Sign in to follow this  
Gabbal

Adan Saransoor shoots at Aadan Madoobe supporters in Huddur.

Recommended Posts

Gabbal   

Saransoor dad ku jira Somaliaonline baa xitaa la carooday.

 

 

Maleeshiyooyin taageersan Aadan Saran-soor oo Rasaas ku furay maanta boqolaal dadweyne ah oo u dabaal degayay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka

 

Boqolaal dadweyne ah oo taageero u muujinayay doorashadii shalay ee guddoomiya baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sh. Aadan madoobe kuwaaasoo isugu soo baxay fagaare ku yaala magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa Rasaas ku furay kooxo maleeshiyooyin ah oo iyagu ka hor jeeday dabaal dega dadkan ay u muujinayeen guddoomiyaha cusub.

 

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxa’ed Macalin Axmed ayaa sheegay in intii uu socday banaanbaxan ay maleeshiyooyin ka amar qaata hogaamiye kooxeedka Aadan Max’ed Nuur Aadan Saransoor ay Rasaas ku kala eryeen, isagoo xaqiijiyay in aaney jirin cid wax ku noqotay Rasaastaasi, balse ay dadku kala firxadeen “Dadka oo banaanbaxaya ayaa waxaa Rasaas ku furay maleeshiyooyin taageersan Aadan Saan soor, wax yar ayuuna banaanbuxu hakad galay kadibna sidii loogu talo galay ayuu ku dhacay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xudur.

 

Dhinaca kale, banaanbaxyo lagu taageerayo doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Sheekh Aadan Madobe ayaa ka kala dhaacay degaanka Ufurow ee degmada Qansax dheere iyo weliba degmada Buurhakaba oo ka wada tirsan gobolka Bay, iyagoo Sheekha uu shalay uga guuleystay musharaxiintii la tartantay cod caqlabiyad leh.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia

cabdishakuur48@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this