Sign in to follow this  
who-me

Maareeyihii Dekedda Magaalada Muqdisho oo diiday xil qaadistii lagu sameeyay iyo ...

Recommended Posts

who-me   

Maareeyihii Dekedda Magaalada Muqdisho oo diiday xil qaadistii lagu sameeyay iyo ciidamada AMISOM oo khasab uga saaray Dekedda

 

Arbaco, April 07, 2010 (HOL) Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya Dekedda Muqdisho ayaa waxay maanta xoog kaga saareen Dekedda Maareeyihii hore ee Dekedda Cabdi Jiinow Calasow.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaas ay u qaadeen Maareeyaha dhinaca xafiiska Ra'isul Wasaaraha, waxaana qabashadiisu ay timid markii uu diiday inuu aqbalo xil ka qaadistii lagu sameeyay maalin ka hor iyo Mas'uulka cusub ee loo magacaabay Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho.

 

"Tani waxay ahayd mid sharaf dhac ku ah Maareeyihii hore ee Dekedda, si khasab ah ayaa looga saaray Dekedda, waxaana loo qaaday Madaxtooyada" ayuu yiri mid ka mid ah maamulka Dekedda Muqdisho oo horay ula soo shaqeeyay Cabdi Jiinow.

 

Ma'suulkan oo diiday in magac ahaan la xuso ayaa sheegay in qabashada Jiinow loo adeegaday awood xad-dhaaf ah, taasna ay tahay sharaf dhac weyn, isagoo aan sharraxaad ka bixin sababta

loogu qaaday Madaxtooyada.

Ra'iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu kulammo la leeyahay Maareeyihii hore iyo midka cusub, kuwasoo albaabbadu ay u xiran yihiin, lamana yaqaan wuxuu kala hadlayo, waxaase la filayaa inay tahay arrinta maamulka Dekedda Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku haya Dekedda Muqdisho, halkaasoo ah isha ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ka hesho lacagta ugu badan ee kasoo gasha dalka gudihiisa, waxaana isbadalka maamulkeeda lagu saleeyay lacagta kasoo xaroota.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Show xaaraanta badan indha adayg saa'id ah baa laga qaada. War ka soco maba yaqaan ilaa xoog looga saaray meesha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this