Sign in to follow this  
Suldaanka

Sister of famous Somali singer Fadumo Qasim Hillowleh comes to Hargeisa

Recommended Posts

normal_Muslim0.jpg

 

Hargeysa(Jam)-Fanaanadda Muslimo Qaasim Hilowle, oo ay Walaalo yihiin Hoboladda Caanka ah ee Faadumo Qaasim Hilowe, ayaa hadda socdaal ku joogto Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii ay ka soo kicitintay Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo ay muddooyinkan dambe degenayd.

 

Muslimo Qaasim, oo ah Fanaanad ku caan baxday Tumista Miyuusiga, gaar ahaan Oorganka, isla markaana ah Heesaa cod macaan sida Walaasheeda ka weyn eeFaadumo Qaasim Hilowle, waxa ay sheegtay in ay si weyn ugu faraxday socdaalkeeda Hargeysa ay ku timid oo ay ugu dambaysay Sannadihii Sideetamadaadkii, “Hargeysa hadda waxaan joogaa muddo Toddobaad ah, waxaanan kala kulmay soo dhawayn diiran, Hargeysa oo ay iigu dambaysay wakhtigii aan ka tirsanaa Hobaladii Waaberi, waxaan ka dareemay isbedel balaadhan oo dhinacyo badan leh. Mar walba waxa dhegahaygu ay Hargeysa ka maqlayeen wax wanaagsan wixii aan ka maqli jirayna waan ku arkay waana dad aad u dad jecel oo soo dhawayn Wanaagsanâ€

 

Muslimo Qaasim Hilow, oo uu Weriye Maxamed-Rambo, ku booqday guriga Fanaanadda Saafi Ducaale, oo ay xilligaas ku sugnayd, ayaa waxa ay sheegtay inay Magaalada Hargeysa ku qaban doonto bandhig Heeseed, kaas oo dhici doona Jimcaha Toddobaadka dambe. Waxa ay Fananaanadu sheegtay in Magaalada Hargeysa ay u samaysay Hees gaar ah, taas oo ay Weriyihii ku maqashiisay Miyuusug iyo codba .

 

Midhaha Heestaas ay Muslimo u samaysay Magaalada Hargeysa waxa ka mid ah:

 

Ninkii Diidi lahaayoow, Ninkii Dooni lahaayoow, ninkii Duuli Lahaayoow Dawo Eebe na siiyo Hargeysa waa nabade. :D:D

 

Muslimo Qaasim Hilowle, oo la weydiiyay bal Heesta ay ugu jeceshahay Heesaheeda, waxa ay sheegtay inay ugu jeceshahay laba Heesood oo kala ah Wanaajinteeda iyo Maxaad Wakhtiga iiga halaysay.

 

Hees ka mid ah Heesaha ay ku luuqayso Muslimo oo ay sheegtay inay ka mid tahay labada Heesood ee ay ugu jeceshahay ayaa waxa midhaheeda ka mid ah:

 

Hadaadan Wadaynin Jacaylka Warmaha u adkaysan karayn Maxaad Wakhtiga iiga Halaysay . Heestaas oo ay dadka qaarkii ku tilmaamaan inay ka turjumayso Qiso Jacayl oo la soo deristay Hobalada, ayaa Muslimo, waxa sifaha heesta ay ka bixisay tilmaan ka duwan aragtida dadka, waxaanay tidhi, “, “Walaal Heestaasi horta aan kuu sheegee aniga ima khusayso, waxa samaystay nin wakhti laga lumiyay oo ay Naagi wakhtigii kaga ciyaartay, waana la ii dhiibay, waxaana Midhaheeda leh Abwaan Qarshiile.â€

 

Muslimo Qaasim Hilowle, waxa guud ahaan dadweynaha Reer Somaliland ay hawada u marisay Salaan iyo Hambalyo, “Guud ahaan dadweynaha Reer Somaliland waxaan Wargeyska Jamhuuriya, u marinayaa Salaan iyo Hambalyo, Dawladda, Xisbiyada iyo shacbigaba waxaan leeyahay Hambalyo waxaanan u rajaynayaa Barwaaqo.â€

 

Muslimo Qaasim Hilowle, waxay ahayd Fanaanadda keliya ee Soomaaliyeed ee Xirfad ahaan ku shaqaysa Tumista Miyuusiga gaar ahaan Organka , waxaana ay ku dhalatay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

 

Muslimo waxa ay ka soo jeedaa Qoys Hibo u leh fanka. Waxa dhalay Qaasim Hilowle, oo ahaa Hal Abuur, Heesaa, Miyuusigayste iyo Mulaxam, kana mid ahaa Aabayaashii soo barbaariyay Fan Masraxeedka Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Banaadidiriga, horaantii Sannadihii Kontomaadkii.

 

 

Source : Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaaanka:

Ninkii Diidi lahaayoow, Ninkii Dooni lahaayoow, ninkii Duuli Lahaayoow Dawo Eebe na siiyo Hargeysa waa nabade.
:D:D

Maxaa ku qoslee? Waji kaaki waaxid. Hargeysa is nabad, of course. Mise "duuli, diidi, dooni..." ma fahmin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waji kaaki? whatever that means sxb :D

 

Sxb, I reckon the song has some good lyrics as far as banadiri songs is concerned. ;)

 

But, that is not why I am all teeth here, it has got to do with the "intention" that she dedicated a song, all by herself, to my beloved city. That is something very special. And as you might know, reer Hargeisa know how to repay very well those who do them good.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Originally posted by Suldaaanka:

^^Waji kaaki? whatever that means sxb
:D

Kaaki hadiis jajab yahay waa lafeereya. Marka wajigaa waatagan yahay sida kaaki feero lagu toosiyey. :D I think he meant as complimemtary remark. :D

 

Suldaan, is she as good as her sister?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ me confused sxb LOL

"Kaaki hadiis jajab yahay waa lafeereya"

let me try and rephrase that in northern Somali...hmmm

 

"Maro Kaaki ahi hadii jacdad tahay, waa la kaawidaynayaa"

 

sow sidaa ulama jeedid? smile.gif

 

Suldaan, is she as good as her sister?

Sxb, me have no idea as yet. But according to the reporter, he thinks so. So, I will post the song first time I got hand on it. Usually they put on Paltalk as it comes out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this