Sign in to follow this  
QabiilDiid

Northern Somali Unionist Movement (NSUM)

Recommended Posts

LONG LIVE...ANY GROUP OR GROUPS WHO UNITE TO OPPOSE THE DESTRUCTION OF THE REPUBLIC OF SOMALIA

 

If you want scroll down to the English version!!! Yaa salaam!!!

 

 

Sweden Monday, February 4, 2008

 

Northern Somali Unionist Movement (NSUM)Ururkan waxaa ku Midoobay Qurba Joogta SSCayn Waxaana Maanta

 

000000soma.jpg

 

Looga Dhawaaqay wadanka Sweden,Ururkan ayaa ka shaqaynaya danaha Guud ahaan Danaha Soomaaliya ,gaar ahaan SSCayn,Ururka ayaa maanta Soo Saaray Qoraal ka hadlaya hadafka loo aasaasay iyo waxyaalaha uu qaban doono hadu alle idmo,Ururkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ka hadla Dhibta..

Northern Somali Unionist Movement (NSUM)

 

Iyada oo laga dheregsanyahay dhibaatooyinka kala duwan ee ku habsadey Soomaaliya illaa iyo intii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991;

 

Iyada oo laga duulayo shidada ay abuureen beelaha ku dhaqan waqooyiga galbeed ee Soomaaliya. Kuwaas oo dhoobdhoobtay maamul kusheeg hal qabiil ka kooban, kuna dhawaaqay in ay ka go’ayaan Soomaaliya inteeda kale, iskuna magacaabay ”Somaliland”, oo ahaa magacii loo yaqaaney dhamaan gobolada waqooyi ee Soomaaliya xilligii gumaysiga;

 

Iyada oo laga jawaabayo duulaankii iyo qabsashadii magaala madaxda gobolka Sool (Laascaanood) ay qabsatay beesha ku dhaqan gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya oo ay horkacayso SNM bishii Oktobar 15-keedii 2007. Kuwaas oo talada dayaysan oo SNM tusay in qabsashada Laascaanood ay u keeneyso ama soo dedejinayso aqoonsigii ay mudada dheer dadkooda ku mihinayeen, in badana aduunweynaha ka jeeqaaqayeen;

 

Iyada oo la tixgelinayo baaqii Isimada SSC ay ka soo saareen shirkii Boocame ka dhacay Noofambar 2007, baqaas oo si cad loogu muujiyey in gobolada SSC ka tirsanyihiin dawlad goboledka Puntland, isla markaana ku aadanaa sidii looga xoryen laha dhamaan degaanada SSC, gacanta huwanta soo duushey ee SNM horkacayso;

 

Arrimahaas kor ku xusan oo dhan iyadoo maanka lagu hayo, waxa shirar isdabajoog ah oo ay yeesheen qorbajoogta reer SSC ka dib la goostay in lagu dhawaaqo urur ama dhaqdhaqaaq dallad ah oo metelaya gobolada SSC, una taagan qurbajoogta iyo ururada goboladaas. Ururka waxa loogu walqalay, Ururka Midnimada ee Waqooyiga Soomaaliya (UMWS);

 

Inkasta oo dadka ururkan soo unkay ka soo jeedaan gobolada SSC, ururka himilooyinkiisa iyo hadafkiisu waa mid ay ku dheehan tahay midnimada soomaaliyeed, ujeedooyinka loo aasaasayna waxaa kamid ah:

 

• Ilaalinta midnimada Soomaaliya. Taas oo xoojinteeda iyo difaaceeda looga halgamayo heer qaran, qaaradeed iyo heer aduunweyneba. Isla markaasna la is hortaagayo cid kasta oo ku talaabsanaysa kala dhantaalidda midnimada Soomaaliya, ayna ugu horeeyaan beelaha ay SNM hogaaminayso iyo wixii la halmaala.

• In uu ka shaqeeyo sidii gobollada SSC looga xoreyn lahaa beelaha is-huwan ee SNM hormuudka u tahay ee kuu soo qaaday duulaanka qaawan, qaybo ka mid ahina gacantooda ku jiraan.

• In lagu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xasiloonida iyo nabadgelyada gobolada SSC iyo beelaha dariska la ah.

Northern Somali Unionist Movement (NSUM) is a grass roots Somali organization whose members and supporters hail from Sool, Sanaag and Cayn regions in the Northern regions of Somalia(formerly British Somaliland) and whose clan in these regions do not identify with the one -clan-driven secession calling themselves” Somaliland”. NSUM stands for the promotion of peace and unity among the long-suffering people of Somalia. InfoDesk_2008-02-03(1afs) Northern Somali Unionist Movement (NSUM) is a grass roots Somali organization whose members and supporters hail from Sool, Sanaag and Cayn regions in the Northern regions of Somalia(formerly British Somaliland) and whose clan in these regions do not identify with the one -clan-driven secession calling themselves” Somaliland”. NSUM stands for the promotion of peace and unity among the long-suffering people of Somalia. InfoDesk_2008-02-03(1afs)

 

• In la xoojiyo midnimada dadka reer SSC, lana adkeeyo dhaqanka walaanimada, wada dhalashada iyo wada noolaanshaha, lagana feeyigaado wixii kala dhantaalaya midnimadooda iyo horumarkooda.

• In bulsha weynta SSC lagu wacyi geliyo kala dambaynta lana tuso wanaagga ka dhalan kara kor u qaadidda adeegyada kala gedisan ee bulshadu u baahantahay sida: daryeelka caafimaad iyo waxbarashada.

• In gacan laga geysto sidii loo gaadhi lahaa xukun soo hooya ama looga aayo dimoqraadiyad, xorriyad iyo sinaan heer qaran iyo mid gobolba.

• In loo qalabqaato lana badhitaaro horumarka bulshada SSC iyada oo il garaa lagu eegayo dhaqaalaha bulshada iyo siyaasada, gacansaarna lala yeelanayo ururada ka jira wadanka gudihiisa iyo kuwa caalamiga ahba.

Si ay u hirgalaan ujeedooyinka iyo himilooyinka kor ku xusani, UMWS wuxu wada shaqeen la yeelandoonaa dhamaan ururda kale ee sida gaarka ha ugu feydan nabadda, midnimada iyo hurmarka gobolada SSC iyo guud ahaan soomaaliweyn sida: dawlad goboleedka Puntland, dawladda federalka soomaaliyeed, dawladaha shisheeye ee horumarka taageera, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka.

 

Gudoomiyaha, NSUM

 

Mohamed Ali Mirreh

 

waxaad kala xidhiidhi kartaa guddoomiyaha

 

mmirreh@hotmail.com

 

Northern Somali Unionist Movement (NSUM)

 

Bearing in mind the precarious situation that has prevailed in Somalia since the collapse of the central government on 1991;

 

Cognizant of the particular crisis in the NW regions of Somalia in which one clan had declared the secession of the regions from Somalia, and calling itself Somaliland, (the former colonial name of the area), thereby endangering the unity, peace and stability of the regions;

 

Taking into account the invasion and occupation of Sool region of Somalia and its capital Lascanod on 15 October 2007 by the one-clan based secession in the misguided belief that this would enhance their prospects for interantional recognition;

 

Responding to the declaration of the Garads(Chiefs and traditional leaders) from Sool, Sanaag and Cayn (SSC) regions of Somalia at their conference at Boame town, Sool on November 2007 in which they called for the liberation of Sool from the secessionists and the defence of Somali unity;

 

In the light of the above, and effectively from the date carried by this announcement, the people from SSC regions of Northern Somalia have established the Northern Somali Unionist Movement (NSUM), an umbrella organisation that will represent them and all the Diaspora organisations belonging to these regions. The NSUM, whose members are drawn from Sool, Sanaag and Cayn (SSC) regions of Northern Somalia, but not exclusively, is mandated to inter alia pursue the following objectives:

 

• Defend Somali unity at the international, interregional, and national levels and counter secession and other threats to Somali unity particularly in the NW region where one clan has declared secession from Somalia:

• Promote peace within the SSC regions and with other neighbouring clans:

• Promote the unity of the people in the SSC regions, strengthen the traditional institutions and assist in conflict prevention and resolution,

• Through relevant information dissemination, enhance the awareness of the people in the SSC regions on critical matters relating to their welfare such peace, health, education and good neighbourliness with other regions;

• Promote good governance, democracy, human rights and the rule of law at the SSC and national levels;

• Promote the socio-economic and political development of the SSC regions in collaboration with development partners at the national and international levels

In pursuing the above-mentioned objectives, NSUM is to work closely with other partners, such as the central government and its organs and institutions, foreign governments, international and regional aid

 

Northern Somali Unionist Movement (NSUM) is a grass roots Somali organization whose members and supporters hail from Sool, Sanaag and Cayn regions in the Northern regions of Somalia(formerly British Somaliland) and whose clan in these regions do not identify with the one -clan-driven secession calling themselves” Somaliland”. NSUM stands for the promotion of peace and unity among the long-suffering people of Somalia. InfoDesk_2008-02-03(1afing) Northern Somali Unionist Movement (NSUM) is a grass roots Somali organization whose members and supporters hail from Sool, Sanaag and Cayn regions in the Northern regions of Somalia(formerly British Somaliland) and whose clan in these regions do not identify with the one -clan-driven secession calling themselves” Somaliland”. NSUM stands for the promotion of peace and unity among the long-suffering people of Somalia. InfoDesk_2008-02-03(1afing)

 

agencies, and international and other national NGOs in the quest for peace, unity, and development in the SSC regions and the wider Somalia.

 

Chairman, NSUM

 

Mohamed Ali Mirreh

 

waxaad kala xidhiidhi kartaa guddoomiyaha

 

mmirreh@hotmail.com

 

Xargaga Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Excellent idea indeed Nayruss,,,any group that canpaigns for somali unity and oppose the clanish separatist idea for dividing the REPUBLIC is most welcome.

 

LONG LIVE SOMALIA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this