Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

GaalKacyo Islamic Court

Recommended Posts

C/Waaxid C/hi Khaliif

 

London, UK

 

cabdulwaxid@hotmail.com

 

 

Ma Magaalada Gaalkacyood baa Maxkamad Islaami ah laga Furay!

 

 

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

 

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

Waqooyiga Gaalkacyo waxay hoostagtaa dhulka la yiraahdo Waqooyi-Bari Soomaaliya oo hadda loogu yeero “Puntland”. Sidaan la soconno, dhulkaas wuxuu ka midyahay meelihii diinta Islaamka ka soo gashay Soomaaliya sidoo kalana meelihii isku xira caalamka Islaamka iyo Soomaaliya. Waxaa intaas u dheer, dhaqdhaqaaqyadii dhalay Midowga Maxkamadaha waxaa kaalinta ugu weyn ka qaatay dadka ka soo jeeda degaankaas. Wuu fahmayaa qofkii xasuusta dhacdadii Araare iyo Waqooyi-Bari Soomaaliya, kaalinta ay dadka halkaas dega ku lahaayeen arrimahaas. Xitaa kii Luuq iyo qeybo Gedo ka mid ah waxay ka galeen kaalin fiican.

 

Nasiib-darro waxaa dacwadaas la dagay farsamo-xumo iyo degdeg ka yimid xarakooyinkaas iyo dibindaabyo ay maleegeen cadowga dibadda iyo kuwa gudaha. Waxaa fursad helay niman askar ahaa oo la’aa meel ay xukun u soo maraan markaasay intay Xabashi iyo dadkii reer baadiyaha ahaa kaashadeen bey cagta mariyeen dhaqdhaqaaqaas.

 

Sida caadiga ahba, muslimiintu waxay ka faa’iidaan khaladkoodaas waana taas keentay in wadaadadii ay xoogga saaraan iney wax ka qabtaan waxbarashada, ganacsiga iyo ugu dambeyn iney inta is kooxeystaan wax ka qabtaan nabadgelyo-xumadii ka jirtay Xamar iyo meelo kale. Arrintaas ayaa u soo jiiday iney si dhaqso ah uga kasbadaan ummada Soomaaliyeed dhexdeeda magac iyo sharaf. Qofkii arrintaas shaki uga jiro ha fiiriyo siday ku bilaabmeen Midowga Maxkamadaha. Wadaadadii Puntland joogay iyagu xoog ma saarin xagga nabadgelyada iyo iney isu habeeyaan si ciidan ee waxay dhinacaas u wakiisheen qolyaha horbooda Puntland. Arrintaas waxay keentay in wadaadadii Puntland u ekaadaan wadaadadii hore ee Soomaaliyeed ee tusaalaha loogu soo qaadanjiray: wadaad iyo waranle ama toban nin iyo wadaad baa ila dhashay! Laakiin arrintu sida la moodayo maaheyn oo wadaadadu xal bey u arkeen arrinta laakiin waa ogaayeen in mar uun xaqu soo noqon doono oo dabkii ay daareen uu mar Soomaaliya oo dhan uu saameyndoono. Waxaad mooddaa iney arrintu u ekaatay sida uu gabyaa u cabbiray mar uu lahaa:

 

geedihii la gooyaa marbey geydho bixiyaane

haddii aan guntoodiyo engagin goborta hooseysa

inkastoo la gubo xididadeey goror ku heystaane

 

gurmo-go’antu waa soo fuftaa guux hadduu maro’e

gu’ sooraan ahaaneed haddii gibilku seymeeyo

mar uun buu galoolku is xiraa gubatadii Soole

 

wixii Guullaheey korinayaa garab ma waayaane

inkastaad nakala gaasirtoo nagu galeyryeysay

Rabbi baa guddoonsaday inaan gacan sarreynaaye

Hadda Ilaah baa u gartay in wadaadadu yeeshaan gacanta sare kaddib markey u hiiliyeen xaqii ayna shacabkii tuseen iney yihiin dad wax ka qabankara xaallada lagu jiro. Sidoo kale waxay isugu dhurteen iney yihiin dad waddaniyiin ah oo aan ka raalli ahayn fara-gelinta Itoobiya. Arrintaas darteed ayaa rajo fiican gelisay wadaadadii Puntland. Waxaan aad ugu faraxsanahay in magaalada Gaalkacyood oo dhib iyo dacaayad laga sheego ay haatan noqotay magaaladii ugu horreysay ee looga dhawaaqo maxkamad Islaamiya marka laga reebo Laascaanood oo si aan toos ahayn u sheegay iney furteen maxkamad la yiraahdo Al-Caddaala. Inkastooy maxkamaddaas ka soo horjeedaan qolyihii Cabdi Qeybdiid Waqooyiga Gaalkacyo ku soo dhoweeyey iyo shaqsiyaad fiirsanaya dano shaqsi laakiin shacabka magaalada Gaalkacyood intiisa badan waa la jiraan. Waxaan warar hoose ku helay in qolada Cumar Maxamuud ka dalbadeen jufada Maxamed Cumar Maxamuud iney iyagu bilaabaan arrinta, intooda kalana ay ku dayanayaan. Waxaa ku garabistaagay in jufadaasi furato maxkamaddaas kumannaan dhallinyaro ah oo ka soo jeedda jufooyinka kale ee Cumar Maxamuud. Waxaana la isku afgartay maaddaama qabiilkaas uu yahay qabiil weyn iney furtaan dhowr maxkamadood. Insha Allaahu kuwooda ugu horreeya waa na soo hayaan.

 

Diinteennu waxay na faraysaa ineynaan mar kasta dadka dhaliishooda keliya sheegin. Maaddaama aan marar badan dhaliilay dadka dega Waqooyi-Bari Soomaaliya khaasatan kuwa maamulka haya ayaan hadda arrintaas ugu hambalyeynayaa. Maaddaama aan ogahay in magaalooyin badan laga diyaar yahay sida Boosaaso, Qardho, Garoowe, iyo Laascaano oo iyadu horay si aan rasmi ahayn ugu dhawaaqday maxkamad, iney sidoo kale furtaan maxkamado kuna dhawaaqaan. Sidoo kale ma xuma inaad reer tolkaa ugu yeertid kheyrka marka haddii la arko magacyo qabiil ama gabayo nin gebyaa tirshay yaan loo qaadan wax kale. Waxaan marka xasuusinayaa in qolada Maxamuud Saleebaan oo aan xitaa u kala harijirin dagaalka qabiilka aysan maanta u kala harin furashada maxkamadaha. Waa tii gabyaagu lahaa:

 

Maxamuud Saleebaanku waa miro saafiyahe

waa miro xalaalo ka badan maadha geedaha e

mid wixii ku dhaca labada kale kama maqnaadaane

Qabiilku seddexdaas lafood ka badan laakiin gebyaaga uun baa sidaas doortay. Marka naacoowdaan meel kasta oo Soomaaliya ah waa gaareysaa haddii Ilaah idmo. Aad baan ugu farxay in nin qabiilkaas ah uu BBC-da ka sheego in arrintaasi dhacday uusanna ninna uga heybeysaneyn. Marka waxaan uga digayaa nimanka ka tirsan Maxamuud Saleebaan ee jufooyinka kale ah ineysan arrintaas faraha la gelin. Waa la is yaqaan oo dadku waa wada jufo, dhaqanna uma lihin in jufo afka la gasho jufo kale. Haddii arrintaas laga waantoobiwaayo waxaa dib usoo cusboonaanaya falal ay dad hore sameeyeen loo eeday.

 

Waxaan aragnaa in maalin kasta laga soo fakanayo Feerfeer oo dagaaloogayaashi u galay Xabashi ay ka soo huleelaan. Cabdi Qeybdiidna wiilashuu heystay kala soo fakadeen ugu dhowaan hubkuu heystay oo dhan iyo weliba intaas oo hogaamiye-kooxeedyo u dhashay Digil iyo Mirifle ay u baxsanayaan Xuddur iyo meelo kale. Marka ma maqasheen hub iyo rag kasoo fakaday maxkamadaha? Miyaan taasi tuseyn in nimanku yihiin kuwo mabda’ iyo diin leh?

 

Ugu dambeyntii waxaan bogaadin iyo hambalyo usoo jeedinayaa ehelkaas furtay maxkamaddaas waxaana u sheegayaa iney naga furteen xil noona soo jiideen magac iyo sharaf. Qofkii raba inuu arko Soomaaliya oo Islaam lagu xukumayo, qofkii raba inuu arko Soomaaliya oo mid ah waa inuu taageeraa maxkamadaha. Marka waa innagoo sugna reer Puntland iyo Soomaalida kale oo maxkamado wada furtay.

 

WABBILLAAHI TOWFIIQ

 

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.

 

C/Waaxid C/hi Khaliif

U-hadlaha shacabka Puntland.

cabdulwaxid@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^True Soomaali and Muslim. I really love this brother of ours and his true sense of Soomaalinimo.

 

He was the author of the book Qiimaha Dhulka iyo Qadarin La'aanta Soomaalida .

 

I salute you, indeed!

 

[ November 01, 2006, 09:38 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this