Sign in to follow this  
ansaar17

Dowladda Maqaarsaarka ah ee Muqdisho kusugan oo isgaarsiinta joojin rabta

Recommended Posts

ansaar17   

Muqdisho,17,March-07 ( Qaadisiya.com) War iminka aanu ka helnay Xafiis kamid ah Xafiisyada Dowladda Maqaar saarka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in saacadaha soo socda la xeri doono Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Isgaariinta ka hawlgasha Gudaha dalka.

 

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Shirkadaha Isgaarsiinta la damin doono iyadoo waddooyinka Muqdisho-na la xeri doono intooda badan, waxaana sii dheer in Xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho laga bilaabi doono hawlgallo aad u culus waa sida ay Dowladda Maqaarsaarka ku dhaqaaqi doonto.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga digayaa in ay iska ilaaliyaan dhibaatooyinka ay maleegayaan Dowladda Maqaar saarka ah oo iminka xilliyada ugu soo dhaw dooneysa in ay hawlgaladdaasi bilowdo.

 

Lama garanayo illaa iyo hadda goobta ugu horeysa ee hawlgallada laga bilaabi dooni, lakin waxaanan la ogeyn illaa iyo iminka sida Dowladda Maqaarsaarka ah ay Shirkadaha ku xayiri doonto gaar ahaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa Internet-ka.

 

WIXII KUSOO KORDHA ARRINTANI SAACADAHA UGU DHAQSIYAHA BADAN AYAANU IDINKUGU SOO GUDBIN DOONNAA INSHAA ALLAAH.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

no, actually the ethiopians and their workers plan to do something they don't want everyone to know.

 

Am sure u must be happy with your fellow tigrees.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's basic military tactics sir. I understand that it might sound complex to you and that your already going into conspiracy mode but let's just wait and see for the outcome.

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to the company's english notice it's for "15 minutes maintenance". I highly doubt that their gonna be off for only 15 minutes, probably just a PR measure in order to keep customers cool. Lets look for more news from this front as things goes.

 

 

Mid ka mid ah shirkadaha taleefoonada Muqdisho oo Macaamiisheeda caawa ku wargalisay in ay 1:30 ay hawada ka bixi doonto(Warbixin)

 

Waagacusub.net Exclusive

 

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa caawa fariin qoraaleed ay u qeybisay macaamiisheeda ku war galisay in caawa abaaraha 1:30 Seqda dhexe ay hawada ka bixi doonto iyadoo aan wax faah faahin ah ka bixin ujeedada daminta System-keeda Mobile-ka oo ahaa mobile-ka loogu isticmaalka badan yahay

 

"Important Notice: We'd Kindly inform you, due to System maintenance, Hormuud Mobile Phones will be off the Air 15 minutes from 1:30am." ayaa lagu yiri ogeysiis qaab fariin qoraaleed ah loogu diray dhamaan macaamiisha shirkadda Hormuud Telecom, iyadoo shirkadu aysan sheegin sababaha ay hawada uga baxday iyo xiliga ay dib ugu soo laabanayso hawada.

 

Lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa talaabadan ay qaaday shirkada Hormuud GSM, balse waxaa loo malaynayaa in shirkaddu ay u hogaansantay amar ka soo baxay dowlada federaalka KMG Soomaaliya, kaas oo shirkadaha Isgaarsiinta gaar ahaana Hormuud Telecom, Somafone, Telcom Somalia iyo Nation-link amarkaas oo lagu farayay in ay damiyaan System-yadooda 19 bisha maarso 2007-da oo ah maalinta barito ah.

 

Sidoo kale arintan ayaa la tilmaamay in dowlada federaalka ay ugu gol leedahay howl galo balaaran oo ay saacadaha soo socda ka fulin doonto caasimada Muqdisho, kaas oo lagu sugayo amniga waxaana la filayaa in ay u hogaansamaan amarka dowlada shirkadaha kale ee harsan iyadoo shirkadda Hormuud-na ay u muuqato mid u hogaansantay amarka ka soo baxay dowlada.

 

Dhanka kale waxaa iyana aanan la ogeyn in amarkaas mid la mid ah la siiyay shirkadaha Internet-ka, Xawaaladaha, Idaacadaha iyo Idaacadaha iyadoo hadii ay dhacdo in la xanibo xarumaha Internet-yadana aqristayaasha dibadaha ay weyn doonaan wararkii ay suxufiyiintu uga soo tabin jireen magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

http://www.waagacusub.net/news.18.03.07.3.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this