Sign in to follow this  
Gabbal

Cabdullaahi Axmed Cadow Oo maanta Qado sharaf U Sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka

Recommended Posts

Gabbal   

Cabdullaahi Axmed Cadow Oo maanta Qado sharaf U Sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka

 

Cabdullaahi Axmed Caddow oo ka mid ah musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyey xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya hotelka Intercontinental ee magaalada Nairob, waxaana xafladaas kasoo qeybgalay Soomaali badan oo iskugi jirtay xildhibaanada Golaha Baarlamanka iyo marti sharaf kale oo badan, waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Xasan Max’ed Nuur (Shaatiguduud), Mowliid Macaan Max’uud, Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi, Max’ed C/llaahi Jaamac (Sifir), Caasha Axmed Axmed Cabdalla, ( for "Puntlanders" to know all the members of their sub-clan don't support Beer-Laawe :D;) ) Jaamac Max’ed Qaalib & C/llaahi Axmed Caddow.

 

Jaamac Maxamed Qaalib oo kamid ahaa dadkii ka hadlayey xafladaas ayaa yiri "Dhibaatooyinka dalka soo maray waxaa lagaga bixi karaa aqoon, anigu dadka sharaxan ee 65 qof lagu sheegay ma wada aqaan laakiin inta aan ka aqaan cid ku haysata Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow aqoonta dowladnimo iigama muuqdo, sababtoo ah dhibaatadeena ugu horeysa waa nabadgelyada, marka Cabdullaahi Axmed Caddow ciidamaduu ayuu ka mid ahaan jiray wuxuu ka soo gaaray derajada taliye ku xigeen markii dambena waxaa lagu daray booliska, kadib markii C/risaaq Xaaji Xuseen dowladda madaxda u noqday wuxuu u doortay in uu wasaaradda maaliyadda madax uga dhigo, cid uga war roonaan karta dhaqaalaheena sidduu ahaan jiray & dhaqaalaha aanu maanta dooneyno inta uu la egyahay ma jirto, intaa kadib 12 sano wuxuu safiir ka ahaa dalka Mareykan oo ah dalka lagu tiriyo in lagaga daydo siyaasada & dimuqoraadiga, 10 sano ayuu Washington fadhiyey 2 sano ayaana loogu daray markii laga maarmi waayey marka waxaan u maleynay aa siyaasiyiinta u tartameysa madaxtinimada in aysan jirin nin haysta aqoonta & waaya-aragnimada dowladeed ee uu haysto Cabdullaahi Axmed Caddow, taas oo aaney macnaheedu aheyn in aan anigu cid liddi ku ahay marka inta dhalinyarada ah ee aanan aqoonta u laheyn Cabdullaahi Axmed Caddow ayaa doonayaa in aan intaa u sheego" ayuu yiri Jaamac Max’ed Qaalib oo ka mid ah mas’uuliyiintii maanta halkaasi ka hadashay.

 

"Xildhibaan waxaa lagaa doonayaa inta ka hartay haykalada dowladda oo uu ugu horeeya madaxweynaha waa in aad u doorataa nin maanta ceelka ay ku dhacday Soomaalida ka soo saari kara" ayuu yiri Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka hadlay kulanka qadada ee maanta " Xubnaha Baaarlamaanka waxaan u soo jeedinayaa in gobolo dalkeena ka mid ah ay ka soconayaan dagaalo faraha looga gubtay, haddii aanu nahay mudanyaashii u taagnaa qaranka Soomaaliya waa in aynu ka hadalnaa dadka birimageydada ah ee maalin kasta dagaalada ku dhimanaya waana in aan ka hortagnaa dhibaatadaa, waxaan kaloo soo dhoweynayaa Mudane Cabdullaaahi Axmed Caddow in uu ku guuleysto madaxtinimada Soomaaliya" ayey tiri Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka.

 

Musharaxa Madaxwayanaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Caddow oo dhamaadkii xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in mushkiladda ummadda Soomaaliyeed haysata lagaga bixi karo midnimo & in la iska kaashado siddii qarankii Soomaaliya ka burburay loo yagleeli lahaa, laysagana iloobi lahaa wixii la soo maray, wuxuuna walaac ka muujiyey in Soomaaliya ay noqoto dalka keliya ee ka maqan masraxa siyaasadda adduunka.

 

mudada ku meel gaark ah kadib waxaan rajeyneynaa in dalkeena ay ka dhacdo tirakoob guud & doorashoxor ah lana meel mariyo dastuur markaana waxaa imaaneysa in sida maanta xildhibaanada ku yimid habl beeleedka, beelaha Soomaaliyeed in ay ka yimaadaan xisbiyo siyaasadeed lagana gudbo beelnimada, hadaba xildhibaanadu waa dadka metelaya aayaha Soomaaliya waana in ay mustqabalka ummadooda u turaan, anigu marka waqtigeeda la gaaro ee la yiraa musharax kasta ha isa soo qadimo markaas ayaan cadeynayaa prograamka siyaasadeed ee aan is leeyahay haddii baarlamaanku ku qanco waad ku hogaamin kartaa ummada Soomaaliyeed" ayuu yiri C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay in uu ka rajeynayo xildhibaanada baarlamaanka in ay si Soomaalinimo ah u gutaan waajibkaadii ay u dhaarteen ee qaranka Soomaaliya.

 

Dhamaan dadkii ka hadlay xafladaas ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Cabdullaahi Axmed Cadow oo ahaa ninkii ay kol hore ku tartameen jagada ,madaxweynimada Soomaaliya C/qaasim Saalad Xasan shirkii Carta ee lagu soo dhisay dowladii KMG aheyd ee uu madaxda u ahaa C/qaasim Salaad Xasan, xafladan ayaa qeyb ka ahaa shirar iyo xaflado isdaba joog ah oo ay maalmahan qabanyeen ragga ayagu u sharaxan jagada Madaxweynimada Soomaaliya waxaana lagu hardamayaa codadka 275 xildhibaan ee la doonayo in ay ayagu doortaan madaxweynaa Jamhuuriyada Soomaaliya shanta Sano ee soosocota.

 

Tifaftiraha Gedonet.com

C/shakuur Cali Mire

shakuur111@hotmail.com

 

Nairobi Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

4 out of the 14 Gedo

Well if Abdulahi Yusuf is giving out free money, who wouldn't say anything to get some :D;)

 

I know for a fact those 14 votes are not going to a murderer, a senile old tribalist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know for a fact those 14 votes are not going to a murderer, a senile old tribalist.

Ah those 14 holly men, which includes the butchers of Juba Barre Huurale, Ahmed Warsame and a couple of factions that destroyed Gedo.

 

It does not matter to me as you are not independent from Inda Cade and A/qasin well you was from a small group after all :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

well you was from a small group after all

I am from the Somali group. May Allah rebuild our nation and may a just man reign, whether he comes from my sub-subclan or not, my sub-clan or not, my clan or not.

 

THAT is the difference between you and I. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

The difference between you and I is quite simpler, you support Yusuf Inda Cade and Huuraale and the occupation of Juba, Marka, Barava while I support Puntland and the occupation of no one. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

smith

 

ina yey might be able to buy few votes from here and there but remember he will not get all the votes of all the Hart! tribes he claims to repesent infact it is almost certainty that significant number of them will stab him in the back due to huge resentments that has been brewing for while now with the likes of jaamac cali jaamac and and galaydh :D

 

 

WD

 

sxb if he cant get his gedo boys who are his kinsmen basically then realisticly where else will he get political fan base when we are being realistic enough..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudac,

 

Brother it seems people get mixed up Puntland has 27 + 5 +3 + 3, now we cannot name the clans so you figure it out.

 

Out of these there are.

Zakaria, Jama, Casha, AbdiYusuf, Cali Bashi, Maybe Jinni, thats 6 total who oppose Yey.

 

However, what Abdullahi needs is not these but

 

1/2 the rest of his clans votes which is 14 gedo boys, 12 Afmadow lads. The calculation is that 1/2 of these are SPM/SRRC and SNF/SRRC

 

30 from the North South SNM groups, he has a good chance with, Abdullahi Shiekh Ismael, Abdirizaq Shiekh Yusuf the leaders of the South group on board. This leaves the 28 + 9 from the North. Who is the big wolf of the lot, Buuba if you got Buuba on board a future FM, you help out a number with their financial difficulties and who knows.

 

 

Lets look at the coalition of 31 this group is stright forward they are not by partisn except for Mowleed Macane and he is on Ato's books.

 

the USC group, looks tough but their votes are split, too many would be presidnet, Qaynyare, Adow, A/qasin. Sindikow. Too many are ambitious, Mohamed Dhere, Xuseen Aydeed.

From this group some want to be PM and would not like any of the above becoming President, so they will make deals, Abdullahi is the esiest bet, he becomes presidnet that means his clans number of minister will be small.

 

RRA 23-30 would be a reasonable number for Abdullahi to win. The RRA are split, mot support the SRRC and some are individuals undecided.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this