Sign in to follow this  
General Duke

Waxaa la gaaray xiliguu Dalabeey dhawaaqi jiray!

Recommended Posts

sharif2sharif.jpgKhilaafka labada Shariif oo cirka isku shareerey

25 Oct 25, 2010 - 8:57:39 AM

 

Madaxweyne Sh. Shariif oo eedeeyay Shariif Xasan Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ku eedeeyay war-saxaafadeed uu kasoo saaray Villa Somalia Gudomiyaha Barlamaanka DF Shariif Xasan Sh. Aadan, isagoo ku eedeyay inuu ka horyimid dastuurka dalka iyo ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub.

 

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Sh. Shariif uu xaq u leeyahay inuu magacabo Ra’iisul wasaraha, balse baarlamaanku uu xaq u leeyahay inuu ansixiyo, sidoo kalena uu awood u leeyhaay inuu diido.

 

“Afhayenka Barlamaanku, wuxuu si cad u khilaafay dasturka dalka u yaala, wuxuna ku xadgudbay dasturka, mana jirto ra’iisul wasare uu Madaxweyne soo magacabay oo uu diiday barlamanka tan iyo 1960-kii” ayaa lagu yiri war-saxaafadedka uu soo saaray Madaxweyne Sh. Shariif.

 

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in arrinta uu sameeyay Shariif Xasan ay tahay mid ugub ku ah Golaha Baarlamaanka, welina aysan dhicin in baarlamaan Soomaaliyeed uu diido Ra’iisul wasaare la magacaabay.

 

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif, ayaa [Oct 14], u magacabay Ra’iisul wasare cusub Max’ed C/llaahi Max’ed [Farmajo], iyadoo [Oct 20], uu hortagay barlamanka, isagoo jeediyay khudbad uu kaga hadlay howshiisa, waxaase xildhibaanada baarlamaanku ay isku khilaafeen ansixinta Farmajo.

 

“Gudoomiyaha Baarlamanku wuxuu shaaca ka qaaday markii loo diyaargarobayay inuu hayo laba mooshin oo iskasoo horjeeda, iyadoo 140-xildhibaan ay ku baaqeen in codka gacan-taaga ah loo qaado Raíisul wasaaraha, halka 40-Xildhibaan oo kalena ay codsadeen in codka qarsoodi laga dhigo” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

 

Warbixinta, waxaa lagu sheegay in kalsoonida la siiyo ay ku xiran tahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, iyadoo Madaxweynuhu uu ka codsaday xildhibaanada inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub.

 

Qodobbo badan, oo ka mid ah Dastuurkii 1960-kii, kuwaasoo lagu sheegay in Shariif Xasan uu ku xadgudbay dastuurka, iyadoo ay jiraan mudanayaal dhowr ah oo ku hanjabay inay ka geyn doonaan Mooshin, haddii uusan ka laaban go’aanka uu ku diidan yahay Ra’iisul wasaaraha.

 

Gudomiyaha baarlamaanka, ayaa la sheegay inuu kasoo horjeedo Ra’iisul wasaraha cusub, waxaana la safan mudanayaal badan, kuwaasoo ku adkeysanaya in codka kalsoonida laga dhigo mid qarsoodi ah.

 

Khilaafka soo dhexgalay labada Shariif, ayaa noqonaya kii ugu awooda badnaa ee soo dhexgala labadan mas’uul oo saaxiibo isku dhow ahaa tan iyo markii ay burbureen Maxkamadihii Islaamka.

 

Guddoomiyaha Barlamanka oo jawaab ka bixiyey

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn kaga timid Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo ay saaxiibo isku dhow ahaayeen tan iyo [2006], xiligaasoo isagoo ah Afhayeenkii TFG uu la goostay xildhibaano kuna biiray Midowgii Maxkamadaha.

 

Shariif Xasan oo war-mutiyeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho oo ku dhow kan Madaxweyne Shariif, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu faragelin qaawan ku hayo arimaha dastuuriga ee Baarlamanaka, isagoo ka dalbaday inuu faraha kala baxo.

 

"Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha Somalia oo ay ahayd inuu dastuurka ilaaliyo uu isku dayo inuu burburiyo, isagoo gacanta kula jira howlaha baarlamaanka" ayuu Shariif Xasan ku yiri warbixintiisa.

 

Afhayeenka Baarlamaanku, wuxuu sheegay in isagoo qadarinayo axdiga KMG ah iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka uu codka lagu ansixiyo Ra'iisul wasaaraha ka dhigayo qarsoodi, isagoo sheegay in qorshihiisa uusan ahayn in kalsoonida loo diido Farmajo.

 

"Codka kalsooni siinta Ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia wuxuu noqonayaa mid qarsoodi ah, iyadoo la raacayo qodobka40-aad ee Dastuurka iyo qodobka 49-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Shariif Xasan, wuxuu sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo wada qorshe ay ku qasayaan howlaha baarlamaanka, wuxuuna mudanayaashaas uga digay inay sii wadayaan qorshayaashaas gurracan.

 

"Xildhibaannada Baarlamaanku, waxay kulamayaan maalinta Arbacada ah si ay cod ugu qaadaan Ra'iisul wasaaraha cusub, codkuna wuxuu noqonayaa mid qarsoodi ku dhaca" ayuu yiri Shariif Xasan oo ka codsaday AMISOM inay amaanka sugaan.

 

Ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Somalia ayuu ka codsaday inay u soo diraan dalka Somalia ergooyin goobjoog uga ahaada sida ay u dhacayso codeynta.

 

Madaxweynaha Somalia, ayaa warbixin uu xafiiskiisa kasoo saaray shalay oo Axad ahayd ku sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu si cad ugu xadgudbay dastuurka, kaddib markii uu la saftay dhinac ka mid ah xildhibaano kala watay laba mooshin kuwaasoo ahaa in codeynta laga dhigo gacan-taag iyo in laga dhigo qarsoodi.

 

Waa markii ugu horreysay oo khilaaf intaan le'eg uu soo dhexgalo labada Shariif oo midkood loo yahay Soddog, waxaana wararka laga helayo Villa Somalia ay xusayaan in labada mas'uul aysan muddo todobaadyo ah kulan gaar ah yeelan.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Widen dispute between Somalia President and Speaker over approval of PM

25 Oct 25, 2010 - 3:44:13 AM

 

Political disagreement between Somali President Sheikh Sharf Sheikh Ahmed and parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Aden boiling up Sunday after the Ahmed accuses parliament speaker of not approving the new premier.

 

The presidential statement said that the state laws provide sufficient means for the House to engage in the process of approving or rejecting the new premier.

 

“The 1960 constitution decreed the assembly should express confidence or no confidence in the prime minister in an open vote requiring a simple majority, the speaker interfere the law of the house,” said the open statement.

 

President Ahmed last week appointed US-educated former civil servant Mohamed Abdullahi Mohamed to lead his government.

 

Ahmed urged in the statement that Sharif Hassan Sheikh Aden has starved of members of the Parliament to utter their view through endorsing the new premier.

 

“The speaker has two motions one of which --140 lawmakers--is requesting a vote in open vote, and the other—40 MP’s--is requesting a secret ballot,” said the president in the statement.

 

“Therefore, I call upon the Speaker of Parliament to uphold the law and to not obstruct lawmakers from discharging their solemn constitutional duties, especially at this critical time when we need a government that can stand to address the mammoth tasks facing it” the statement added.

 

President Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed alias Farmajo as new prime minister to replace the PM Omar Abdirashid Ali Sharmarke who resigned on 20th of September 2010.

 

On the other hand, Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden has also released a memo later on Sunday accusing the president of creating confusion within the Somali government.

 

“we should use what our constitution says, the vote of confidence for the new premier will be use secretly according to the constitution article 43 in the new constitution,” said the Speaker.

 

According to the constitution, Failure to conform and apply the provisions of article 30(6) which categorically states that any motion contravening the Sharia Law, the Charter or the Constitution and the other laws shall be null and void. The motion requesting secret vote contravenes article 82(2) of the 1960 Constitution.

 

The speaker also appealed the international community to send observers to see how Wednesday’s vote will take place.

 

The TFG has been plagued by disputes and power struggle since it was first assembled at the end of the Nairobi Conference, Kenya in 2004.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah

“codaynta kalsoonisiinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacantaag sida uu qabo xeerhoosaadka oo qeexaya in kalsoonisinta wasiirka koowaad ay tahay...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this