Sign in to follow this  
Cowke

Sanaag Governor Holds Important Meeting With IDPS

Recommended Posts

Cowke   

Allidalaamale(Sanaag) Maamulka Gobalka Sanaag ayaa kulamo la qaatay Dad barakacayaal ah oo ka soo jeeda Goballada Koonfureed ee Dalka Soomaliya, Kadib Markii Dawlada Puntland bilawday Hawlgalo ay ku daad guraynayso qaar ka mid ah Dadka ka soo jeeda Goballada Koonfureed ee Soomaliya.dakdaasi oo looga shakiyay waxyeelenta amniga deeganada Puntland.

 

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Nuur Afdabayl oo aan xiriir la samaynay ayaa Sheegay in Kulamadaasi ay la qaateen Xubno matalayay Dadka barakacayaasha ah ee ku Nool Gobalkaasi kadib Markii Maamulku uu bilaabay Talaabooyin ay Amniga ku xaqiijinayan islamarkaana ay kala simanyihin Goballada kale ee Puntland.

 

Gudoomiyaha ayaa faafaahyay Waxyaabaha Dadkan ay kala hadleen, wuxuuna sheegay in ay soo bandhigeen qodobo dhawr ah oo ay ku Dalbanayaan Wadashaqaynta Maamulka ee Dhinaca Amniga, Waxayna sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay iska soo qabtaan Dadka Gobalka ka gaysta Falalka Amniga Wax u dhimaya ee ku dhex dhuumanaya danyarta soo barakacday.

 

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Nuur Dabayl ayaa sidoo kale sheegay Maamulku in uu diyaar u yahay Diiwaangalinta Dadkan iyo wada shaqayntooda Dhinaca Amniga ah iyagoo tixgalinaya Cabashooyinka Dadkan iyo Xaqa ay u leeyihiin si Nabagalyo leh in ay ula noolaadaan Bulshada Gobalka hadii ay dhinacooda ka adkeyaan amniga loo wada baahanyahay.

 

Waa Markii ugu Horaysay ee Maamul Gobal oo Puntland ka tirsan uu kulan la qaato Dadka barakacayaasha ah islamarkaana uu kala hadlo Arrimo la xiriira Wadashaqayn dhinaca amniga ah tan iyo markii Dawlada Puntland ay bilawday Hawgallada Amniga la xiriira.

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Majority of IDPs in Sanaag are of Maakhirian origin from places like Mogadishu, Bay and Lower Juba. In fact, Laas Qoray employs more of IDPs from the South than the natives. The Governor along with the esteemed elders understand the economic consequence of such arbitrary and unlawful measure designed to depopulate the region from its people.

 

The UN has already condemned it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this