynha Soomaliyeed qiimaha Maalintan ay leedahay waxaana uu ku tilmaamay maalin ku suntan Qaluubta Dadka Soomaliyeed.

 

Xafladan Lagu Maamuusayo maalinta 1da Luulyo ah ayaa sidoo waxaa ay ka dhacday magaalooyinka waaweyn Ee Punt land sida Bosaso Garowe Iyo Qardh.

 

Mahamud Said Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabada 1da Luulyo oo Punt land Si weyn Looga Xusay

 

(Punt land }1.7-7

Munaasabada 1da luulyo oo ahayd maalintii ay midoobeen waqooyiga iyo koonfurta somaliya ayna ka soo baxen guumeystihii ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa maanta si weyn looga xusay gobolada punt land siiba magaalooyinka Qardho Garowe Iyo Bosaso, Lascanod,Gaalkacyo, Ceerigaabo.

 

Xaflad si weyn looga soo baaraandagay ayaa saakay waxay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Punt land ee Garowe waxaana ka soo qaybgalay Xafladaasi Madaxweynaha Pun tland Mahamud Muuse Hirsi Cadde Madaxweyne Ku Xigeenka Punt land Xasan Daahir Mahamud Gudoomiyaha Barlamaanka Punt land Axmed Cali Xaashi Golaha Wasiirada Punt land Golahja Barlamaanka iyo Wafdigii Ka Socday Dowlada Dhexe ee Somaliya oo u hogaaminayay Salaad Cali Jeele.

 

waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Hogaamiyayaasha Ururada Bulshada rayid ka ah iyo Abwaano waxaana ay dhamaantood ay sheegeen sida ay ugu faraxsani yihiin Munaasabadan.

 

Sidoo kale xafladaasi waxaa ka hadlay Wasiirku Xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Somaliya Salaad Cali Jeele waxaana uu tilmaamay wasiirku in uu aad ugu faraxsana yahay munaasabadan qiimaha Badan u leh shacabka Soomaliyeed waxaana uu sidoo kale uu sheegay Salaad Cali Jeele in aad ugu faraxsan yahay in uu munaasabadan uu ku xuso Punt land oo ku tilmaamay meelaha ugu Amaanka Badan Somaliya.

 

ugu dameyntii waxaa xafladaasi lagu maamuusayay Munaasabada 1luulyo lagu xusayay soo gabagabeeyay madaxweynaha Punt land Jen Mahamud muuse Hirsi Cadde waxaana uu sheegay Cadde in uu munaasabadan ay isaga u tahay Mid aad u qiimo badan maadaama uu taagnaa goobtii Calanka Somaliya lagu saarayay Sanadii 1960 kii waxana uu sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynuhu ay Punt land ay tahay Meel had jeer u taagan sidii ay somaliya u midoobi lahayd ayna markale cagaheeda ugu istaagi lahayd waxaana uu dadka reer punt land ugu hambalyeeyay Munaasabadan 1da Luulyo.

 

Sidoo kale Magaalada bosaso ayaa maanta waxaa laga xusay 1da luulyo iyada oo xaflad laga soo shaqeeyay ayaa ka dhacday Xarunta Dowlada hoose ee bosaso kaasi oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda Dowlada hoose oo uu horkacayay Duqa Bosaso Khadar Cabdi Xaaji,gudoomiyaha Gobolka Bari Dr.Muse Geele Yuusuf Faroole wasiirk ku xigeenka wasaarada aminga Punt land iyo Madax kale sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qaybgalay Ururada bulshada rayid ka ah iyo fanaaniinta walaaha bari.

 

ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay duqa Bosaso khadar Cabdi xaaji waxaana uu tilmaamay khadar sida uu ugu faraxsan yahay munaasabadan isaga oo dhamaan shacabka Punt land u rajeeyay Bash iyo Barwaaqo.

 

Sidoo kale masuuliyiintii ka qaybgashay Xafladaasi ayaa dhamaantood waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin Munaasabadani waxaana ay dadka reer punt land ugu baaqeen in ay ilaashadaan Xasiloonidooda iyo Midnimadooda.

 

Mahamud Said Salaad Puntland Radiowidhwidh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflada I-da Luulyo ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Dgpl ee Caasimada Garoowe.

 

Sunday, 01-Jul 2007

 

Xafladda 1da-luulyo oo si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday hoolka shirarka ee Madaxtooyada DGPL ee magaalada Garowe.

 

Xafladdan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxmuud Muuse Xirsi, madaxweyne ku xigeenka Mudane Xasan Daahir Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGPl Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenka golaha Wakiilada, golaha wasiirada marti sharafta DFKMG oo uu horkacayey wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga,isimo,abwaano iyo mas’uuliyiinta gobolka nugaal iyo dadweyne kale.

 

Xafladdan ayaa waxa soo qabanqaabiyey DGPL, waxaana ugu horrayntiiba furay guddoomiyaha gobolka Nugaal, sidoo kale waxaana isna ka hadlay Garaad Cabdi salaam Xasan Maxmed oo ku hadlay magaca isimada ka soo qaybgalay Xafladaas, wuxuuna yidhi anigu halkan duco ayaan ku leeyahay waxaana ilaahay uga baryayaa ummadda Soomaliyeed midnimo iyo is afgarad,

 

Waxaa sidoo kale gabayo iyo heeso qiiro leh ka soo jeediyey munaasibadaasi Abwaan shube oo hadaladiisii ay ka mid ahaayeen ‘Waa halis qabyaaladi ka mid ah hooga aadmiga’e’ Xaliimo Puntland ayaa iyaduna soo bandhigtay buraabur ku saabsan Somalinimada iyo gobonimada.,

intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay wasiirka Maaliyada oo isagu ka soo sheekeeyey wixii uu u soo joogay ee laga soo maray xoriyada iyo meeshii uu ku sugnaa markii xorriyada la hantiyey,waxaana maanta 17sanno ka dib xafladdii 1da luulyo lagu qabtay Villa Soomaliya waana arrin farxad leh.

 

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga ee DFKM Salaad Cali Jeele ayaa isna halkaasi waxa uu ka soo jeediyey hadal dheer oo uu kaga hadalayo munaasibaddaasi, wuxuuna yidhi waxaan idinka codsanayaa in faataxada loo maro kuwii u soo halgamay xoriyadda ee u dhintay,wuxuuna hambalyo u diray dhammaan ummadda soomaaliyeed,waxaana aad ugu faraxsanahay buu yidhi in aan maanta aan joogo goboladdii xornimada helay,waxaan kaloo ku faraxsanahay soo dhoweynta ay na soo dhoweeyeen Puntland iyo shacabkeedu.Guddomiyaha golaha wakiilada ayaa isna hambalyo u diray ummadda soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana rajeynayaa sannadka sannadkiisa inaad ku gaartaa bash bash iyo barwaaqo.

 

Ugu dambayntii ayaa waxa uu guddoomiyuhu ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxmuud Muuse Xirsi, wuxuuna yidhi waxaa farxad ii ah maanta in aan ka soo qayb galo xuska Munaasibada 1da luulyo, ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland meel kasta oo ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo ku aadan sannadguurada 47aad ee ka soo wareegtay heliddii xornimada Soomaliyeed iyo isku darkii labada gobol.

 

Madaxweynaha ayaa waxa kale uu ka hadlay Ciidamada Puntland iyo kuwa federaalka oo ay dadku si qaldan u qaateen Ciiddanka Puntland waa sidiisii puntland ayaa maamulaysa,kuwana federaalka ayaa la siinayaa kuwaas oo ku salaysan 4.5 qaybtii naga aaday ayaan diraynaa maadaama laga rabo federal ciidan isku dhaf ee ma aha in aan ciiddankii wareejinay,ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay Hambalyo ku ciidan Caafimaad Bash bash iyo barwaaqo umaaddi kama dhamaato dhibaato hadana sidan la ahaanmaayo ee waa laga guddbi doonaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

GOBOLADA PUNTLAND OO SI WAYN LOOGA DABAAL DEGAYADA KOWDA LUULIYO OO KU BEEGAN 47GURADII KA SO WAREEGTAY MADAXNIMADA SOMALIYEED

 

 

Bosaso.xaflado waawayn ayaa maanta ka dhacay gobolada Puntland kuwaas oo lugu maamuusayo ahmiyada iy doorka ay ku leedahay kowda luuliyo bulshada somaliyeed oo ah maalin aan la ilaawi karin Meelaha sida wayn looga xusay waxaa ka mida xaruntamaha dowlada DPGL oo kala ah Garoowe Baran Bosaso ceerigaabo Qardho Gaalkacayo iyo meelo kale maalinimadii maanta ayaa waxa dadka gobolada puntland gaar ahaan gobolaka bari ay danohoodii u joojiyeen inta badni xuska 1bisha luuliyo waxaan laga dareemayey dadwaynaha u helanaan iyo qadarin gaara oo ay siinayaan bishan kowdeda hadaba waxaa ay Munaasibada haasi ka dheceen Magaalada Bosaso Xarumaha Gobolka iyo dowlada hose Garoowe Madaxtoyada Puntland Baran Qalaalka shiraka ee degmadaasi baran Qardho xarumaha dolada iyo xaafadaha qaarkood GaalkacayoHoteelada wawayn ee shirarka iyo meelo kale Munaasibadahaasi maanta ayaa waxay ku abuureen dadkii somaliyeed Gaar ahaan Gobolada Puntland Qiiro iyo xusuus dheer oo muwaa dinimo ah Maanta oo ah 1 Lulio ahna maalintii xornimada Qaranka Soomaaliya ahaydna maalintii midowga Gobalada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee xornimda qaatay 26ka Jun, ayaa ah maalin baroordiiq ka mudan shacabka Soomaaliyeed oo dib ugu dhacay gacanta gumaysi Waxaa dareenka shacabka Soomaaliyeed Maanta uu xasuusinayaa geesiyaashii u soo halgamay xornimadooda laga soo bilaabo halgankii Ax'ed Iimaan(Ax'ed Gurey) sanadkii 1527-1543,kii Hogaamiyihii daraawiishta Sayid Max'ed C/lle xassan 1900-1921,dagaaladii Talyaaniga ku qabsaday koonfurta SoomaaliyaLama hilmaami karo dadaalkii ku baxay uraradii halganka u dhismay ee hormuudka uu u ahaa kii dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL 1943 waxaana maanta ka hadlay oo waqtigaasi aad iyo aad uxusuusta dadbadan oo ilaa waqtigaas nasiib u yeeshay inay ku noolaadaan dalka somalia waaya maanta Munaasibadahaasi kaga warbixiyey sida xaalku ahaan jirey dakii waqtigaas ay ka soo wareegtay tariikhda dheer wadanka ku noolaa.

 

 

Munaasibadahan kala duwan waxaa maanta khudbado ka soo kala jeediyey Madaxda sare ee Puntland Sida madaxwayanaha DGPL Madaxwane ku xigeenka iyo Masuuliin ka soctey DFKGSoo ku sugnaa wayahan dame Gobolada puntland sidoo kale Gobolada oo idil waxaa ku sugan Gobolwalba Masuuliyin khudbado ka jeedinasy sida gudoomiyaasha iyo golayaasha degaanka Golaha wasiirada cidii ka joogta waxaana dhamaan Masuuliyiinta oo idili ay Muhiimada ugu wayn siinayeen Qiimaha ay leedahay 1luuliyo.

 

 

Maxamed axmed ciise

 

 

Bosaso Puntland

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo si weyn looga xusay Kowda Luulyo

 

Munaasabado ballaaran si weyna looga soo shaqeeyey ayaa maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Boosaaso iyo madaxtooyada magaalada Garoowe.

 

Munaasabadahan oo lagu weynaynayey kowda Luulyo oo ku beegan 47 guuradii ka soo wareegtey madaxbannaanadida koofurta Soomaaliyo israaca labada gobol ee koonfur iyo waqooyi.

 

Boosaaso:

 

Xaflad ballaaran ayaa saaka lagu qabtay magaalada Boosaaso gaar ahaan xarunta dawladda hoose taas oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa degmada Boosaaso.

 

Munaasabadda maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxaa si gaar ah uga dhex muuqdey fannaaniinta walaalaha gobolka Bari iyo mas'uuliyiinta heer gobol ilaa heer Puntland, halkaas oo lagu soo bandhigay suugaan waddani ah iyo ereyo baraarujin ah oo ka warbixinaya ahmiyadda ay leedahay Kowda Luuliyo oo ah 'maalinta madax bannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed'.

 

Xafladdani ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf, duqa degmada Boosaaso ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah.

 

Garoowe:

 

Sidoo kale, waxaa maanta magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta madaxtooyada lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ku saabsan Kowda Luulyo taas oo ay ka qayb galeen kana hadleen madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud, wasiirka maaliyadda Puntland, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, iyo wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle.

 

Mas'uuliyiintii ka hadashay xafladdan ayaa dhammaantood ka markhaanti kacay ahmiyadda ay leedahay Kowda Luulyo waxana ay ka jeediyeen halkaasi, khudbado taariikh u badan oo ku saabsan gobanimada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse ayaa hambalyo u jeediyey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ummadda reer Puntland.

 

Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay markii ugu horreysey dadweynaha reer Puntland kala qayb galaan munaasabadd kowda Luulyo oo ku beegan maalinta israaca labada gobol iyo madaxbannaanida gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

 

Carmo:

 

Degmada Carmo oo ay kutaalo kuliyad lagu tababaro ciidanka Police-ka Somaliyeed ayaa kamida meelaha sida weyn looga xusay munaasibadan waxaana habeenimadii xalay saqdii dhexe kulyada Carmo lasaaray calanka Somalia iyadoo latumayey muusiga calanka ee soomaaliyeey toosoo.

 

Ciidamada police-ka ee kuliyadaasi uu tababarku uga socdo ayaa gaado kaciyar goobtasi kumaray habeenimadii xalay oo dhana waxaa guud ahaan degmada Carmo iyo kuliyada kasocday munaasibado lagu xusayo 1-da Luulyo.

 

Badhan:

 

Xaflad qiimo badan oo ay qiiro ka muuqatey ayaa maanta lagu qabtay xarunta ururka haweenka Alnasar ee gobolka Sanaag ee magaalada Badhan.

 

Munaasabadda maanta lagu qabtay magaalada Badhan ayaa waxaa dhambaal hambayo ah ummada Soomaaliyeed u diray guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Siciid Nuur iyadoo uu sidoo kale khudbad qiimo leh uu ka jeediyey halkaasi, duqa degmada Badhan Maxamed Axmed Bulbul.

 

Xafladdan ayaa waxaa ka qayb galay odayo dhaqameedka gobolka, ururada bulshada rayidka ay wakiillada hay'adaha caalamiga ah ee ka hawl gala gobolka Sanaag iyo ciidamada qalabka sida.

 

Xafladdan ayaa waxaa si gaar ah uga muuqdey guurtida gobolka iyo culimaa'udiin iyadoo qaybaha saxaafaduna ay ka tebinayeen wararka halkaasi.

 

Ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga gobolka Sanaag ayaa socod iyo gaaddo ka cayaar ku dhex maray faras magaalaha magaalada Badhan.

 

Gaalkacyo:

 

Xarunta maamulka gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo waxa maanta lagu qabtay xaflad la isku arkay oo ku aaddan Kowda Luulyo oo ah maalintii ay heeryadii gumeysiga iska tuureen gobollada koonfureed isla markaasna ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.

 

Munaasabaddan oo ay ka hadleen odayaal u soo joogey xilligii gumeysigu uu dalka ka huleelayey isla markaasna calanka la saarayey ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa khudbadona ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdirashiid Dhuubane iyo duqa degmada Gaalkacyo Muxiyadiin Axmed Biixi.

 

(Warbixinahan waxa isku doo dubbaridey weriyayaasha SBC ee gobollada)

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaso:-(KP)Carmo Oo Si Weyn Looga oogay Munaasabada 1da Luulyo Iyo Xarunta Gobolka Mudug Ee Gaalkacyo iyana Sidee baa Looga Xusay Munaasabada 1da Luulyo.

 

Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa xalay waxaa laga xusay Maalinta Qaranimada Somaliya ee 1da Luulyo taasi oo xalay ka dhacday xarunta Tababarka Carmo halkaasi oo ku sugan yihiin boqolaal ciidamo Booliis ah kuwaasi oo halkaasi tababar uga socdo waxaana ka soo qaybgalay xafladaasi lagu maamuusayay Maamilnata 1da Luulyo oo ah maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta ayna sameeysteen Dowlad ay ku mideeysan yihiin.

Xafladan ayaa waxaa gaada ka ciyaar ku soo bandhigay Ciidamada Booliska ee halkaasi tababarka uga socdo waxaana ayna la saaray calanka Somaliya iyada oo ay ugu horeyn halkaasi uu ka hadlay Taliyaha tababarka Ciidamada Somaliya Mr Gaani waxaana uu gaani uu xusay muhiimada ay leedahay maalintani oo ku tilmaamay maalin ay umada soomaliyeed qiiimo balaaran u leh ayna mudan mudan tahay in la xuso waxaana uu sidoo kale uu sheegay in ay maanta farxad ay umada soomaliyeed ay u leedahay maadaama ay umada soomaliyed ay sanadkani ay xusayaan iyaga oo dowlad soomaliyeed leh waxaana uu dhamaan ciidamadaii booliska iyo Shacabkii reer carmo dhamaantood uu ugu hambalyeey Munaasabadan Qiimaha Leh.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Carmo Mr cawad oo isna shegay sida uu ugu faraxsan yahay maalintan qiimaha badan waxaana uu sheegay in uugu hambalyeeynayo dadweynha Soomaliyeed qiimaha Maalintan ay leedahay waxaana uu ku tilmaamay maalin ku suntan Qaluubta Dadka Soomaliyeed.

Xafladan Lagu Maamuusayo maalinta 1da Luulyo ah ayaa sidoo waxaa ay ka dhacday magaalooyinka waaweyn Ee Punt land sida Bosaso Garowe Iyo Qardh.

 

Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxay kala mid ahayd magaalooyin kale ee Somaliyeed xusida Munasabada 1da luulyo waxaana Xaflada ka dhacday Xarunta Gobolka Mudug ka soo Qaybgalay Xafladaasi Gudoomiyaha Gobolka Dhuubane Duqa Gaalkacyo isimo waxgarad iyo Aqoonyahano ku sugan Gaalkacyo.

 

Waxa hallkaasi heeso ku saabsan 1da Luulyo ka soo jeediyay Faaniniinta Gobolka mudug sidoo kale waxaa halkaasi gabayo iyo Baraarujin ka soo Jeediyay Abwaano dhamaantood waxaana ay ka sheekeeyeen Qiimaha ay maalintani ay leedahay.

ugu dameyntii waxaa hadalkii halkaasi oo xiray Gudoomiyaha Gobolka dhuubane waxaana uu dhuubane uu dadkii halkaasi isugu soo baxay uu gaarsiiyay salaan uu uga waday Madaxweynaha Punt land Mahamud muuse hirsi Cadde sidoo kale waxaa uu mr. Dhuubane uu ku dheeraaday amaanka Gobolka weaxaana uu tibaaxay mr dhuubane in ay jiraan dad khal khal ku haya amaanka Pun tland Siiba Gaalkacyo waxaana uu tilmaamay in ciidamada Booliska ay haatan ay gacnta ku hayaan dad lagu qab qabtya Qaskaasi ay gobolka ka wadaan.

 

Xafladaasi ayaa ku soo afmeerantay jawi farxadi ku dheehan tahay iyada oo dadkii soo xaadiray Xafladaasi ay ku kala tageen iyaga oo is marxabeenaya.

 

Mahamud Said Salaad

askar75@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duke what about Kismaayo? Mise as far as you are concerned it is under occupation?

 

 

Waahwaah magaalooyin waaweyn baa Soomaaliya u soo baxay oo Baydhabo, Kismaayo, Hargeysa, Jowhar iyo Beledweyne bedelay what about Carmo, Badhan and so on.....soo saas maahan Duke?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If you can find any news and pics on it by all means provide it.I dont make up the news saxib just provide it.

 

Adeer, Bossaso, Galkacyu, Carmo, Badhan, LA, Qardo,Dhahar are major Somali towns and cities.

 

Shame you dont like them, anyhow I ahev provided the news of Baidoa as well as Mogadishu one has to read.

 

Why you got upset at the Puntland news is yours to explain and live with. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland Celebrates the 1st of July Independence Day

 

Sunday, 01-Jul 2007

 

Puntland celebrated first of July Independence Day, the President, the Vice President, the Speaker of the house, Puntland Government Officials, Traditional leaders, Business leaders and the visiting TFG delegation attended this event at the Presidential Palace in Garowe.

 

The celebration featured speeches, the national anthem and other patriotic themes performed by local Artists.

 

The head of the delegation from the Transitional Federal Government, Deputy Minister of Defense Mr. Salad Ali Jeele said that “This is the celebration day for all of us; it’s also a day to remember those who sacrifice their lives for our independence”

 

 

The President H.E. Mohamud Hersi stated, he still remembers first independent day which unified Somalia. The President added, "I hope that all Somalis around the world can celebrate this day with great pride, I also pray that peace will return to all parts of Somalia Insha'Allah"

 

The President also urged Puntlanders to be aware of those who want destabilize Puntland, “Puntland is a part of Somalia and we will continue to cooperate with the Transitional Government of Somalia in the building of a Federal State".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Duke, When are you gonna show us Beyra? Isku-Shuban, Xaafuun, Isqambuus, Carfuuda, Burtinle, Bursaalax and biyo-kulule celebrations as well?

 

Saaxiib I don't dislike no Somali village but sideedaba I don't like fikredda ah in magaalooyinka caadifadda qabiilka darteed loo buunbuuniyo, haddii ay jiraan sababo muuqda oo degaan uu ku kasbaday ammaan dabcan garab baad iga heli lahayd but simply meeshaan ciddaa degtee halla ila arko ha iga sugin inaan kaaga nacamleeyo. Haddii aad ka wadid 1da Luuliyo ayaa looga dabbaaldegey maxaan u arki weyney tii Beledweyne, Caabudwaaq, Beledxaawo iwm? Teeda kale waxaaba laga yaabaa inaadan weligaa arkin meelahaan aad soo tixeysid oo sida ragga qaarkiis aadan KPP aqoon marka ninyahow isku xishoo oo naga daaf bahashaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Originally posted by Abwaan:

lol...Duke, When are you gonna show us Beyra? Isku-Shuban, Xaafuun, Isqambuus, Carfuuda, Burtinle, Bursaalax and biyo-kulule celebrations as well?

 

Saaxiib I don't dislike no Somali village but sideedaba I don't like fikredda ah in magaalooyinka caadifadda qabiilka darteed loo buunbuuniyo, haddii ay jiraan sababo muuqda oo degaan uu ku kasbaday ammaan dabcan garab baad iga heli lahayd but simply meeshaan
ciddaa degtee halla ila arko ha iga sugin inaan kaaga nacamleeyo. Haddii aad ka wadid 1da Luuliyo ayaa looga dabbaaldegey maxaan u arki weyney tii Beledweyne, Caabudwaaq, Beledxaawo iwm? Teeda kale waxaaba laga yaabaa inaadan weligaa arkin meelahaan aad soo tixeysid oo sida ragga qaarkiis aadan KPP aqoon marka ninyahow isku xishoo oo naga daaf bahashaan.

:D Adeer ninka deegaankiisa waxa ka dhaca hanoo soo tabiyee maad iska dhaaftid, mise lama ogola wanaaga meelahaa ka dhaca in la soo tabiyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this