Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale pacifying Somali-Ethiopian border lands.

Recommended Posts

Gabbal   

wafti2.jpg

 

 

 

 

Wasiirka Dib-udhiska DFKMG Bare Aden Shire (Hiiraale) oo gaarey Degmada Ceelwaaq ee G/Gedo

 

Wasiirka Dibudhiska DFKMG ah ee Soomaaliya Bare Aden Shire iyo wafdi Balaaran uu hogaaminayo ayaa xaley Goor dambe gaarey degmada Ceelwaaq ee G/Gedo oo maalmaha inagu soo aadan lagu wado in halkaasi ay ka furmaan wadahadalo nabadeed oo lagu dhameystirayo heshiisyo horey ay u wada gaareen beelo halkaasi ku dagaalamay.

 

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa Ceelwaaq ku soo dhaweeyey Ma,uuliyiin,saraakiil,Odoyaal iyo waxgarad ka kala tirsan Beelaha deegaankaasi wada dega,waxaana Degmada Ceelwaaq iminka ku sugna ergooyinkii labada Beelood ugu qeyb qaadan lahayd Wadahadalada nabada.

 

Barre hiiraale oo la hadleyey Gedonet ka hor intii uu shaley galab ka ambabixin Degmada Baardheere ayaa sheegay howlaha kale uu qaban doono marka lasoo gabagabeeyo arinta Ceelwaaq inay tahay howsha nabadeynta G/Gedo oo la dhameystiro iyo dhismaha Maamulada Gobolka oo uu sheegay in laga soo qorsheeyey Baydhabo,waxaana u dhan ayuu yiri Xubnaha labada Gole Dowlada ee ka soo jeeda Gobolkan iyo hogaamiyayaasha Dhaqanka oo uu ka mid yahay Ugaas Cumar Ugaas Xirsi,kadib shir aanu ku yeelanay dhamaanteen Magaalada Baydhabo.

 

Wasiirka ayaa soo hadal qaadey arinta Maamul goboleeddka JUBBALAND oo ay ku midaysan yihiin 3da Gobol ,waxuuna sheegay Xubnaha Labada Gole ee ugu jira Goboladaasi inay isku afgarteen dhismaha maamulkaasi,isagoona xusey Qodobo dhawr ah oo ay u heshiiyeen oo kala ah in marka hore shacabka Goboladaasi laga dhaadhiciyo Qorshahaasi,lana sameeyo maamulada Degmooyinka Goboladaasi,howlahaasi ayuu tilmaamay in dhamaan la guda geli doono 7 cisho ka dib marka uu soo dhameeyo arrinta Ceelwaaq.

 

A C Saalixi

Gedonet

 

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this