Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Laag, Bari Conflict: Gen.Ilkajiir's facilitates momentous peace treaty

Recommended Posts

Shir balaaran ayaa lagaga Hadlay Xaaladii dagaal Ee ka dhacday tuulada Laag Ee Gobolka Bari

 

Laag:-Shir balaaran oo ay soo qaban qabniniyeen isimada iyo Maamulka Puntland oo aan loo kala Harin ayaa Maanta ka dhacay Meel Fagaare ah oo ah bartanka Magaalada Laag Ee Gobolka Bari.

DSCN6103.JPG

Waxaana Shirkaasi ka soo qaybgalay Musharax Jagada Madaxtinimada Sanada 2009ka Mudane Gen. C/laahi Axmed Jaamac (ilka Jiir) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amaanka Puntland C/laahi Siciid Samater ,Wasiirka Waxbarashada Puntland Maxamed Bille Dube ,Wasiir ku xigeenka Dowladaha iyo Hoose iyo Wasaarada isboortiga Puntland Cali Naaji,Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Gelle yuusuf Faroole,Duqa Degmada Bosaso C/risaaq Xareed ismaciil Xildhibaan C/xakiin Dhooba ******* Abaan Duulaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Somaliyeed Ee Puntland Garya Cowl iyo Sarakiil kale oo ku suganaa Goobta.

 

DSCN6168.JPG

 

Dhinaca Isimada Caaqil Warsame Aadan Geesood ,Caaqil C/faarax Nabadoon Afguduud Beeldaajiye Cali Faarax Ugaas Yasiin iyo Isimo nadboone iyo samadoono aad u tirabadan oo badiba ka soo jeeda Degaanada maamul Goboleedka Somaliyeed Ee Puntland.

DSCN6163.JPG

 

 

Ganacsato Hormuud ka Yihiin Yuusuf Caalin ,cabdiladiif Yuusuf Bare Cunbil Faarax Bille iyo Xubno kale oo si wayn Looga yaqaan Degaanada Puntland.

 

Dhanka coladii waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyey Beelaha wada Dega Magaalada Laag ee Gobolka Bari oo Si wada Jir ugu Baaqay Nabadgayo ka islaaxda iyo Heshiis Qalinka lugu wada duugo 3docood ee Xukumada iyo 2belood ee lugu lifaaqayo inay qayb ka yihiin dhibatoyinkii sababay dhimashada iyo dhaawaca Ee ka dhacay Magaalada Laag ee Gobolka Bari.

 

C/ladiif Yuusuf Bare oo ka Mida Mulkiilayaasha Wawayn ee Degaanada Puntland iyo Ganacsade Yuusuf Caalan ayaa Madasha Hadal ka soo Jeediyey waxaana ay shegeen inay Bixinayaan Lacag ay jeebkooda ka bixinayaan taasi oo ay ku xasilinayaan Amaanka gobolka Bari.

 

 

Ugu damayntii Waxaa soo xiray Shirkaasi Wasiirka Amniga PL oo Sheegay inay hada si Fiican isu fahmeen Xukuumada iyo Dadka ku dhaqan Degaanka Laag, wasiirka ayaa sidoo kale balan qaadey in ay dowlada bixindoonto magta dadkii ku dhintey dagaalkaas oo ahaa ciidanka Puntland Sidoo kalena sheegay beesha Dubeys dhibkii kasoo gaarey ay dowladu qaadan doonto iyo barakacii dadka reer Laag.

 

 

laa%20021.jpg

DSCN6175.JPG

DSCN6119.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this