Sign in to follow this  
General Duke

146 MP's meet in Nairobi+ President Yusuf in Uganda+ Sudan, Ethiopia Egypt meeting

Recommended Posts

Jumatatu   

Xubna kale oo ka tirsan xildhibanada oo sheegay in ay beentahay tirada ay sheeteen kuu waday qiyaamada Qaran

Xubna kale oo tiradooda ku dhaweyd 60 Xildhibaan ayaa gaashanka ku dhuftay wararka ay sheegeen xildhibaanda waday Qiyaamada Qaran kuwaas oo sheegtay in ay maanta soo xadireen xildhibaan kor u dhafaya 146 marka aan is tirin anaga waa noo jediin tiradeena kuwa dalka ku maqana waa qiyaasi kartiin marka mathay ayuu yiri kuwa sheegat tiradaas hadii ay intaas heysan lahayeen wax bay sameynlahayeen hadalna mayeleen ee hingoowgii ku dhacay ayeey iska dhigeen kuwa hadal ka maqlay Kiplagat xalay ilaa saakay ayey wax ka maqli lahayeen ee waxaa noo balan ah casimada dalka ee Muqdisho waa sidoow hadalka u dhigay.

Xildhibaanada oo u eka kuwa taagersan xildhibaanda ku maqan magalada Muqdisho kuwaas oo dadaal ugu jira nabadeenta magalada Muqdisho

Xildhibanda 60ka ahaa ayaa sheegay in ay dhawaan soo sari doonaan warmurtiyeed ku wajahan hadii sidii jabhada loomatali karo Barlamaanka .

Kulankii maanta ay qabteen xildhibaanda oo loo diiday in la tiriya ayaa tiradooda lagu qiyaasay 97 xildhibaan kuwaas oo kuligood ah kuwa taageersan dowlada Itoobiya inta badana xubin ka ahaa golaha SRRCda ee Hawaase,waana kuwa aan Itoobiya la aantood dalka tagikarin hal qof oo tageersana ku laheen gudaha dalka marka lagareeba Maxamuud Sayid Adan iyo Xuseen Ceydiid ..

Isku soo duub waxa hada socda hadaan xal loo helin waxaa soo bixi doonta laba barlamaan oo kala wata laba madaxweyne iyo laba gudoomiya Barlamaan waa caadada laga dhaxlay jabhadaha laga dhaxlay Bur burka dagaalada sokeye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaalida ee ku sugan Nairobi oo isugu yimid Sagret Hotel ee magaalada Nairobi

Somaliweyn- Nairobi- Kenya 22/4/05

 

Kulanka Xubnaha ka tirsan mudanayaalka Baarlamaanka ayaa waxay ahayd in lagu lafaguro Mashaariicda iyo Go'aamada Xukuummadda iyo Dhamaystirka dhismaha Golaha baarlamaanka,ayna doonayaan Xildhibaanadu sida ay sheegeen inay ku dhaqaaqaan ka soo bixitaanka Xilka loo doortay,iyagoo Xildhibaanadu si gacan taag ah ku aqbaleen codsigii uu soo jeediyey Kiplagat ka dib markii Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo u hadlay Xubnaha baarlamaanka ku taliyey in shirka baarlamaanka la baajiyo oo la aqbalo dalabka Kiplagat.

 

Baarlamaan1_22_04_05.gif

 

Kiplagat oo isagu halkaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay inuu dhawaan socdaal ku soo maray dalalka Mareykaanka,Masar,Koonfur Afrika, iyo Nayjeeriya,islamarkaasna dhamaan dalalkaasi muujiyeen inay taageero u heelan yihiin Dawladda FKMG ah,hase yeeshee khilaafka ka soo shaacbaxay ee ka dhextaagan gudaha baarlamaanka iyo Xukuumadda ayuu ku tilmaamay mid u baahan in lagu xaliyo wada hadal,ayna ku dedaali doonaan inay farqiyada jira isu soo dhaweeyaan si looga mira dhaliyo guulihii laga gaaray shirkii dib u heshiisiinta soomaalida.

 

Baarlamaan_22_04_05.gif

 

Betheul Kiplagat ayaa waxa uu la socodsiiyey Xubnaha baarlamaanka inay jirto kulan dhawaan isugu imaan doonaan Deeqbixiyaasha caalamka oo ku saabsan sidii dawladda looga caawin lahaa dib u guuritaanka,islamarkaasn uu ku rajo weyn yahay in kulankaas arrimo wax ku ool ah ka soo bixi doonaa,isagoo sheegay inay dhinaca kale jirto sidii lagu buuxin lahaa kaalintii Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr.Tubman oo hawlgab noqday,ayna socdaan dedaal lagu soo magacaabi doono Wakiil Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya oo ah shaqsi noqon doona mid leh khibrad dheeraad ah.

 

Ugu dambeytii Kiplagat ayaa ku ammaanay dadka Soomaaliyeed in ilaah hibo u siiyey inay khilaafaadka soo dhexmara uga gudbaan iscafis iyo wada hadal ku dhisan samir iyo dulqaad,isagoo ka codsaday Xildhibaanada inay ku dedaal taabo galinta heshiiskii la gaaray.

 

Waxaa halkaa ka hadlay Xidhibaan Adan Maxamed Cali oo sheegay in Xubnaha Baarlamaanka ee Goobta joogaa ay dhanyihiin 146 Xidhibaan isagoo intaa ku daray in Xubnahani yihiin ku wii ugu badnaa ee qabta kulan baarlamaan ,

 

Dhinaca kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xidhibaan Cabdi Warsame ***** oo isaga oo ku hadlayay Gudiga Qabanqaabada Shirka Salaan Diiran gaarsiiyay Xubnaha Xidhibaanada ee Goobta fadhiyay.

 

Kulankan kama uusan qaybqaadan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ku Xigeenkiisa Koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa.

 

Khilaafka xaga Aragtida ah ee u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ma ahan mid farax galinaya Beesha Caalamka oo iyadu Juhdi& Dadaal badan shirka ku bixisay,

 

 

Sidoo kale Umada Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan Daafaha Dunida ayaan iyaduna ku farxayn khilaafkan waloow aad moodo in lagu jiro dadaal la doonayo in lagu dhameeyo Muranka uu dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka,

 

 

Wali go aan cad lagama gaarin Arimo badan oo ay sharciyeyeen Golaha Wasiiradu waloow qaar ka tirsan Golaha Wasiiraduna ay sheegayaan in aan wasiiradu isku raacin go aanka dib uguurista.

 

Hadaba Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka& Xubnaha ugu sareeya Doowlada ayaa ah Qodobadan oo aad moodo in qolabo si udoonayso.

 

1.Go'aankii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD

2.Qorshaha dib u guurista dalka:

 

B. Nabadaynta , dib u heshiisiinta iyo maamul ka dhisidda Degmooyinka iyo Gobollada dalka .

T. Goobaha KMG ahaan Xukuumaddu ku sii shaqayn doonto:Baydhabo iyo Jowhar iyo Muqdisho oo laga furayo xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijka nabadaynta magaalo madaxda.

J. Barnaamijka magaalo madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda hor yaal Golaha Wasaaradda.

 

3.Hub ka dhigista iyo xeraynta maleeshiyooyinka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan muddo saddex(3) bilood gudahood ah.

 

4.Ballan qaad cusub ee xabbad joojin iyo hub ka dhigis oo ay saxiixaan dhammaan xubnaha Xukuumadda ,Baarlamaanka iyo cid kasta oo haysata maleeshiyo hubaysan,ciddii jebisa ballanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada ee caalamiga ah.

 

5.Waa in la sameeyaa hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta iyo hub ka dhigista oo ay hogaaminayaan dalalka IGAD,Midowga Afrika,dalalka Jaamacadda Carabta iyo xubno ka kooban oo ka tirsan beesha caalamka.

 

6.Marka lixdanka(60-ka ) beri ee baarlamaanku dhammaado ,Baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah,haddii amniga iyo nabadaynta magaalo madaxda Muqdisho aanay meel marin mudadaas lixdanka (60-ka) cisho ah,isla markaana aanay soo caddayn Hay'adaha ku xusan qodobka shannaad(5aad) ee isla warqaddan ,shirka Baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jawhar ama Baydhabo.

 

7.Marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ,Baarlamaanka waxaa isugu yeeraya Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah.

 

 

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi

 

Axmeddheere65@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

146Mp's? how many times did we hear this kind of lies from A/Yusuf’s blind supporters. I remember the last lie made in 1 April about 160 mp's. This dudes are so desperate and big time lier's, the guys who goatherd are the same small pro ethiopian group who started the mischief in the parliament after they lost motion against ethiopia entering somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mohamed Dheere is gonna crush those invaders from Guriceel and Hobyo. Ali Mahdi was a weak and inefficient leader - Mohamed Dheere, Mahdi's former money man - will probably finalize his political steps in a head-to-head confrontation with Muqdisho's true leader, Mud. Cabdiqasim Salat Booy.

 

But are they paying attention? Do do they fancy some assistance from Lower Shabelle strongman with the killa name: Indhacade? As the clouds of war once again descend upon Muqdisho, the question is who will strike first? Who will hit hard and who'll crumble under the heat? Will the RRA get another chance to defeat invading USC forces & RRA traitor branch to liberate their land or will they beg for assistance from Imperial Ethiopia?

 

READ ON:

 

Maxamed Dheere oo Guuleystay inuu taageero ka helo Maleeshiyooyin heysta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Hogaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (M Dheere) ayaa ku guuleystay inuu taageero uga helo dowladda federaalka soomaaliya qaar ka mid ah meeshiyooyinka haysta qeybo ka mid ah magaalada muqdisho.

 

Maxamed Dheere ayaa marka hore waxaa uu dhameeyay khilaaf u dhaxeeyay madaxda jufadiisa hoose isagoo heshiis hoose la galay Ganacsade Bashiir Raage iyo weliba C/qaadir Beebe,isagoo kadib fariimo u kala diray madaxda maleeshiyooyinka muqdisho.

 

Maxamed Dheere ayaa dadaalkiisa waxaa uu ku wajahan yahay Beesha Muddulood kadibna waxaa uu taageero ka dalbaday beelaha kale ee Xamar wada degan.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maxamed Dheere taageero xoog leh ka helay maleeshiyooyinka ku wada nool Xaafadaha Yaaqshiid, Boondheere, Fagax iyo deegaano kale.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mohamed Dheere has only proved that the boys in Ceel-Macaane, Bashir Rage, Abukar Cadani and their little warlord Beebe are united in their support for the PM. Together with Hillowle Imaan, Geedi Shadoor and 9 out of the 11 MPs of the clan are united. So were does that leave Musa Suudi and Cumar Finsih?????

 

As for the MP's the list is there 100 names brougt the motion forward the meeting took place and was so important that Kipligat had to intervene to give the Sharif some time to reconsider his position.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mushaharka bixintiisa oo todobaadkan laga dhigay

Ayadoo ay soo baxayaan dhaga adeyga Xildhibaanada ku sugan Muqidsho oo diiday in ay yimaadaan magaalada Nairobi ayaa waxaa si rasmi ah loo bilaabay todobaadkan bixinta Mushaharka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

 

Bixinta Mushaharka oo hada ka hor dib loo dhigay ayaa hada si rasmi ah loo bilaabay in ay qaataan xildhibaanada Nairobi ku sugan ayadoo lacag dhan $1625 (Kun iyo lix-boqol iyo labaatan iyo shan) oo Dollarka Maraykanka ah lasiinayo xildhibaan walba.

 

Lacagta dhan 446.875,- oo Dollarka Maraykanka ah ayaa waxaa bixinaya Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayadoo ay jirto Xildhibaano ku sugan Magaalada Muqdisho oo codsaday in lacagtooda loo soo diro balse loo sheegay in ay yimaadaan magaalada Nairobi oo ah xarunta Dowlada iyo Baarlamaanka.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Mushaharka bixintiisa oo todobaadkan laga dhigay

Ayadoo ay soo baxayaan dhaga adeyga Xildhibaanada ku sugan Muqidsho oo diiday in ay yimaadaan magaalada Nairobi ayaa waxaa si rasmi ah loo bilaabay todobaadkan bixinta Mushaharka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Any other alternative apart from telling they will be paid if they come to Nairobi. Bit of the carrot and the stick I would say. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this