Sign in to follow this  
Juje

Xoogagii Xisbul Islaam o Dowlada isku soo dhiibay

Recommended Posts

Juje   

War deg deg ah: Xoogagii Xisbul Islaam ee ka dagaalamayay Waqooyiga Muqdisho oo gebi ahaantood isa soo dhiibay

 

War goor dhow soo gaaray Xafiiska Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Xoogagii Xisbul islaam ee ka dagaalamayay qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho ay isku soo dhiibeen Dowladda KMG.

 

Wararka ayaa xaqiijinayay in Xoogagan oo aad u fara badan, isla markaana ahaa kuwii aagaga kaga jiray Isgoyska Siinaay iyo Afarta Jardiino ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee halkaas iyana ku hor fadhiyay.

 

Xogog ku aadan jiritaanka warkaas ayaa sidoo kale sheegeysa in Ciidamadan oo ay wataan Saraakiil ay shambalka isa saareen ciidamadii kale ee Dowladda ay iska soo horjeedee, taasoo dadka deegaanka ay aad ula yaabeen.

 

Sidoo kale Xoogaga qaar ee isu soo dhiibay Dowladda ayaa loo kaxeeyay dhinaca Xarunta Degmada Boondheere, halkaasoo ay ka dhacday is marxabeyn oo ay Ciidamada mid mid la arkayay iyagoo is xabad gelinaya.

 

Labada ciidan ayaa ah kuwo hada isla jooga, bedelkii horay ay ahaayeen kuwo is dili jiray oo ay Dooli iyo Mukulaal isku ahaayeen, hase yeeshee tallaabadan ayaa aad u farxad gelisay dadka deegaanka oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah in Walaalo shalay is dilayay maanta ay heshiiyaan.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu jiray wada hadal hoose oo ay gadaal ka riixayeen Odayaasha deegaanka, kuwaasoo wada hadal mudooyinkan kula jiray Saraakiishii Xoogaga Xisbul Islaam ee aaga waqooyi.

 

Dhinaca kale markii waxaa goor dhow dib u furmay isu socodkii gaadiidka ee Isgoyska Afarta Jardiino, waxaana la arkayay gawaarida oo si caadi u marayay wadada Laamiga ee Maanabooliyo ilaa Suuq Bacaad oo aheyd mid ay ka go'neyd Isgoyska Jardiinka, waxaa kaloo caadi ah Isgoyska Siinaay oo muddo shan bilood ay aheyd aag dagaal.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Cawaale:

What is so gr8 about WAR?

I'n not saying gr8 to war, but gr8 to those that came back from takfiirnimo. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Juje:

Labada ciidan ayaa ah kuwo hada isla jooga, bedelkii horay ay ahaayeen kuwo is dili jiray oo ay Dooli iyo Mukulaal isku ahaayeen, hase yeeshee
tallaabadan ayaa aad u farxad gelisay dadka deegaanka oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah in Walaalo shalay is dilayay maanta ay heshiiyaan.

Another reason why it's gr8. Need more yaa Cawaale? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^lol@the takfiirnimo.

 

isma dhaanto iyo dhasheeda aan maqli jiray.

 

laakin waa runtaa, atleast kuwan isku imaashahooda, dagaalka aa yaraanaayo. waxii intaan ka dmabeeya ismiidaamin iyo afkoo layska caayo aa soo hareeyso. nabad ma dhowo kolley!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this