Sign in to follow this  
Hunguri

Dawlada Federalka oo Sheegtay inaysan waxba ka jirin inay Dagaal kula jirto Beel

Recommended Posts

Hunguri   

Dowladda Federaalka oo sheegtay in aysan waxba ka jirin in ay dagaal kula jirto Beesha *Hawiyye*

 

Khamiis, March 22, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ay shalay sii daayeen Oday dhaqameedyo iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha *HHawiyye*, kuwaasi oo sheegay in dagaalka Muqdisho ka bilowday uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Beesha *HHawwiyye*.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho ka qarxay uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo kooxo yar oo shacabka madaafiic ka dhex tuura.

 

 

 

Wasiirka waxaa uu beeniyay in Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha *Ha*wwiye* ay shir ku yeesheen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka shirka isugu yimid ay yihiin kuwo aan kalsooni ka heysan Beesha *HHawwiyye*, “HHawiyyye Meydadka jidka kuma jiido, Masjidyadana dadka kuma dilo ee waa dad taageersan Dowladda Federaalka”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in haddii ay beesha *HHawiyyee* ka soo horjeeda Dowladda Federaalka aysan maalin joogteen magaalada Muqdisho.

 

 

 

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere waxa uu sheegay in Dowladda Federaalk ay si rasmi ah u bilowday howlgallo ay ammanka ku sugeyso, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay ka dhex baxaan kooxaha gabaadka ka dhiganaya ee nabadgelyo darrada wada.

 

 

 

Wuxuu difaacay Wasiirka Madaafiicda ay Dowaldda ugu jawaabeyso kooxaha ku soo qaada weerarrada madaafiicda ah, wuxuuna caddeyay in ay Dowladda xaq u leedahay in ay is-difaacdo, isla markaana ay magaalada ka sifeyso kooxaha falalka nabadgelyo darrada ah ka wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this