Sign in to follow this  
General Duke

Who's who list of top road block [Isbaaroo] owners of Mogadishu.

Recommended Posts

Magacyada Siyaasiyinta Isbaarooyinka u taala

Bartamaha Magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo 45 Isbaaro ayaa sida la xaqiijiyay waxay ku teedsan yihiin gudaha magaalada muqdisho,kuwaas oo inta badan Maamulaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka soomaaliya.

 

Wadada ka timaada dhanka Degmada Afgooye ayaa waxaa isbaarooyin u taala Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato),Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha Xuseen Maxamed Caydiid.

 

Wadada Wadnaha ayaa sidoo kale waxaa isbaaro u taala Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga Qaranka Xuseen Caydiid iyo Maxamed Qanyare.

 

Jidka ka yimaada Jowhar ilaa iyo Balcad soona gala gudaha magaalada muqdisho waxaa is baaro u tiila Wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka, bootaan Ciise Caalim, Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi iyo weliba Maxkamadaha Islaamiga.

 

Xaafadaha Shibis,Boondheere, Shangaani, C/siis,Maana-booliyo ayaa waxaa isbaaro u taala maleeshiyooyin kala taageera Ganacsade Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe.

 

Degmada Kaaran ilaa iyo 6 Isbaaro ayaa ku teedsan waxaana iska leh Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

 

Xaafadaha Suuq Bacaad iyo Siinay ayaa yaala isbaarooyin ay dhigteen maleeshiye la sheegay inay ka amar qaatan Maxkamad halkaas ku taala.

 

Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada muqdisho ayaa ah kuwa lacag baad ah lagu qaato,dadweynaha ayaa dhib badan kala kulma,iyadoo ay saas tahay ayaa haddana hogaamiyayaasha Isbaarada u tiilay waxay ka mid yihiin dowladda federaalka soomaaliya.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar cawaantaan cid iska dhicisa miyaa la waaye? Reer USC have justified their unjustifiable attempted extermination of certain Somali clans in the early 1990s by saying that Somali govts between 1960-1991 had committed injustices against them. However, they've been held hostage by their own armed USC brethren for 15+ years - and the injustices incurred during this period outnumber those of the past. Yet, there's no action to even attempt to 'free' themselves from the shackles of warlordism. Where's the revolution now, when its needed the most?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this