Sign in to follow this  
Juje

Amiirka Al-shabaab Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr oo ka hadley Somaliland.

Recommended Posts

Juje   

Amiirka Al-shabaab Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr oo ka hadley Somaliland.

 

Amiirka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaabul Mujaahidiin Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr oo fariin cod ah soo gaarsiiyay Saxaafadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu uga hadlay Xaaladaha Amaan, Dhaqaale, Siyaasadeed & Maamul ee Somaliland.

Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr, waxa uu sheegay 18 Sano ka dib Shacabka Somaliland, wax hormar ah oo lataaban karo inaaney gaarin, ayna la degeen Maamulo xun oo dhinac walba ka cunaqabateeyay.

Dhaqaalihii wadanka ayuu ku ku sheegay Hadalkiisa in loo gacangeliyay Shisheeye, sida Xoolihii Noolahaa oo loo xanibay Ganacsade Shishee iyo Dekeda Ber-bera oo iyana Shisheege loo gacan geliyay.

Shaqo la’aan baahsan oo ka jirta Wadanka ayuu sidoo kale ka hadley Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr, waxa uuna sheegay dhalintu inay arintaa daraadeed Tabriib ku dhamaadeen. Inta yar ee la shaqaaleysiiyay Shacabka laga dhigey Dhar-cad.

Xidhiidhka Maamulka Rayaale & Itoobiya ka dhaxeeya ayuu sidoo kale ka hadley, waxa uuna arintaa ku tilmaamey mid khatar weyn oo dhan walba ah dalka iyo dadkaba ku ah.

Fariinta Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr ayaa sidoo kale xambaarsaneyn fariin u shacabka Somaliland kula hadlayay, waxa uuna kula taliyay Dhaqan gelinta Shareecada Islaamka inay u istaagaan kana tashadaan Maamul uu ku tilmaamey dhuuniqaatayaal danahooda mooyaani cidkale aan dan ka laheyn.

Culimada iyo waxgaradka ayuu sidoo kale la hadley waxa uuna kula taliyay inay u istaagaan hanuuninta, wanaajinta iyo badbaadinta Shacabka, Cilmigoodana uga faa’iideeyaan.

Dhalinyarta ayuu sidoo kale Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr la hadley waxa uuna kula taliyay inay dowrkooda badbaadinta Umada uga aadan u istaagaan.

Ugu danbeyntii Shacabka ayuu si guud ula hadley waxa uuna ugu baaqey inaaney soo dhaweysan Itoobiya iyo wax la hal maala, guryahooda ayna ka kireynin kana agdhaawin meel ay joogaan.

Fariintan uu Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr u dirtey Maamulka Somaliland oo noqoneysa tii ugu horeysay, iyada oo cod ahna laga sii daayay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaanu jirin hadal jawaab u ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxey dhanka Maamulka Somaliland.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

there are so many fake sheikhs making “loud noises" like this guy ..shacabki muqdisho ayuu barakiciyay markaasu umad kale kumashqulaya oo fitno inu kadhexd haliyo rabaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Look who is talking? He's the only one who actually murdered innocent people in Hargeisa. Talking about hypocrisy. He's barking out of his butt-hole!

 

Tell him there is a bullet waiting for him in every corner in Somaliland!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

Bring it on boy .............. let's see what u got here you bloody vampire.

Dey he hadu cabsi bilabey - war wax ku sosocda malahe dhexda dhuqso... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa hadalkii Amirka waxa uu ku tilmaamay mid dhibaato looga abuurayo deegaano hadda degen oo katirsan gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya .

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this