Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf lands in Galkacyu: PICS

Recommended Posts

C/laahi Yusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo

Last Updated::2007-03-06 16:36:05

 

Gaalkacyo:- Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo.

 

Wafdigan oo kasoo duulay dalka Emaaraadka, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Airporka Gaalkacyo oo maanta amnigiisa si weyn loo sugay.

 

Airporka ayey ku sugnaayeen Madaxda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cadde Musse.

 

Wafdigan ayaa halkaasi uga gudbay dhinaca magaalada Gaalkacyo, ayadoo lagu wado in Wafdiga Federaalka uu kulan gaar ah la yeeshay Maamulka Puntland.

 

Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama bixin safarkan aan horey loo shaacin oo uu Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

 

Warar HorseedNet soo gaaraya ayaa sheegay in Maamulada Federaalka iyo Puntland kuwada xaajoonayaan arrimo la xariira amniga dalka iyo qodobo kale oo aan hada la shaacin.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya oo kasoo dagay Gaalkacyo.

6. Mar 2007

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay kamid yihiin wasiiro ka tirsan dawladda federaalka ayaa abbaare 4:55 galabnimo ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

 

Wafdiga madaxwaynaha ayaa barqonimadii maanta kasoo duulay madaarka caalamiga ah ee Dubai.

 

Dadwayne aad u badan oo ay hor kacayaan madaxda Puntland ,sida madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse, wasiirka arimaha gudaha, wasiirka maaliyadda , xildhibaano, maamulka gobolka ,iyo degmada ayaa madaxwaynaha garoonka kusoo dhaweeyay.

 

Inkastoo dadka wafdiga madaxwaynaha soo dhawayntiisa u diyaar garoobay ay garoonka kusugnaayeen illaa barqonimadii maanta , haddana soo dhawayntu waxay ahayd mid xamaasaddeeda wada tahay, waxayna dadwaynuhu u sacabbo tumayeen wafdiga madaxwaynaha, halka qaarkoodna caleemo qoyan ruxayeen.

 

C/laahi Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa dadwaynaha oo safaf dheer ku jira salaamayay, balse madaxwaynaha ma uusan u waramin saxaafaddii kusugaysay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

 

Wafdiga ayaa intaasi kadib u dhaqaaqay bartamaha Gaalkacyo iyo halka loogu talo galay inay dagaan, halkaasi oo la filayo inta uu joogo inuu madaxda Puntland kulamo kula yeesho.

 

Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo sugayay maanta , ayadoo dadka lagu baarayay meel ka baxsan garoonka , abaabulka dadkuna wuxuu ahaa mid si agaasiman ku dhammaaday.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dalka dib ugusoo laabtay {garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo si aad ah galabta loogu soo dahweeyay}

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka dalka Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed ayaa goor dambe oo galabta ahayd dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu safarro diabdeed kumaqanaa muddo ku dhawaad todobaad ah.

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka dalka Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed ayaa goor dambe oo galabta ahayd dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu safarro diabdeed kumaqanaa muddo ku dhawaad todobaad ah.

 

Madaxweynaha oo hoggaminayay wafdi ballaaran ayaa galabta abaara 5:15 daqiiqadood waxaa diyaaradii uu la socday ay soo cahga dhigatay dhabaha diyaaradaha ee magaalada Gaalakcyo,halkaasoo tan iyo saka ay diyaar kusii ahaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaliyeed ee Puntland, ciidamo aad u farabadan oo amaanka sugayay iyo dadweyne u diyarsanaa in soo dahweynta madaxweynaha ay ka qeyb qaataan.

 

Madaxweynaha ayaa maalintii sabtidii gaaray dalka Kuwait kaddib marti qaad uu boqorka dalkaa ka helay,waxaana uu halkaa ku qaatay muddo sadex maalmood ah oo uu kulamo la lahaa masuuliyiinta dalka Kuwait oo uu kala hadlayay sidii Kuwait ay usii xoojin lahayd taageeradeeda Soomaliya.

 

Booqashadiisii Kuwait kaddib waxaa uu madaxweynuhu soo maray dalka Imaaraadka carabta,halkaasoo uu kulasoo kulmay madaxda dalkaasi iyo masuuliyiin ganacsato iyo jaaliaydo ay ku jiraanoo Soomali ah.

 

Madaxweynaha ayaa diyaaradii siday ookasoo dejisaygaronka diyaaradaha gaalkacyo waxaa aykasooqaaday dalka Yemen oo ahhalka uu kusoo amraylugtiiugudambeysay ee socdalkisia .

 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaradaha ee magaalada Gaalkacyo kusoo dhweeyay masuuliyiin uu horkacayay madaxweynaha maamul gobaleedka Soomaliyeed ee Puntland General Cadde Muuse Xersi wxaana uu madxweynuhu caawa ku hoyanayaa magaalada Gaalkacyo

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo

Posted to the MOL March 6, 2007, 11:28 am

 

Madaxweynaha Dowlada Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo.

 

Wafdigan oo kasoo duulay dalka Emaaraadka, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Airporka Gaalkacyo oo maanta amnigiisa si weyn loo sugay.

 

Airporka ayey ku sugnaayeen Madaxda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cadde Musse.

 

Wafdigan ayaa halkaasi uga gudbay dhinaca magaalada Gaalkacyo, ayadoo lagu wado in Wafdiga Federaalka uu kulan gaar ah la yeesho Maamulka Puntland.

 

Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama bixin safarkan aan horey loo shaacin oo uu Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

 

 

balse waxaa la filayaa inay madaxdu lahadlaan saxaafada

 

 

Rabiile gabanow

 

 

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Desperate for wat replacing him?

are you out of your mind

anyway i heard some rumours that since yey was given some kind of liver transplant they mistakenly put the liver of shepard Dog this has made him have some afilia with bones iyo istaga buu kukajaa.

Is that why he went to London?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^welcoming for the Gaalo, that is right! And true N. Gaalkacyo people are more close to Ethiopia than Somalia.

 

I guess they happen to be Somali by name, not by spirit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this