Sign in to follow this  
Gabbal

Successful conclusion. May Alllah (SWT) let the rest of Somalia reach this stage!

Recommended Posts

Gabbal   

Mudane Xuseen Fareey Oo Ku Guuleystay Doorashadii G/GEDO

Apr 29,2008

by Garbahaarey-GEDO-NN

 

Maamul cusub ayaa maanta loo sameeyey Gobolka Gedo kadib markii dhowaan lagu guuleystay in maamulo heer degmo ah loo sameeyo ilaa 6degmo oo ka tirsan Gobolkan, iyadoo maamulka maanta la doorteyna uu bedeli doono maamul heer gobol ahaa uu Madaxweynaha KMG u magacaabey Gobolka Gedo mudo laga joogo labo sano.

 

Tartanka Doorshada uu si habsami leh ugu dhacay Xarun ku taala Magaalada Garbahaarey ayaa jawiga waxuu ahaa mid si weyn loo soo agaasimay,waxaana Goobta doorshada goob jog ka ahaa dadweyne kor u dhaafayey Boqolaal dadweyna ah,oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tiran Barlamaanka KMG iyo Wakiilo ka kala socdey Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo wasaarada Gobolada iyo dib u heshiisiinta DF.

 

Jagada Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo ay u tartamayeen ilaa 3Xubnood ayaa waxaa ku guuleystey codoyntii la sameeyey Xuseen Sh.Cabdi Ismaacil(Xuseen farey)oo tiradii codadkii 32 xubnood ahayd ayaa waxaa uu ka helay ilaa 19 xubnood,sidoo kale Jagada Gudoomiye ku xigenka labaad oo labo qof ay u tartamayeen ayaa waxaa ku guuleystey Maxamed Cabdi Kaliil oo helay ilaa 20 cod.

 

Sidoo kale Jagada Gudoomiye ku xigenka Labaad oo ay u tartamayeen 3 qof ayaa waxaa ku guuleystey Maxamed Xuseen Buraale(John) Cod dhan 26 xubnood,waxaana isla maanta halkaasi lagu soo gabagabeeyey olole tartan doorasho oo in mudo ahba ka soconayey Degmada Garbahaarey.

 

Markii lagu dhawaaqey in Xusen Farey uu ku guuleystey Jagada Gudoomiyaha Gobolka ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey Gudoomiyahii xilka sii hayey Aden Ibraahin Aw-xirsi ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo nidaamka ay ku dhacday doorshada,waxuuna balan qaadey in uu la shaqeyn doono Gudoomiyaha Cusub.

 

Gudoomiyaha Cusub oo la hadleyey dadweynaha iyo Masuuliyiintii kala duwaneyd ee goob jooga ka ahaa doorashada ayaa isna waxuu balan qaadey in si daacadnimo ah uu ugu shaqeyn doono bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo.

 

Waa markii labaad tan iyo waxii ka dambeeyey burburkii dowladii hore ee Soomaaliya maamul heer gobol ah loo sameeyo Gobolka Gedo,sanadkii 2005 tii ayey ahayd markii ugu horeysay oo Maamul heer gobol ah loo sameeyo Gobolka Gedo,xilligaasi oo maamul ay so dhistey UNOSOM ay doorteen Gudoomiye Gobol iyo ku xigeeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

ka%20qeyb%20galayasha.JPG

 

gudoomiyaha%20Gobolka%20iyo%20labadiisa%

New Gov. Xuseen Shiikh Cabdi Ismaacil in the dark blue. Congrats!

 

Gudoomiyaha%20cusub%20iyo%20kii%20hore.J

TFG (Abdullahi Yusuf) appointed gov Cirro O-Xirsi congratulates Governor-elect Xuseen!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

That is nice news coming from Gedo. Ilaahay Khayr hakadhigo. Hornoow, waa arin lagu farxao walaal, ilaahay nabada Soomaliya oo dhan hagaarsiiyo.

 

Jacaylbaro = SomaliLand :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Jb, adigu sow maahayn garaadki yiri bishiiba laba jeer ayaan war so bandhigaa ee maxaa layga rabaa markaan warkaas soo bandhigo? :D

 

Alxamdulilaah JB-oow!

 

Dhubad, ilaahay Somaliyoo idil nabada ha gaarsiiyo aamiin sax baad ku tahay adeeroow. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this